UGANDHA OO IL-GAAR AH KU FIIRINAYASA SOMALIDA KU DHAQAN WADANKEEDA PDF Print E-mail
Tuesday, 03 November 2009 13:28

Wararka ka imaanaya magaalada Kambala ee caasimada wadanka Ugandha ayaa sheegaya in Madaxweyne Yuweri Museveni uu si toos ah oo qarsoodi ah u amrey taliyeyaasha iyo laamaha amaanka dalkaasi inay sugayaan oo ay galaan feejignaan sare oo ku aadan hanjabadaasii dhawaan ak soo yeertey dhaqdhaqaaqa Al Shabaab ee ku aadaneyd inay weeraro qaraxyo ah ka geysan doonaan wadamada Ugandha iyo Burundi.

 

Jariidada The Observer ee ka soo baxda magaalada Kambala ayaa shaacisey in inkastoo Madaxweyne Musaveni uu yasay oo uu si adag uga jawaabay hanjabadaasii kooxda Al-Shabaab hadana waxay sheegtey jadiiradu in warar ay ku heshay si hoose ay tibaaxayaan in madaxweynuhu uu ku amray taliska ciidamada inay galaan feejignaan dheer isla markaana ilaalo xoogan ka galaan dhamaan qalab kasta oo ciidan oo loo adeegsan karo weeraro.

 

Yuweri Museveni ayaa waxay sheegtey jariidadu in uu si toos ah u amray Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Gen. Aronda Nyakairima, Taliyaha ciidanka sirdoonka Booliiska Gen. Kale Kayihura, iyo taliyaha ciidamada sirdoonka militariga Brig. James Mugira, inaanay dhayalsan oo aysan iska indho tiring hanjabaada ka soo yeertey kooxda Al-Shabaab.

 

War qoraal ah oo si qarsoodi ah uga soo baxay xafiiska madaxtooyada madaxweyne Museveni oo ay nuqul ka mid ah heshay jariirada Observer ayaa wuxuu muujiyey in 26-kii bishii hore ee October madaxweynuhu uu ku amray sadexdaasi sarkaal inay si buuxda ugu sameeyaan baaritaano xoogan wasaaradaha, xarumaha farsamada qalabka ciidamada, saldhigyada iyo xarumaha laamaha amaanka wadankaasi.


Wareegtada madaxweynaha Ugandha ayaa waxaa lagu amray taliyeyaasha inay xoojiyaan xuduudaha isla markaana magaalada Kambala lagu daadiyo ciidamo fara badan iyo kuwa ka socda guutada 9-aad oo roondo ka sameeya wadooyinka si ay amaanka u xaqiijiyaan.


Ilo wareedka u waramay wargeyska Observer waxay sheegeen in madaxweynuhu uu si toos ah ugu amray Booliiska inaysan hurdada ka kicin oo aysan soo baraarugin marka ay ciyaartu dhamaato isagoo u soo qaatey dhacdadii bishee September ka dhacdey saldhiga Booliiska ee Nateete oo ay dab qabadsiiyeen dad caraysan oo ku qamaamay saldhigaasi Booliis.

 

Maalinimadii Jimcaha ciidamada amaanka oo waday hawlgal roondo ayaa waxay jidka ka qaadeen saacada darbiyada la suro meel tiil oo la mooday in ay ku jiraan waxyaabaha qarxa, laakiin  Richard Musisi oo ah ku xigeenka taliyaha Booliiska ayaa ku nuuxnuuxsadey in ay saacadaasi oo laga helay agagaaraha dhismayaasha Bahatia Towers oo ku dhaw halka lagu magacaabo Fido Dido ay u muuqatey in qof soo xadey oo uu meesha uga tagay.

 

HMC 

Comments
Add New Search
Write comment
Name:
Email:
 
Title:
 
:angry::0:confused::cheer:B):evil::silly::dry::lol::kiss::D:pinch:
:(:shock::X:side::):P:unsure::woohoo::huh::whistle:;):s
:!::?::idea::arrow:
 

3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved."

 


