| SAFARKII WERIYE CABDIKHAYR MAXAMED XUSEEN IYO WAXBARASHADA GOBOLLADA WAQOOYIGA SOOMAALIYA |
|
|
|
| Monday, 25 January 2010 04:07 | ||||||
![]()
Somalidu waxay ku maahmaadaa Hal waa yaab Hala waa amankaag Hala waa yaabka yaabkiis, Hal waa yaab oo aboor baa dun-dumo dhisa waa yaab! Hal waa amankaag oo candhuuftiisuu ku dhisa dun-dumada waa amankaag! Hala waa yaabka yaab kiis oo wuxuu aboorku dundumada dhisaa habeenkii waa yaabka yaabkiis! Dadka Caqliga saaxiibka u ah waxay isweydiiyaan hanaankii horumarka lahaa ee waxbarashadu ku sugnayd Waqtigii Barisamaadka. Markay naftooda ku khasbaan bal inay xusuus u boqoolaan ayey badweyn ka horkeentaa. Markaasey Dhegaha kor u taagaan oo ay indhaha cadeeyaan. Iyagoo ka yaaban Isbar-baryaaca iyo habacsanaanta ay waxbarashadu haatan ku sugan tahay.  Waxaa layaab ah markay waxbarashadii gacanta u gashay Hey’addo shisheeye oo aan hagaajin Karin hanaanka aqoonta, sidoo kalana aan waxba ka aqoon Dhaqanka iyo Taariikhda dadka ay hogaanka u hayaan. Waxaan marna shaki ku jirin in Waxbarashada Soomaaliya lagu ahaa cadow markaad xusuus u gasho Ardaydii Jaamacadihii Magaalo madaxda ku yaalay iyo Hanaankoodii Waxbarashada iyo Hadalkii kasoo yeeray Guddiga Jaamacadaha Wadanka Hindiya. Bur-burkii dowladeena wuxuu fursad qaaliya u noqday cadowgii nooga biqi jiray Dowladii Soomaaliya in ay bedelaan oo ay wax kamajiraan kasoo qaadeen Manhajkii ay dejiyeen Khubaradii Q/Manaahiijta ee Wasaaraddii Tacllinta Sare Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaana Tacsi noo ah markay soo dejiyeen 2004 Manhaj kusheeg ay ku khasbeen Dugsiyadii markaa shaqeynayey, taasoo dad badani walaac kasoo jeediyeen oo aysan Guddigii qorayey aysan dheg jalaq u siin.  Waxaa taas fariiso tiri, Markii aan waxbarashadii la xadeyn oo aan loo yeelin Nidaamka Jaranjaradu leedahay. Oo qof kasta ama arday kastaa u fariisan karo ama uu iska qori karo meeshuu rabo. Sidoo kalana aan la ixtiraamin Wasaaraddii waxbarashada.  Waxaa iyana ah mid laga naxo markay Waxbarashadii gashay oo lagu doontay baryo. aan sii faahfaahiyee: Ururada loo yaqaan NGOsyada ayaa iyaku inta badan isku howla inay Waxbarashada ku helaan mashruucyo, waxaa nasiib ahaan lahayd inay si sharaf badan ku raadsadaan ee waxay isticmaaleen oo ay gudbiyeen Sawiro naxdin leh oo looga gonleeyahaya in lagaga Qaato Mashruuc hey’adaha Caalamiga ah.  W/Q: Cabdikhayr Maxamed Xuseen A Member of African Media Alliance (AFA) +252-90-743649  /-2-4202804 Â
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |
















