Saqdii dhexe markey ahayd ayaa waxaa la surey calankii buluugnaa baratamaha Madaxtooyada Puntland waxaana halkaas gaadakacayaar ku sameeyay ciidanka Bambayda ee Puntland.
Maanta ayaa xafladii abid ugu balaarneyd ee loo dhigo 1-da Luuliyo ay ka dhacdey Caasimadda Puntland, Ciidanka Daraawiishta ayaa gaado kacayaar ku maray bartamaha Magaalada, kuwaan oo raxan raxan u socdey codka iyo saantana isla helaayey, waxayna soo xasuusiyeen dadkii madasha daawanaayey ciidamadii Soomaaliya ee Sida Kobraha u boodi jirey.
Waxaa xafladda ka dhex muuqdey ururada haweenka, ardeyda Iskoolada, kuwaan oo ku labisan dhar bilicsan
Intaas ka dib waxaa la isugu tegay Xarunta Cilmi Baarista Buntland waxaana halkaas khudbado ka soo jeediyey mmadaxda Puntland
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jeneral Cabdisamad Cali Shire ayaa la hadley boqolaal qof oo isugu soo baxay xafladda iyo weyneynta maalinta Qaranimada Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa sheegay in ay maanta isugu soo baxeen in ay xusaan maalintii ay Gobolada Koonfureed xornimada qaateen isla markaasna ay midoobeen labadii gobol ee Gumeystuhu qaybiyey, Maanta qiimaha iyo qaayaha ay leedahay ma ahan mid aynu soo koobi karno, ayuu yiri waxa uu ka sheekeeyay taariikhdii Xornimada, doorka Puntland iyo xaaladda maanta dalku maraayo.
Sidoo kale waxaa xafladii maanta ka hadley masuuliyiin kala gedisan, waxaana la aaminsan yahay in ay tahay Dabaaldegii ugu weynaa ee maanta Soomaaliya laga sameeyo in uu ka dhacay Caasimadda Puntland ee Garoowe.
Ugu danbeyntii waxaa goobta lagu wada daawadey bandhig Faneed ay soo bandhigeen Fanaaniinta Puntland.
Xafladda maanta ka dhacdey Caasimadda Puntland ayaa ahayd middii ugu cusleyd ee lagu xuso 1-da Luuliyo muddooyinkii la soo dhaafey.







