|
QARAX KHASAARE GAYSTAY OO KA DHACAY MAGAALADA BOOSAASO EE GOBOLKA BARI |
|
|
|
|
Thursday, 23 July 2009 08:37 |
Qarax loo adeegsaday bam nuuca gacanta laga tuuro ayaa xalay lagu weeraray Ciidanka Maamulka Puntlaan oo dhex marayay magaalda Bosaaso , kuwaasi oo maalmihii ugu danbeyay magaaladaasi ka waday amaan sugid .
 Qaraxa ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacantay dad rayid ahaa oo isticmaalayay wadada babka lagu tuuray hasa ahaatee waxaa durba dadkaasi loo la cararay dhanka iyo Isbitaalka Magalada Boosaaso .
Ma cadda ujeedada ka dambeysa in qarax lala beegsado ciidamada Puntlanda , waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in kooxo hubaysan oo wajiyada qarsaday ay ciidanka bamka ku tuureen.
Saraakiisha Amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan cidda rasmiyan ka dambeysa qaraxa iyo ujeedada laga lahaa.
Qaraxaan xalay kadhacay bartamaha magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu kus o begamy xili ay maamulkasi dhexda u xirteen in ay baaritaano ka fuliyaan xiliga habeenka magaalda Bosaaso . HMC
|