MAQAALLO


maakhirmap.jpg Sidee Loo Horumarin Karaa Deegaanka Maakhir?
Saturday, 28 August 2010 00:50
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina ...
idris1.jpg DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA? | W/Q. Muxamad Idris
Wednesday, 28 July 2010 15:01
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina ...
islam.jpg MUSLIMIINTA OO NOQDAY MUSTAQBALKA CAALAMKA(BAADHITAAN)
Friday, 02 July 2010 01:42
Aduunyaddu way isbedelaysaa adiguna markhaati ayaa...
hooyo.jpg HOOYADU WAA LAMA HURAAN !!! BY: KALTOUM WADANIYA
Monday, 28 June 2010 11:06
Waxaa hubaal ah in hooyadu tahay lama huraan,udub ...
faallo1.jpg ARAGTI: WAQTIGA IYO WAAYIHIISA
Thursday, 17 June 2010 23:00
     Â Â            ...
faallo1.jpg GUUR MA WAX LOO DHIGAA JIRA? W/Q KALTOUM WADANIYA
Sunday, 13 June 2010 22:59
Macnaha guurku ma aha midaan erayo ku soo koobi ka...
maakhirstate.jpg MAAKHIR STATE INUU HANO QAADO MAXAA HORTAAGAN ?
Friday, 11 June 2010 00:02
Ruux walba kartidiisa iyo gudaalkiis, karaanka iyo...
flower.jpg JACAYLKII BARNI SEED WARFAA
Wednesday, 09 June 2010 09:48
Barni Seed Warfaa aqalkoodu waa ka tuulada oo dhan...
faallo1.jpg INDHA SARCAAD!! W/Q: KALTOUM WADANIYA
Tuesday, 08 June 2010 08:23
Bissmilah, Akhristoow suxufinimo iskuma ogayn, qo...
faallo1.jpg DHOOF: MA WAX LOO DHIGAA JIRA?!!
Saturday, 05 June 2010 19:14
                            Â...

Sports


kubad HORYAALKA INGIIRSKA OO SHALAY KU BILOWDAY SI XAMAASAD LEH
Sunday, 15 August 2010 11:46
 waxaa sixiisabadan ubilawday hoyaalka ingiriiska...
priemerleague.jpg Daawo Ciyaarihii ka dhacay Horyaalka Ingiriiska
Tuesday, 01 September 2009 08:33
waxaan halka idinku soo gudbin goolashii ka dhasha...
priemerleague.jpg Horyaalka Ingiriiska iyo Natiijooyinkii Isbuucan
Monday, 31 August 2009 07:29
sidii u dhacay asbuucan horyaalka in igriiska  ma...
championsleague.jpg kooxda Chelsea oo dhulka jiiday ManU ee Galabta ka dhacday Wembley
Tuesday, 18 August 2009 08:33
Waxaa ciyaar aad u xiiso badnayd isaga horyimaadey...
championsleague.jpg Wiil Somali kamid noqoday FC Chelsea
Wednesday, 01 July 2009 17:07
Kooxda kubadda cagta ee FC Chelsea ayaa markii ug...

Online Users

We have 15 guests online

STATISTICS

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterAll472287

Tahniyad


tahniyad1.jpg TAHNIYAD AROOS / MAXAMUD MAXAMED JAAMAC & HINDA CABDI AHMED /ETHOPIA
Sunday, 08 August 2010 11:01
    Aabe Mohmed Jama Ali bayr...
tahniyad1.jpg TAHNIYAD AROOS / FAHAD CALI GAANI IYO IDIL AXMED SAALAX / BOSASO
Monday, 19 July 2010 04:11
Dhamaan dadkan hoos ku xusan waxay hanbalyo ito bo...
tahniyad1.jpg TAHNIYAD MEHER/ CAWED CABDI AADAN IYO LUUL SULAYMAN AXMED/ HADAAFTIMO
Tuesday, 08 June 2010 17:11
 Halkan waxaanu tahniyad meher uga diraynaa ...
tahniyad1.jpg TAHNIYAD DHALASHO/ ISMACIL MAXAMUD MAXAMED SHIRE IYO HOODO CABDI SAALAX/LIVERPOOL
Friday, 28 May 2010 08:33
Tahniyad Dhalasho Dhamaan dadkan Hoos ku qoran wax...
tahniyad1.jpg HAMBALYO MEHER/ MUDANE MURSAL MAXAMED SAALAX IYO MURWO MURWO NIMCO AXMED XASAN/KENYA
Sunday, 09 May 2010 12:24
Dhamaan dadkan Hoos ku Qoran waxay Tahniyad Meher ...

TACSI


tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH / MARXUUM ISMACIL AXMED GAAS / CEERIGAABO
Monday, 28 June 2010 11:15
     Caaqil Cabdilaahi Ma...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH / MARXUUM CABDILAAHI YUUSUF AXMED / LONDON
Wednesday, 09 June 2010 20:48
     Halkan waxanu tacsi ...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH MARXUUM CAAQIL C/LAAHI XAASHI CALI/LONDON
Wednesday, 26 May 2010 20:30
 Caaqil Cabdilaahi Maxamed Yuusuf Shide iyo dhama...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH MARXUUM Khaalid Suldaan OO KU GEERIYOODAY/BOSASO
Tuesday, 20 April 2010 08:37
Dhamaan dadkan oo jooga Magalada Toronto Canada W...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH / MARXUUM SAALAX MAHAD XAJI WARSAME / CEERIGAABO
Monday, 12 April 2010 07:18
Cabdi Ismaaciil Cismaan Hoori,Maryan Cumar Hoori,I...