| KULAN MAANTA DHEXMARAY SADEXDII MASUUL EE SHALAY LA MAGCAABAY IYO MADAXWEYNE FAROOLE |
|
|
|
| Friday, 04 September 2009 16:20 | ||||||
|
Garowe: Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/rixmaan Max’ed Max’uud Farole ayaa tilmaamay in ay muhiim ay tahay in la helo wadashaqayn wacan taa oo horsseedi karta hormar dhanka amaanka ah, iyo is dhaxgalka bulshada waxuuna kula dar daarmay sida ila xoog ogaal ah u xaqiijiyeen Soomaalidamaanta in si wada jir aha amaanka loo xoojiyo. Farole ayaa sidoo kale sheegay in Gobalka Mudug uu ka mid yahay gobalada Puntland ee ubaahan waxqabad muuqda, ayna joogaan dadka ugu tirada badan ee ka soo qaxay gobalada kala duwan ee Soomalia , loona baahan yahay in ay dadkaas iyo dadka gobalka udhashayba la mideeyo si looga wada shaqeeyo amaanka iyo horumarka. Kulan kaan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ugu danbayntii waxaa la isku afgartay in amaanka xooga la saaro oo la xoojiyo maadama Gobalaka Mudug oo diris la yahay Gobalka Galgaduud oo qayba ka mid ah ay joogaan kooxa diimaydyada iska soo horjeeda waana kulan kii ugu horeeyay ee Madxaweynaha iyo xubnahaan iskugu yimdaan .
HADAAFTIMO MEDIA CENTRE
Powered by !JoomlaComment 3.26
3.26 Copyright (C) 2008 Compojoom.com / Copyright (C) 2007 Alain Georgette / Copyright (C) 2006 Frantisek Hliva. All rights reserved." |









:Waxaa maanta markii ugu horeeyay kulan isku yimid Madaxweynaha Puntland iyo sedaxdii Masuul ee maalintii shalay uu ku soo magacaabay wareegta uu ka soo saaray xafiiskiisa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug





