|
Ambalaastii Cusbitaalka Badhan oo Dib Loo Soo Celiyey |
|
|
|
|
Sunday, 09 August 2009 16:39 |
|
Badhan Wararka aan ka heleyno magaalada Badhan ayaa xaqiijinaya in baabuurkii Anbalaasta ahaa ee laga dhacay Cusbitaalka Badhameed dib loo soo celiyey. Waxana magaalada Hargeysa ugu tegey Dr. Ciise Axmed Taajir oo isagu agaasime ka ahaa Cusbitaalkaas. Baabuurkan Anbalaasta ah ayaa muddo dhowr bilood laga joogo waxa magaalada Badhan ka dhacay rag dhallinyaro ah oo reer Sanaag ah , waxayna ula kicitimeen dhanka Waqooyi Galbeed, halkaas oo ciidamada Soomaaliland ay ku qabteen magaalada Dararweyne una taxaabeen dhanka Hargeysa. Falka dhaca ah raggii geystey ayaa iyaguna xadhigoodii soo dhamaystay oo ku sugan gudaha gobolka Sanaag, baabuurkiina waxa uu iminka ku sugan yahay gacanta Dr. Ciise oo jooga magaalada Badhan. Sanaagpost+HADAAFTIMMO MEDIA CENTRE
|