| KENYA OO MAXKAMADAYNAYSO ILAA 100 KA MID AH BURCAD BADEEDA SOOMAALIDA |
|
|
|
| Friday, 12 June 2009 12:27 | ||||||
Isbahaysiga Nato saraakiishooda oo kulan ay ku yeesheen magaalada Brussels ayaa waxaa ay isku raaceen in qeyb cusub oo ciidamada badda ah loo soo diro Xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo sii wadi doona howlgalada ay ka wadaan biyaha Soomaaliya iyo meelaha kale ee ku dhow dhow, sida uu sheegay wasiirka difaaca ee dowlada Germany Franze Jose Jung. Wasiirka oo ka hadlayay kulanka isbahaysiga NATO ay ku yeesheen Belgium ma uusan carabaabin xiliga rasmiga ah ee ciidamadaasi loo soo diri doono xeebaha Soomaaliya. Hase yeeshee waxaa la filayaan in ciidamada NATO ee imminka ku sugan xeebaha Soomaaliya laga daad gureeyo bishan dhammaadkeed, iyagoona lagu bedeli doono ciidamo cusub oo NATO ka tirsan. Dhanka kale, saraakiisha maxkamad ku taala wadanka Kenya ayaa lagu wareejiyay ilaa 17 ruux oo loo haysto falal burcad badeednimo taasoo ay ku wareejiyeen ciidamada Maraykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya. Waxaa xabsiyada dalka Kenya ku jira ilaa 111 qof oo lagu soo eedeeyey fal burcad badeednimo kuwaasi oo halkaasi loo geeyay in maxkamad lagu saaro, wallow dowlada KMG ee Soomaaliya ay horey ugu baaqday calamka in burcad badeeda lagu soo wareejiyo si gudaha wadanka maxkamad loogu soo taago maadaama ay yihiin dad Soomaali u dhashay. Dadka Muslimiinta ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa u sheegay dowladaas in aysan xaq u lahayn in dad Soomaali ah ay qabtaan oo ay maxkamad soo taagi karin ka dib marka ciidamada xeebaha Soomaaliya ku sugan ay u soo gacan geliyaan. Maxkamada ku taala magaalada Mombaasa oo dadkan Soomaaliyeed la saaray ayaa sheegtay in ay kooxdan ay weerareen markab sitay calanka Masar oo noociisu ahaa MV Amiira. .Kooxdan soomaaliyeed ee lagu haysto falka burcadbadeenimada looma ogalaan in ay qareeno u dooda qabsadaan oo iyaga difaaca. Ciidamada shisheeye ee ku sugan xeebaha Soomaaliya inta badan marka ay qabtaan kooxaha Soomaaliyeed ee lagu tuhmo falka burcad badeednimada ma u dhoofiyaan wadamadooda oo waxa aan jirin sharci wadamadooda u yaala oo ay ku xukumi karaan ama waxa ay ka walaacaan in hadii la geeyo wadamadooda ay burcadu magan galyo siyaasadeed ay dowladahooda weydiistaan.
HMC
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |















