Wararkii ugu dambeeyey :
| DAD LOO QABQABTAY DILKII GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE EE BOSASO |
|
|
|
| Thursday, 12 November 2009 12:14 | ||||||||||||||||||
Ciidamada amaanka Puntland oo gacanta ku dhigey sadex Nin kuwaasoo lagu tuhunsan yahay iney gaysteen dilkii shaley makhribkii loo gaystey Gudoomiyahii Maxakamada darajada Kowaad ee Bosaso Marxum Maxamad Cabdi Awaare.Sadexdaan oo lagu qabtey iyaga oo magaalada Bosaso kaga sii baxaya gaari ayaa waxaa gacanta ku dhigey ciidamada amnina Puntland. Ciidamada amniga ayaa marka dilkaan dhacey ku guuleystey iney gabi ahaanba xiraan wadooyinka waaweyn ee ka baxa ama soo gala magaalada Bosaso iyaga oo dhinaca kale gabi ahaanba joojiyey gadiidka. Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska Puntland gaar ahaan qaybta Bosaso ayaa sheegey iney aad uga faraxsanyihiin qabashada nimankaan kuwaasoo uu ku sheegey iney gaysteen dilkaan. Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa sidoo kale waxaa ka socda howlgalo culus kuwaasoo lagu baarayo guryaha, xeryaha qaxootiga oo ay daga yihiin dad badan oo kasoo qaxey Koonfurta Somalia. Magaalooyinka Garowe iyo Bosaso ayaa saakey waxaa ka dhacey aaska labadii Marxuum oo maalintii shaley dad hubeysan dileen. Shirar albaabadu u xiran yihiin ayaa waxaa maanta ilaa xaley u socdeen madaxda hay'adaha amniga ee Puntland kuwaasoo go'aansadey in howlgalo lagu baadi goobayo dakaan gaysanaya fal dambiyeedyadaan aan horey looga aqoon degaanadaas. HMC
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |
||||||||||||||||||
















