Taariikh Nololeedka Meles Zenawi, Raysal Wasaaraha Itoobiya PDF Print E-mail
Tuesday, 27 October 2009 14:45

BOSASO:SAWIR:Ato Meles Zenawi Asres Hogaamiyaha Dalka Itoobiya wuxu dhashay Sideedii Bishii Shanaad Sanadkii 1955 Wuxuna ku Dhashay Magaalada Adwa ee Gobolka Tigree, inkastoo Caan ku yahay Meles hadana magaciisa dhabta ahi ee hore waa Legesse, Magaca Meles waxa loo bixyey xiligiii uu Jabhadka ahaa inkastoo intii dambe uu Shahadooyinkiisa ku qortay Meles.

Wuxu Dugsiga H/Dhexe  kabilaabay kuna Dhamaystay Dugsigii la odhan Jiray Queen Of Sheba Junior Secondary school, Sanadkii 1972 ayuu Dugsiga sare ka dhamaystay General Wingate oo Addis ku yaaly, kadibna wuxu galay Kuliyada Caafimaadka Jaamacdii Xayle Salaase,

Balse Labo sano markuu dhiganayey Zenawi ayuu kabaxay Jaamacada, sanadkii 1974 ayuuna ku biiray Jabhadii Tigreega ee la odhan jiray Tigrai Peoples Liberation Front (TPLF).

1979 ayaa loo doortay inuu Hogaamiyo Guddiga Hogaanka sare ee Jabhada, Afarsano Kadib 1983-gii ayaana loo doortay Hogaamiyaha Guddida Joogtada ah.

Sanadkii 1989 ayuu noqday Hogaamiyaha Jabhada TPLF iyo Hogaamiyaha Xisbiga Ethiopia Peoples Revolutionary Democratic Front (EPRDF)

Kadib Guushii Jabhaduhu ka gaadhayn Xukunkii Militariga ee Migiste wuxu Meles Zenawi Noqday Madaxweynaha Dowlada kumeelgaadhka ee Itoobiya  iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada xiliigaas isagoo Xilkaas hayey 1991-1995.

Sanadkii 1995 ayuu u tartamay Xilka Raysal Wasaaraha Wuuna ku guulaystay Xilkaas isagoo Noqday Raysal Wasarihi ugu horeyey ee Itoobiya yeelato.

Intii uu Xilka Kumeelgaadhka u hayey Meles Zenawi waxa soo maray Go'aamo Taariikhda galay oo ay ka mid ahayd Goosashadii Gobolka Eriteriya uu ka Go'ay Itoobiya inteeda kale oo ka dhigtay Wadanka Itoobiya mid bad-ahaan Go'doonsan, wuxu badalay Nidaamkii hore ugu degsanaa Dalka Itoobiya isagoo ka dhigay Wadan Federal ah oo Gobolada la siiyey Ismaamul Hoosaad u gaar ah.

Sanadkii 1995 Doorashadiisa kadib ayuu Raysal Wasaare Melez noqday Gudoomiyaha Ururkii Afrika ee Organization of Afrikan Union wuxuna Xilka ka degay Sanadkii 1996, wuxu isla sanadka noqday Hogaamiyaha labaad ee Ururkii la odhan jiray Global Coalition for Africa, wuxuna ku biiray Uru Goboleedka IGAD oo uu ka mid ahaa Xubnaha Asaasay sanadkaas.

Sanadkii 1998 ayuu Meles Dagaal Qadhaadh la galay Dowlada ka Go'day ee Eriterya Dagaalkaas oo Socday Muddo labo sano ah wuxu keenay Khasaare Nafeed iyo Mid Maalba iyadoo Ciidamada Itoobiya la sheego in ay si weyn ugu madhayn dagaalkaas inkastoo ay gudaha u galayn dalka Eriteriya, wuxuna Dagaalkaas Siiyey Eriteriya Maqaam ay kula tartanto Itoobiya go'aan ka gaadhista Xaaladaha iyo Siyaasadaha Gobolka Geeska Afrika.

Sanadkii 2000 ayuu markale isku taagay Doorashada Madaxtinimada Dalka Itoobiya isagoo si fudud ugu guulaystay inuu xilka hayo Xili labaad.

Wuxu markale Isku taagay Doorashada Sanadkii 2005, balse wakhtiga waxa hadheeyey Rabshado lagaga soo horjeedo kadib markii la sheegay inuu ku guulaystay Doorashada waxana Dhaleecayn Caalami ah uu kala kulmay Sidii loo maareyey Banaanbax lagaga soo horjeedo Natiijada Doorashada oo 15 Bishi Shanaad Sanadkii 2005 ka dhacay Addis Ababa oo ay ku dhintayn dad Aad u tiro badan.

