| Taliska Ciidanka Police-ka Somaliya oo Siweyn loogu soo dhaweeyay Garoowe |
|
|
|
| Wednesday, 04 November 2009 14:41 | ||||||
GAROWE: :Taliyaha Ciidamada Police-ka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garoowe isaga iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo islamarkaana uu ka mid ahaa wasiiru dowlada Arimaha Gudaha Dowlada Soomaaliya. Safarka Taliyaha Ciidanka Police-ka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu ku yimid Magaalada Garoowe ayaa waxa uu kaga soo kicitimay Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug. Afaafka hore ee laga soo galo magaalada Garoowe Caasimada Dowlada Puntland ayaa waxaa kaga hortagay Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Police-ka Puntland iyo Masuuliyiin kale oo si diiran ugu soo dhaweeyay Magaalada. Ka dib soo dhaweyn balaaran oo loo sameeyay Taliyaha iyo Wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha DKMG ah ayaa waxaa loo soo gelbiyay dhanka iyo Madaxtooyada Dowlada Puntland ee Garoowe, halkaas oo ay kulan ku qaateen madaxweyne C.raxamaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Wafdiga ka socda dowlada KMG Ah ee uu hor ka cayo Cabdi Xasan Cawaale, kulankaasi oo ay uga hadleen ujeedooyin ku aadan arimaha ciidanka police-ka iyo Tababarada. Si kastaba ha ahaatee waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda in Taliyaha Ciidamada Police-ka Soomaaliya in uu u soo kicitimo dhanka iyo Gobolka Bari gaar ahaan Degmada Carmo oo uu halkaasi kaga soo xiri doono Tababar in mudo ah u soconayay Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.  HADAAFTIMO MEDIA CENTRE
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |









:Taliyaha Ciidamada Police-ka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garoowe isaga iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo islamarkaana uu ka mid ahaa wasiiru dowlada Arimaha Gudaha Dowlada Soomaaliya. 





