Wararkii ugu dambeeyey :
| MAAMULKA GOBOLKA BARI OO QABQABTAY DAD LALA XIDHIIDHINAYO QARAXYO IYO DILAL KA DHACAY BOOSAASO |
|
|
|
| Wednesday, 23 December 2009 09:36 | ||||||
Maamulka gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in in ay howlgalo baryahan ay wadeen ay kusoo qab qabteen tiro dad ah oo lala xiriiriyey in ay ka danbeeyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalooyinka ugu caansan Puntland.Gudoomiyaha Gobolka Bari Muse Gelle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay hayaan tiro dad ah oo uusan sheegin inta ay la ekyihiin kuwaas oo intooda badan laga soo qabtay xaafadaha magaalada Boosaaso. "Waaaloow waxaanu heynaa rag aan tuhmeyno,inkastoo ragani aanan wali la maxkamadeyn hadana waxa la marsiin doonaa sharciga"sidaa waxaa yiri Mr Gelle. Wuxuu sheegay in maalmaha soo aadan ay soo taagi doonaan maxkamad kadibna ay ku qaadi doonaan waxa usoo baxo. Dhinaca kala wuxuu beeniyey in magaalooyinka maamul goboleedka Puntland ay ka socdaan olole ka dhan ah dadka kasoo jeeda dhinaca koonfurta Soomaaliya,xilli shalay ay soo gaareen gobolka Bakool boqolaal dad ah oo kasoo cararay Puntland. H.M.C
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |









Maamulka gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in in ay howlgalo baryahan ay wadeen ay kusoo qab qabteen tiro dad ah oo lala xiriiriyey in ay ka danbeeyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalooyinka ugu caansan Puntland.






