| BARLAMAANKA PUNTLAND OO ANSIXIYEY HESHIISKA SHIDAALKA IY MACDAN QODISKA GOBOLADA PUNTLAND |
|
|
|
| Sunday, 20 December 2009 09:04 | ||||||
![]() Golaha Barlamanka Puntland ayaa maanta ansaxiyey qodobada laga badaley hesiiskii shidaalka baarista ee u dhexeeyey shirkadaha shisheeye iyo dowladda Puntland. Barlamanka Puntland aya ka dhageystey warbixinta sharxada qodobadan Agasimaha hayádda Shidaalka Ciise Maxamud Dholawaa isaga oo sheegeey qodobada laga badaley heshiiskii dowlada Cadde Muse la gashay shirkadaha baara shidaalka. Kulankaan oo uu goob joog ahaa Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole ayaa waxaa hadalo ka jeediyey Xildhibaano ka tirsan Barlamanka kuwaasoo ka jeediyey fikrado kala duwan. Xildhibaanada ayaa dhinaca kale suáalo 'ka waydiiyey qodobada laga badaley heshiiskaan Agasimaha hay'ada Shidaalka Puntland Ciise Maxamud Dholawaa. Xildhibaanada Puntland oo dood iyo suáalo kadib codbixin u qaadey qodobada laga badaley heshiiskaan ayaa ku ansaxiyey aqlabiyad gaareysa 58 xubnood. Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Farole oo hadal ka jeediyey golaha codbixintaan kadib ayaa sheegey in talaabadaan tahay mid loo qaadey dhinaca saxa ah keeni doontana hurmar gaaro shacabka reer Puntland mar hadii golayaashu isla qaateen ansaxinta qodobadaan. Mud.Farole ayaa sheegey in dowladiisu dib u eegis ku sameysay heshiiskan saxdeyna qodobo muhiim u ah shacabka Puntland tasoo aheyd balantii uu qaadey markii la doortey. Golaha Xukuumadda Puntland ayaa horey ugu codeeyey qodobada laga badaley heshiikaan taasoo ka dhigeysa in Madaxweynaha Puntland sixiixo maalmaha soo socda. Barlamanka Puntland ayaa waxaa waqtigaan horyaala qodobo kale oo laga saxayo Dasruurka cusub kadib markii ay horey u ansaxiyeen. H.M.CÂ
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |
















