| Puntland oo codsatay in dib loogu soo celiyo Burcad Badeed! |
|
|
|
| Thursday, 20 August 2009 17:30 | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
BOSASO :War maanta kasoo baxay Dowlada Puntland ayaa lagu sheegay in dib loo soo cesho burcad badeedii dhawaan ay qafaasheen doomihii Masaarid ahaa ee afduubka loogu heystay xeebta degmada Laas Qoray. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Gen.Cabdullahi Axmed Jaamac (ilkojiir) oo Wareysi siiyey idaacada BBC-da ayaa sheegay in ay codsanayaan in dib loogu soo cesho kooxdii burcad badeeda ahayd ee dul saarnaa labadii doonyood ee ka baxsaday xeebta Laas Qoray. Wasiirka ayaa sheegay in Puntland xiriir la sameysay Wasaarada arrimaha gudaha iyo Wasaarada Amniga ee dalka Masar, isla markaana ka wada hadlee sida dib loogu soo celin karo raggaasi doonyaha saarnaa oo ay la tageen masaaridii ay afduubka ku heysteen. Gen.ilkojiir ayaa sheegay In ay ka xun yihiin in dowlad ahaan falalka burcad badeednimo ee go’aankooda yahay in aan madax furasho lasiin kooxaha burcad badeeda ah. “….waxaanu ka codsanay in ay dib usoo ceshaan,..waxaanu baareynaa in wixii danbiile ah la xukumo, wixii aan danbi lahayna lasiidaayo…” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland Gen.Cabdullahi Ilkojiir. Mar la weydiiyey Wasiirka in codsigaan uu yahay mid shaqsi mise mid dowladeed oo Puntland si rasmi ah uga soo baxay, ayuu ku jawaabay “….waa mid dowladeed..maxaa keenay mid shaqsi….” Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland oo la weydiiyey sababta keentay codsigan, iyo inaysan Punland ogeyn kooxahan inay afduub ku heysteen doonyahaasi oo la ogyahay in ay burcad badeed yihiin, waxa keenay in baaritaanka ay Puntland sheegtay inay sameenayso, ayaa yiri “….aniga shaqsiyan kuma oron karo burcad maaheyn, balse warar badan baa nasoo gaaraya in kooxdii saarneyd doonyaha laga dajiyey oo kuwo kale saarnaayeen….balse waa in la baaro…” ayuu yiri Wasiirka. Maamulka Puntland mala dagaalamayaa Burcad badeeda mise waa u doodayaan? “…mar rabno in meel iskaga xirnaa oo mashaariic laga sameysto….waa in hadii la xukumo dalkooda la keeno oo xabsigooda ku dhameystaan….” Ayuu yiri Wasiirka oo sheegay in aysan rabin dalal shisheeye in lagu xiro dadka Soomaalida ah. Waxaa wasiirka la weydiiyey sababta keentay in Puntland markii ugu horeysay codsi noocaan ah soo jeediso, ayadoo horey ay ujireen kooxo badan oo burcad badeed ah ama lagu tuhmay in lagu xiray wadamo badan oo caalamka ah. Wuxuu sheegay Wasiirka in Puntland ay horey xiriiro la sameysay wadamo badan oo lagu hayo kooxo burcad badeed ah in dib loogu soo cesho asagoo yiri; “….horey dalal badan baan ugala hadalnay in lasoo celiyo dadkaas la heysto, wixii danbi lagu helo xukunkooda inay ku qaataan dalkooda….”ayuu yiri wasiirka oo ka gaabsaday inuu sheego wadamada kale oo ay horey xiriirka ulla sameeyeen. Wasiirka oo iska fogeeyey dhaliilaha Puntland loogu soo jeedinayo inaysan waxna ka qaban burcad badeeda ayaa sheegay in dadka Puntland kasoo horjeedaan burcad badeeda, falalkaasna ay ku kacaan dad kooban, horeyna ay uga hadleen culumaa’udiinka iyo ummada Puntland. Waa markii ugu horeysay oo si rasmi ah Puntland u shaaciso in dib loogu soo cesho kooxaha burcad badeeda ah oo lagu qabto xeebaha dalka Soomaaliya, ayadoo kooxdan burcad badeeda ah oo ay dowlada codsatay in la baaro, ay yihiin kooxdii afduubka muddo 4 bilood ah u heystay labada doonyood, isla markaana lacago madax furasho ah ka qaatay Markab laga lahaa dalka Talyaaniga. HM
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||









:War maanta kasoo baxay Dowlada Puntland ayaa lagu sheegay in dib loo soo cesho burcad badeedii dhawaan ay qafaasheen doomihii Masaarid ahaa ee afduubka loogu heystay xeebta degmada Laas Qoray. 