Meles Zenawi oo ku dhuumanaya inuu taageerayo Dowladii Cabdilahi Yuusuf Axmed wuxu hirgaliyey Siyaasad Boqolaal Sano soo taxnayd oo ahayd Sidii Itoobiya gacanta ugu dhigi lahayd Somaliya, wuxuna sanadkii 2006 Ciidamadiisu gudaha u galayn Dalka Somaliya iyagoo xoog ku muquuniyey Midowgii Maxaakiimta,

Inkastoo Zenawi Qabsasho Ahaan ku guulaystay inuu Gudaha u galo Somaliya hadana wuxu kooxii islaamiyinta kala kulmay Cadaadis Badan kaas oo aakhirkii ku kaliftay inuu Ciidamadiisa kala Baxo Somaliya Labo Sano kadib.

Inkastoo ilaa hadaaya Dowlada Itoobiya Qariso Ciidamada Kaga Dhintay Gudaha dalka Somaliya iyo Miisaaniyada kaga baxdayba hadana Melez oo Saxaafada Mar ugu Waramayey Addis Ababa wuxu sheegay inay Dhaqaalo badan oo aanay xamilayn kaga baxay Somaliya ujeedadii ay laahayeena ay gaadhayn taasina keentay inuu Ciidamadiisa kalasoo baxo dalka Somaliya.

 Meles Zenawi sidii Hogaamiyihi ka horeeyey oo kale wuxu yeeshay Mucaarad Hubaysan oo kasoo horjeeda Xukunka dalka itoobiya, waxa Gobolka Ismaamulka Somalida Itoobiya ka jira Jabhad Hubaysan oo dagaal kula jirta Itoobiya sidii ay u xorayn lahayd Gobolka Jabhadaas oo la yidhaahdo ONLF.

Gobolka Oromada isagana waxa ka jira Jabhad la mid ah ta hore oo iyaduna u dagaalanta Xoraynta Gobolka Oromiya Jabhadas oo la yidhaahdo OLF.

Dhinaca Xuduudka Eriteriya waxa la sheega inay ka jirto Jabhad aan xooganayn oo taageero ka hesha Eriteriya Jabhadaas oo ah tu Canfarta u dagaalanta.

Itoobiya si ay Cadaadiso Eriteriya iyo Wadanka Suudaan oo u muuqda mid awood ahaan kula tartamaya Gobolka Bariga Afrika waxay Itoobiya xidhiidh fiican la samaysay Jabuuti, Somaliland, Puntland iyo Kenya, iyadoo lagu tiro Somaliland iyo Puntland inay yihin kuway xidhiidhka ugu wanagsan la leedahay.

Meles dhinaca Waxbarashada inkastoo uu Jaamacada ka tagay 1974 hadana muu noqon nin ka maqnaada Waxbarashada wuxu sanadkii 1995 Shahaadaada Masterka ee Business Administration ka qaatay Jaamacada Open University of United Kingdom, isla Sanadkii 2002 wuxu Shaahadada Sare ee Doctoral Degree of Political Science ka qaatay Jaamacada Hannam University ee Dalka Koonfurta Kuuriya, 

Labo sano kadibna Sanadkii 2004 wuxu Shaahadada  Master ee Dhaqaalaha ka qaatay Jaamacada Erasmus University ee dalka Holland Ama Netherlands qofba siduu u yaqaan

Raysal Wasaare Meles waa aabo leh seddex caruur ah wuxuna qabaa gabadh caan ka ah Itoobiya oo la yidhaahdo Azeb Mesfin, oo ka tirsan Barlamaanka Itoobiya, waxay caan ku tahay u ololeenta Xuquuqda Haweenka, waana gabadh ganacsato ah.

Ato Meles Zenawi waxa lagu tirayaa Hogaamiyayaasha Afrika ee leh Hobbies ay jecel yihin, waxana la sheega in wakhtiga Firaaqada uu leeyahay uu ku qaato Akhriska, Dabaasha iyo Ciyaarta Tenniska loo yaqaan.

Caqiido ahaan Meles waa Masiixi aaminsan Mad-habta Orthodox-ka.

 

HADAAFTIMO MEDIA CENTRE

Comments
Add New Search
bbbbbbbbbbbbbbbbbb  - bbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbb   |2009-11-02 05:30:30
gaal weyn iga dheh
Write comment
Name:
Email:
 
Title:
 
:angry::0:confused::cheer:B):evil::silly::dry::lol::kiss::D:pinch:
:(:shock::X:side::):P:unsure::woohoo::huh::whistle:;):s
:!::?::idea::arrow:
 

3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved."

