| DOWLADA AUSTRALIA OO QAQABATAY DHALINYARO AY KU JIRAAN SOMALI KU WAASO LAGU SOO EEDEEYEY MALEEGID WEERAR |
|
|
|
| Tuesday, 04 August 2009 08:57 | ||||||
|
MELBORNE Afarta qofood ee la qab-qabtay ayaa labo ka mid ah waxay yihiin Soomaali haysta dhalashada dalka Australia halka labada kale ay u dhasheen dalka Lubnan kuwaasoo lagu eedeeyay inay qorshaynayeen weerarro ay ku qaadaan saldhigyo militari oo ku kala yaalla Magaalada Sidney iyo Harada Victoria oo ku taalla koonfurta dalkaasi. War hordhac oo ay soo saareen Waaxda Sirdoonka dalka Australia ayaa waxay sheegeen inay wadeen baaritaano la xiriira arrintan tan iyo billowgii January ee sanadkan isla markaana ay xog buuxda ku heleen in afartaasi qofood ay doonayeen inay weeraraan xarumo militari iyagoo adeegsanaya bambaanooyin iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Sidoo kale waaxda Sirdoonka waxay sheegeen inay heleen xog ku saabsan in dhallinyaradaasi Soomalida ah ee haysta dhalashada dalka Australia ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya, gacan saarna la leh ururwaynaha Al-qaacidah, waxaana afartaasi qofood lagu wadaa in maanta oo Talaado ah la soo taago maxkamad ku taalla magaalada Melborne ee dalka Australia. Waa marki ugu horeysay oo ay dowlada Australia qabato dhalinyaro Soomaali ah oo looga shakiyey waxa ay reer galbeedka u yaqaanaan argagixiso,waxaase tani ay sii kordhin kartaa shakiga ay dowlada dalkaasi Australia ka qabto dhalinyarada Soomaalida.
HADAAFTIMO MEDIA CENTRE
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |









:-Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Australia ayaa xabsiga utaxaabay ilaa iyo afar nin oo dhalinyaro aha oo isugu jiray Somali iyo Lubnan kuwaas oo laga qabqabtay guryo ku yaala magaalada Melborne.





