SHIRKA BULSHADA RAYIDKA MAGAALADA MOMBASA OO SAXAAFADU KA DHIIDHISAY PDF Print E-mail
Friday, 11 December 2009 14:15

Shir magaalada Mombasa loogu qabtey ku dhawaad 200 oo qofood oo la sheegay inay yihiin qaybaha bulshada rayidka ee Soomaaliyeed ayaa si weyn waxaa iga gilgilatey saxaafada oo muujisay in  shirkaasi lagu lumiyey doorkii warbaahinta Soomaalida, isla markaana intii ka qayb gashey laga dhigay tabiyeyaal halkii ay ka noqon lahaayeen dad wax ku leh fikradaha iyo hanaan socodka shirka.

 

Shirkan oo magaalada Mombasa ka socdey 5-tii maalmood ee ugu dambeysay ayaa waxaa qaybaha saxaafadu ay sheegeen in lagu wiiqay haykalkii ama doorkii saxaafadu ku laheyd ururada bulshada rayidka isla markaana lagu duudsiiyey xuquuqdii warbaahinta Soomaalidu ay u laheyd masiirka iyo arimaha guud ee Soomaaliya.

 

Abaabulka shirka oo ay iska lahaayeen hay’adaha CRD iyo Interpeace ayaa ka biyo diiday inay siiyaan fikir dhiibashada iyo aragtiyaha guud ee ay damceen inay muujiyaan ka qayb galayaasha Shirka iyadoo lagu tilmaamay in wax abaabulayaasha shirku aanay wadan aan laga dhex sheegi karin madasha shirka.

 

Shirkan oo lagu sheegay ajandihiisa sidii bulshada rayidka ee Soomaaliyeed uga doodi laheyd ugana qayb qaadan laheyd arimaha xal u helida mushkilaha ka taagan Soomaaliya, ayaa waxaa gabi ahaanba la iska indho tiray doorkii iyo xuquuqdii saxaafada Soomaalida, iyadoo taasi badalkeedii saxaafada si weyn loogu dhaliilay madasha shirka gaar ahaan iyagoo lagu sifeeyey dad aan qibrad iyo aqoon midna laheyn, taasi oo si gaar ah loogu weeraray habka war tabinta iyo ereyada Soomaaliga ee ay adeegsadaan.

 

Xubno kooban oo saxaafada ka tirsan oo shirkaasi lagu casuumay oo la siiyey karaka warbaahinta balse aan laga dhigin in shirkaasi ay ku yeeshaan ka qayb galayaal oo aanay laheyn door ay kaga qayb qaadan karaan doodaha iyo jihooyinka shirku uu u socdo.

 

Shirka waxaa dulduleeaha warbaahinta ka diday ee ay uga biyo diiday habka uu u socdo ayaa waxaa ugu waa weynaa iyadoo mar laga hadlay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho 3-dii bishan December ee lagu qaarijiyey xubno ka mid ah golaha wasiirada, saxafiyiin, dhaqaatiir iyo ardey si gaar ah tacsi loogu diray dadkii ku dhintey ee aan saxaafada aheyn, halka aan la soo qaadin tacsi loo diro ehelada iyo qoysaska sadexdii saxafi ee qaraxasi ku dhintey, arintaasi oo loo qaatey in abaabulayaasha shirku ay iska indho tirayaan saxafiyiinta naftooda ku waayey tabinta dhacdadii halkaasi ka dhacaysay ee muhiimka aheyd.

 

Warbaahinta oo ah awooda afaraad ee dawladnimada ayaa waxaa sida muuqata shirkan lagu xaqiray doorkii ay ku laheyd inay kaga qayb qaadato masiirka dib u heshiisiinta, xalinta iyo ka doodida mushkiladaha ka taagan Soomaaliya, iyadoo xubnaha kooban ee saxaafada ee shirka ku sugnaa laga dhigay daawayadaal iyo dhageystayaal, isla markaana xitaa laga diiday inay ka jawaabaan eedeymahii iyo hadaladii ihaanada ahaa ee guud ahaan saxaafada Soomaalida.

 

Waxaa la yaab leh in saxaafada oo ah codka ugu balaaran uguna dheer ee bulshada rayidka ah laga dhigay mid aan ahmid laheyn, isla markaana bulshada rayidka ah lagu soo koobay shakhisyaad iyo ururo markoodii horeba ay saxaafadu soo saartey.

