|
KOOXDII AFDUUBKA U HAYSATAY LAMAANAYASHII INGIRIISKA AHAA OO KU HANJABAY IN AY DILI DOONAAN HADII AAN MADAXFURASHO DEG DEGA LA SIIN |
|
|
|
|
Saturday, 21 November 2009 14:29 |
|
XARAARDHEERE: :Waxaa la soo sheegayaa in lamanayaasha u dhashay dalka Birtain ee lagu haysto Somalia ay walaac ka muujiyeen in kooxaha haysata ay dili doonaan muddo todobaad gudaheed ah, haddii aan si dhaqso ah looga jawaabin dalabkooda madaxfurashada lacageed ah. Lamnayaashaan ayaa lagu kala magacaabaa Paul iyo Richard Chandler waxayna da'adoodu tahay mid caga cageenaysa 50-meeyada ayaa la hadleen Tv-ga Channel 4 ee ku yaalla Magaalada London, waxayna u sheegeen in kooxaha haysta ay siiyaan raashin ku filan iyo daryeel caafimaad oo wanaagsan. "Cabsi weyn ayaa na haysa oo ah in nala dili doonno, haddii aan laga jawaabin dalabka lacageed ee kooxaha na haysta, waayo waxay wataan qoryo aad u fudud oo darandoorri u dhaca" ayuu yiri Paul oo la hadlay Tv-ga Channel 4. Lahaysatayaashan ayaa kasoo muuqday shaashadaha Caalamka iyagoo ay ku wareegsan yihiin kooxaha haysata, qoryaha ay wataan qaarkoodna ay si toos ah ugu fooraraan labadan qof ee u dhashay dalka Britain. Dhanka kale burcabadeeda haysta labada qof ayaa kasoo qafaashay todobaadyo ka hor badda u dhasheysa dalalka Sychillis iyo Tanzania halkaasoo ay ku marayeen tamashle dalxiis, waxaana lagala dagay doonidii ay wateen. HADAAFTIMO MEDIA CENTRE
|