| CIIDAMADA DARAAWIISHTA DOWLADA KMG SOMALIA OO LAGU WADO IN AY LA WAREEGAAN EX-KOONTAROOL AFGOOYE |
|
|
|
| Sunday, 30 August 2009 09:49 | ||||||
Taliska ciidamada Daraawiishta Dowlada KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay qorsheynayaan in ay saacadaha soo aadan ay kala wareegaan ciidamada Cabdi Qeybdiid iyo C/fataax Shaaweeye isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.Taliyaha ciidamada Darwiishta Afrax Cali Afrax ayaa u sheegay warbaahinta in maanta ay dhici doono kala wareejinta ciidamada waxaana taasi uu ku tilmaamay mid ka timid dhinaca dowlada KMG Somalia kadib marki ay shacabka kasoo dacwoodeen. Sababta badelka ayaa Waxaa uu ku sheegey taliyihu in ciidamada la geynayo la doonayey in shaley la geeyo balase xaga dowlada ay ku xirantahey madaxdeeda sare walina ay ka war sugayaan isla markaasna ay tahey kala wareejintu cabasho ka timid dadweynaha oo la sheegay in ay dadka dhac u geystaan. Ciidamadaan daraawiishta ayaa la sheegay in ay u badanyihiin kuwii horey uga tirsanaa Maxaakimta xiligii uu Gudoomiyaha ka ahaa Madaxweynaha Soomaliya Shiikh Shariif kuwaas oo la sheego in ay ka amaan roonyihiin ciidamadii Dowladii ka horeysey Madaxweynaha hada ee Madaxweyne C/laahi yuusuf Axmed oo la shaqeyn jirey Ciidamadii Ethiopia dadka si aan loo meel dayin u baaranjirey. Waxaan dadka ay sugayaan isbadalkaan lagu sameynayo bal in ay wax ka badasho cabashii laga soo jeedin jirey ciidamada maanta laga badi Doono ee isla dowlada oo ayaku baabuurta lacago baad ah ka qaato inta la ogyahey. HMC
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |









Taliska ciidamada Daraawiishta Dowlada KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay qorsheynayaan in ay saacadaha soo aadan ay kala wareegaan ciidamada Cabdi Qeybdiid iyo C/fataax Shaaweeye isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.Taliyaha ciidamada Darwiishta Afrax Cali Afrax ayaa u sheegay warbaahinta in maanta ay dhici doono kala wareejinta ciidamada waxaana taasi uu ku tilmaamay mid ka timid dhinaca dowlada KMG Somalia kadib marki ay shacabka kasoo dacwoodeen. 