 

Mid ka mid ah xubnaha saxaafada ka biyo diiday sida loo qaban qaabiyey shirkaasi iyo sida saxaafada loogu sameeyey bahdilka ayaa wuxuu sheegay in uu la yaaban yahay in ururada iyo shakhsiyaadka shirka lagu casuumay qaarkood ee sheegta ururada bulshada rayidka ah lagu yaqaan inay ka hadlaan oo ay cambaareeyaan dhacdo markeedii horeba ay saxaafadu soo bandhigay, taasi oo u muuqanaysa in maanta la iska indho tiro oo la dafiro xuquuqda iyo sharafta saxafiyiinta Soomaaliyeed.

 

Qaar ka mid ah xubnaha saxafiyiinta ee shirka lagu casuumay ayaa xaqiijiyey in shirka dadka soo abaabulay ay lacago qidmado kooban u qaybiyeen wariyeyaasha taasi oo u muuqanaya mid si weyn uga soo horjeeda sharciyda iyo aqlaaqiyaadka saxaafada, isla markaana u muuqan karta laaluush, taasi oo gabi ahaanba lidi ku ah qaanuunka saxaafada.

 

Warbaahintu waa awooda ugu balaaran ee ururada bulshada rayidka ah, isla markaana waa dadka sida gaarka ah loogu dilayo ama loogu ugaarsanayo mihnadooda, waxaana saxaafadu ay tahay qaybta ugu badan ee bulshada rayidka ah sanadkan oo kaliya laga dilay 9 qof, iyadoo walina loo dilayo ama loo tiigsanayo hawsha adag ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Waxaa aad u nasiib daro ah in beesha caalamka oo maalgalisay shirkaasi ay ku eegato qabanqaabiyayaasha shirkaasi iska indho tirka iyo duudsiinta xuquuqda saxafaada Soomaaliyeed oo kaalin weyn oo aan la xaqari karin ku leh dhamaan hawlaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii saxaafada Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay talaabo midaysan ka qaataan dhamaanba xadgudubyada iyo xuquuq luminta ka soo baxday shirka 
Mombasa ee loogu magac daray shirka bulshada rayidka Soomaaliyeed, iyadoo saxaafada guud ahaan looga fadhiyo inay u istaagaan sidii ay u ilaashan lahaayeen sharaftooda iyo karaamadooda.

 

Ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ waxaa la gudboon in uu hormuud ka noqdo dhamaanba qadiyaha lagu difaacayo karaamada iyo sharafta saxafiyiinta Soomaaliyeed, uuna sii laba laabo dadaalkiisa ku aadan horumarinta saxaafada Soomaaliyeed.

A M Yasin

Nairobi Kenya
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Comments
Add New Search
Write comment
Name:
Email:
 
Title:
 
:angry::0:confused::cheer:B):evil::silly::dry::lol::kiss::D:pinch:
:(:shock::X:side::):P:unsure::woohoo::huh::whistle:;):s
:!::?::idea::arrow:
 

3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved."

 


MAQAALLO


maakhirmap.jpg Sidee Loo Horumarin Karaa Deegaanka Maakhir?
Saturday, 28 August 2010 00:50
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina ...
idris1.jpg DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA? | W/Q. Muxamad Idris
Wednesday, 28 July 2010 15:01
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina ...
islam.jpg MUSLIMIINTA OO NOQDAY MUSTAQBALKA CAALAMKA(BAADHITAAN)
Friday, 02 July 2010 01:42
Aduunyaddu way isbedelaysaa adiguna markhaati ayaa...
hooyo.jpg HOOYADU WAA LAMA HURAAN !!! BY: KALTOUM WADANIYA
Monday, 28 June 2010 11:06
Waxaa hubaal ah in hooyadu tahay lama huraan,udub ...
faallo1.jpg ARAGTI: WAQTIGA IYO WAAYIHIISA
Thursday, 17 June 2010 23:00
     Â Â            ...
faallo1.jpg GUUR MA WAX LOO DHIGAA JIRA? W/Q KALTOUM WADANIYA
Sunday, 13 June 2010 22:59
Macnaha guurku ma aha midaan erayo ku soo koobi ka...
maakhirstate.jpg MAAKHIR STATE INUU HANO QAADO MAXAA HORTAAGAN ?
Friday, 11 June 2010 00:02
Ruux walba kartidiisa iyo gudaalkiis, karaanka iyo...
flower.jpg JACAYLKII BARNI SEED WARFAA
Wednesday, 09 June 2010 09:48
Barni Seed Warfaa aqalkoodu waa ka tuulada oo dhan...
faallo1.jpg INDHA SARCAAD!! W/Q: KALTOUM WADANIYA
Tuesday, 08 June 2010 08:23
Bissmilah, Akhristoow suxufinimo iskuma ogayn, qo...
faallo1.jpg DHOOF: MA WAX LOO DHIGAA JIRA?!!
Saturday, 05 June 2010 19:14
                            Â...