 


MAQAALLO


maakhirmap.jpg Sidee Loo Horumarin Karaa Deegaanka Maakhir?
Saturday, 28 August 2010 00:50
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina ...
idris1.jpg DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA? | W/Q. Muxamad Idris
Wednesday, 28 July 2010 15:01
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina ...
islam.jpg MUSLIMIINTA OO NOQDAY MUSTAQBALKA CAALAMKA(BAADHITAAN)
Friday, 02 July 2010 01:42
Aduunyaddu way isbedelaysaa adiguna markhaati ayaa...
hooyo.jpg HOOYADU WAA LAMA HURAAN !!! BY: KALTOUM WADANIYA
Monday, 28 June 2010 11:06
Waxaa hubaal ah in hooyadu tahay lama huraan,udub ...
faallo1.jpg ARAGTI: WAQTIGA IYO WAAYIHIISA
Thursday, 17 June 2010 23:00
     Â Â            ...
faallo1.jpg GUUR MA WAX LOO DHIGAA JIRA? W/Q KALTOUM WADANIYA
Sunday, 13 June 2010 22:59
Macnaha guurku ma aha midaan erayo ku soo koobi ka...
maakhirstate.jpg MAAKHIR STATE INUU HANO QAADO MAXAA HORTAAGAN ?
Friday, 11 June 2010 00:02
Ruux walba kartidiisa iyo gudaalkiis, karaanka iyo...
flower.jpg JACAYLKII BARNI SEED WARFAA
Wednesday, 09 June 2010 09:48
Barni Seed Warfaa aqalkoodu waa ka tuulada oo dhan...
faallo1.jpg INDHA SARCAAD!! W/Q: KALTOUM WADANIYA
Tuesday, 08 June 2010 08:23
Bissmilah, Akhristoow suxufinimo iskuma ogayn, qo...
faallo1.jpg DHOOF: MA WAX LOO DHIGAA JIRA?!!
Saturday, 05 June 2010 19:14
                            Â...

Sports


kubad HORYAALKA INGIIRSKA OO SHALAY KU BILOWDAY SI XAMAASAD LEH
Sunday, 15 August 2010 11:46
 waxaa sixiisabadan ubilawday hoyaalka ingiriiska...
priemerleague.jpg Daawo Ciyaarihii ka dhacay Horyaalka Ingiriiska
Tuesday, 01 September 2009 08:33
waxaan halka idinku soo gudbin goolashii ka dhasha...
priemerleague.jpg Horyaalka Ingiriiska iyo Natiijooyinkii Isbuucan
Monday, 31 August 2009 07:29
sidii u dhacay asbuucan horyaalka in igriiska  ma...
championsleague.jpg kooxda Chelsea oo dhulka jiiday ManU ee Galabta ka dhacday Wembley
Tuesday, 18 August 2009 08:33
Waxaa ciyaar aad u xiiso badnayd isaga horyimaadey...
championsleague.jpg Wiil Somali kamid noqoday FC Chelsea
Wednesday, 01 July 2009 17:07
Kooxda kubadda cagta ee FC Chelsea ayaa markii ug...

Online Users

We have 31 guests online

STATISTICS

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterAll468743

Tahniyad


tahniyad1.jpg TAHNIYAD AROOS / MAXAMUD MAXAMED JAAMAC & HINDA CABDI AHMED /ETHOPIA
Sunday, 08 August 2010 11:01
    Aabe Mohmed Jama Ali bayr...
tahniyad1.jpg TAHNIYAD AROOS / FAHAD CALI GAANI IYO IDIL AXMED SAALAX / BOSASO
Monday, 19 July 2010 04:11
Dhamaan dadkan hoos ku xusan waxay hanbalyo ito bo...
tahniyad1.jpg TAHNIYAD MEHER/ CAWED CABDI AADAN IYO LUUL SULAYMAN AXMED/ HADAAFTIMO
Tuesday, 08 June 2010 17:11
 Halkan waxaanu tahniyad meher uga diraynaa ...
tahniyad1.jpg TAHNIYAD DHALASHO/ ISMACIL MAXAMUD MAXAMED SHIRE IYO HOODO CABDI SAALAX/LIVERPOOL
Friday, 28 May 2010 08:33
Tahniyad Dhalasho Dhamaan dadkan Hoos ku qoran wax...
tahniyad1.jpg HAMBALYO MEHER/ MUDANE MURSAL MAXAMED SAALAX IYO MURWO MURWO NIMCO AXMED XASAN/KENYA
Sunday, 09 May 2010 12:24
Dhamaan dadkan Hoos ku Qoran waxay Tahniyad Meher ...

TACSI


tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH / MARXUUM ISMACIL AXMED GAAS / CEERIGAABO
Monday, 28 June 2010 11:15
     Caaqil Cabdilaahi Ma...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH / MARXUUM CABDILAAHI YUUSUF AXMED / LONDON
Wednesday, 09 June 2010 20:48
     Halkan waxanu tacsi ...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH MARXUUM CAAQIL C/LAAHI XAASHI CALI/LONDON
Wednesday, 26 May 2010 20:30
 Caaqil Cabdilaahi Maxamed Yuusuf Shide iyo dhama...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH MARXUUM Khaalid Suldaan OO KU GEERIYOODAY/BOSASO
Tuesday, 20 April 2010 08:37
Dhamaan dadkan oo jooga Magalada Toronto Canada W...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH / MARXUUM SAALAX MAHAD XAJI WARSAME / CEERIGAABO
Monday, 12 April 2010 07:18
Cabdi Ismaaciil Cismaan Hoori,Maryan Cumar Hoori,I...