| CIIDAMADA AMNIGA MAGAALADA BOOSAASO OO TAHRIIBAYAAL QABQABTAY |
|
|
|
| Sunday, 15 November 2009 09:32 | ||||||
![]() Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya inuu ka dhacay halkaasi howlgal lagu qabqabtay dad tahriib doon ah, halkaasoo inta ugu badan ay ka baxaan doomaha lagu tahriibo. Taliyaha ciidamada nabad gelyada magaalada Boosaaso ayaa xaqiijiyay inay jiraan dad badan oo xabsiga la dhigay, isagoo intaa ku daray in qaar dadkaasi ka mid ahna la sii daayay. Waxaa intaa ku daray in ay sii wadayaan howlgalada ay ku beegsanayaan goobaha laga tahriibo ee magaalada Boosaaso. Dhibaatooyinka la taaban karo ee lagala kulmo safarada tahriibta, ayaa dhibaatooyinkaasi waxaa aan marbana hakad gelin dadka iyagu tahriib doonka ah taasoo sabab u ah dhibaatada kale ee ka taagan dalka gudahiisa. Dadkaasi la qabtay intooda badan waa Soomaali ka soo jeeda gobolka Soomaalida Itoobiya iyo kuwo kale oo ka yimid koofurta iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya waxana inta aanay ka dhoofin lagu diyaaariyaa xeryaha qaxootiga ee ay ka mid yihiin Tawakal, Buulo-absame, 100-ka buush, Abboow, iyo Buulo-eelaay. Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya ayaa iyana kaalin wayn kaga jira tahriibta kuwaas oo iyana xilligan lagu arki karo makhaayadaha iyo buushashka u dhow dekedda Bosaso, Laanta hawada iyo xaafadaha Bosaso qaarkood. Dhammaan tahriibayaasha waxaa goobahaas laga raraa xilliyada habeenkii iyadoo mararka qaarkoodna la raro maalintii gaar ahaana gelilnka dambe, maalmihii la soo dhaafayna waxaa tahriibta qaadayay doonyo kuwa yar-yar ah laakin hadda waxaa kaalinka soo galay doonyo waawayn. Kooxaha ka shaqeeya tahriibta ayaa iyana u muuqda kuwo si wayn isu abaabulay, waxaa la shaqeeya oo ay qorteen ciidamo aad u hubaysan si ay uga hortagaan cid walba oo ay u arkaan inay inay ka horjeeddo hawlaha aan sharciga ahayn ee ay ku mashquulsan yihiin. Dadka caadiga ah looma oggola inay tagaan ama ay arkaan goobaha doonyaha laga raro ee Bosaso oo markii hore ku koobnaa xeebo wax yar ka baxsan magaalada, hase ahaatee haatan u soo tallaabay xeebaha daafaha magaalada ku yaalla. Dadka xogogaal ahi waxay tilmaamayaan in kooxaha ku hawlan tahriibtu ay dhinaca kalana qayb kaga jiraan burcad badeedka faraha kulul ku haya badaha Somaliya, waxana la sheegayaa in marka tahriibtu dhamaato ay u jeestaan afduubka maraakiibta. Badfuranka sannadkan oo ku soo beegmay bisha Ramadaan ayaa lagu fasirayaa inuu sii kordhiyay tirada dadka faraha badan ee u tahriibaya Yaman, dhibaatooyinka ka aloosan koofurta Soomaaliya iyo gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa iyana sabab looga dhigayaa dadka faraha badan ee dalka haajiraya. Haddidi aan arrintan si kale loo maarayn qiyaastu waxay ku socotaa in sannadkan uu noqon doono mid ay xeebaha Puntlnad ka dhoofaan tahriibayaashii ugu faraha badnaa tan iyo intii ay amuurtani socotay. H.M.C
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |


