Sports


kubad HORYAALKA INGIIRSKA OO SHALAY KU BILOWDAY SI XAMAASAD LEH
Sunday, 15 August 2010 11:46
 waxaa sixiisabadan ubilawday hoyaalka ingiriiska...
priemerleague.jpg Daawo Ciyaarihii ka dhacay Horyaalka Ingiriiska
Tuesday, 01 September 2009 08:33
waxaan halka idinku soo gudbin goolashii ka dhasha...
priemerleague.jpg Horyaalka Ingiriiska iyo Natiijooyinkii Isbuucan
Monday, 31 August 2009 07:29
sidii u dhacay asbuucan horyaalka in igriiska  ma...
championsleague.jpg kooxda Chelsea oo dhulka jiiday ManU ee Galabta ka dhacday Wembley
Tuesday, 18 August 2009 08:33
Waxaa ciyaar aad u xiiso badnayd isaga horyimaadey...
championsleague.jpg Wiil Somali kamid noqoday FC Chelsea
Wednesday, 01 July 2009 17:07
Kooxda kubadda cagta ee FC Chelsea ayaa markii ug...

Online Users

We have 19 guests online

STATISTICS

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterAll472286

Tahniyad


tahniyad1.jpg TAHNIYAD AROOS / MAXAMUD MAXAMED JAAMAC & HINDA CABDI AHMED /ETHOPIA
Sunday, 08 August 2010 11:01
    Aabe Mohmed Jama Ali bayr...
tahniyad1.jpg TAHNIYAD AROOS / FAHAD CALI GAANI IYO IDIL AXMED SAALAX / BOSASO
Monday, 19 July 2010 04:11
Dhamaan dadkan hoos ku xusan waxay hanbalyo ito bo...
tahniyad1.jpg TAHNIYAD MEHER/ CAWED CABDI AADAN IYO LUUL SULAYMAN AXMED/ HADAAFTIMO
Tuesday, 08 June 2010 17:11
 Halkan waxaanu tahniyad meher uga diraynaa ...
tahniyad1.jpg TAHNIYAD DHALASHO/ ISMACIL MAXAMUD MAXAMED SHIRE IYO HOODO CABDI SAALAX/LIVERPOOL
Friday, 28 May 2010 08:33
Tahniyad Dhalasho Dhamaan dadkan Hoos ku qoran wax...
tahniyad1.jpg HAMBALYO MEHER/ MUDANE MURSAL MAXAMED SAALAX IYO MURWO MURWO NIMCO AXMED XASAN/KENYA
Sunday, 09 May 2010 12:24
Dhamaan dadkan Hoos ku Qoran waxay Tahniyad Meher ...

TACSI


tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH / MARXUUM ISMACIL AXMED GAAS / CEERIGAABO
Monday, 28 June 2010 11:15
     Caaqil Cabdilaahi Ma...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH / MARXUUM CABDILAAHI YUUSUF AXMED / LONDON
Wednesday, 09 June 2010 20:48
     Halkan waxanu tacsi ...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH MARXUUM CAAQIL C/LAAHI XAASHI CALI/LONDON
Wednesday, 26 May 2010 20:30
 Caaqil Cabdilaahi Maxamed Yuusuf Shide iyo dhama...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH MARXUUM Khaalid Suldaan OO KU GEERIYOODAY/BOSASO
Tuesday, 20 April 2010 08:37
Dhamaan dadkan oo jooga Magalada Toronto Canada W...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH / MARXUUM SAALAX MAHAD XAJI WARSAME / CEERIGAABO
Monday, 12 April 2010 07:18
Cabdi Ismaaciil Cismaan Hoori,Maryan Cumar Hoori,I...