| BUDHCAD BADEEDA HAYSATA DOONI LAGA LEEYAHAY WADANKA SPAIN OO MADAXFURSHO DALBADAY |
|
|
|
| Wednesday, 14 October 2009 12:05 | ||||||
![]() kooxaha burcad badeeda ah ee heysta doonida Al-akrana ee laga leeyahay dalka Spain ay shaaciyeen Lacag madax furasho oo ay ku sii deynayaan Doonida ay heystaan. Xadmiga lacagta ay codsadeen ayaa ah $4 mln oo dooralka mareykanka ah sida uu wakaalada AFP u sheegay nin isku magacaabay Abdi yare oo ka tirsan Kooxaha Burcad badeeda ah ee Heysta Doonidan Spain laga leeyahay. Saacadihii ugu dambeyay tan iyo intii ay qafaasheen kooxahan Burcad badeeda Soomaalida ah doonidan laga leeyahay Wadanka Spain ayaa waxaa iska soo daba dhacayay wararka ku saabsan doonida iyo hanjabaado ay burcada iyo Dowlada Spain isku weydaarsanayeen qalabka warbaahinta. Horaantii bishan ayay aheyd markii doonida la qafaashay waxaana inta la sheegay saaran doonida 36shaqaale oo uu ku jiro cabtiankii doonta, Majiraan ilaa iyo haatan war ka soo baxay dowlada Wadanka Spain oo ay kaga hadleyso arintan oo ay Burcada Heysata Al Akrana ku shaaciyeen madaxfurashada ay ku sii deyn doonaan Doonida, balse horay ayay dowladaasi shaacisay in aanay dheg jalaq u siin doonin hadalada ka soo baxaya burcada heysanata Doonida Al Akrana. HMCÂ
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |

















