|
CALANKA, ASTAANTA IYO HEESTA PUNTLAND OO QAYB KA MID AH LA SOO BANDHIGAY |
|
|
|
|
Saturday, 19 December 2009 09:53 |
|
Waxaa maanta bilawday kala xulashada iyo isku shaandaynta astaamo, heeso, iyo callamo ay hindiseen abwaano, farshaxano iyo dad badan oo ku nool dunida daafaheeda, iyada oo ay shalay ku ekayd soo gudbinta dadku.
Guddiga ay xukuumadu u xilsaartay astaynta muunadeed ee Puntland ayaa sheegay in ay soo gaareen astaamo, heeso iyo callamo caaqiba leh, maalmaha soo socdana kala dooran doonaan, walow aanay sahlanayn in ay si fudud ukala doortaan cadadka soo gaaray awgii.Â
Tartanka ayaa abuuray xiise gaar ah, si aad ahna ay uga qaybqaateen dad badan oo kala jooga dunida dacaladeeda, ayna tani siisay dhiirigelin dheeraad ah oo u ogolaanaysa in ay kaalin ku yeeshaan go'aamada iyo hawlaha dawlada; waxaana ay tusaale u tahay is-badelka maamul ee ka hanaqaaday Puntland ee iskaashi dhex mara shacabka, hay'adaha dawliga, ah iyo madaxda dawlada.
Waxaa la arkaa in ay horseedo kalsooni labaale ah, iyo is-weydaarsi afkaareed oo ay is dhaafsadaan madaxda iyo dadweynuhu.
Waa markii ugu horeysay ee shacabka laga talo galiyo go'aamada iyo mustaqbalka ummadda, halka sida gaalibka ah guddiyo farsamo loo saaro ikhtiraaca hawlaha noocan oo kale ah, iyaguna ay go'aan ka gaaraan, dadkuna aanay kaalin ku yeelan; marxaladaase waxaad moodaa in laga gudbay.
Mid ka mid ah heesaha ay allifeen abwaanada Puntland ee tartanka astaynta calanka, heesta iyo astaanka Puntland ayaan halkan idiin ku soo bandhigi doonaa.
Miraha heesta ayaa waxaa curiyey abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine) oo ku nool Maraykanka.Â
Heestiina sidan ayay ku billaabataa:
Puntland barwaaqiyo Baro weeye nabadeed Bulsha caafimaadbaa Mawlahay ku beeroo Barkhadbaa u hoyatee
Waa dhul beri-samaadloo Baaxaddiisu weyntoo ... Baaxaddiisu weyntoo Macdan baa ka buuxdee
Boocamiyo Galdogob iyo Badhan baa ku taallee Boosaaso iyo Ayl Baylaa ku taallee
Bilan Gaalkacyiyoo Bilicsame Garoowiyo Beled Laasacaano Buuhoodlaa ku taallee
Laasqoray baddeediyo Xaafuun bidhaan wacan Buuniga Qardho iyo Ceerigaabo waad u bogi
Hooriska:
PUNTLAND PUNTLAND
Waa beyd nimcadu taal Baahi laguma seexdoo Barbarkaad u eegtaba Waa wada baraaree Rabbow noo badbaadi
BADBAADI...RABBOW NOO BADBAADI Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)
Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.
|