SPORTS
HORYAALKA INGIIRSKA OO SHALAY KU BILOWDAY SI XAMAASAD LEH PDF Print E-mail
Sunday, 15 August 2010 11:46
 

waxaa sixiisabadan ubilawday hoyaalka ingiriiska iyo heerakalabaad  oo kooxaha hoose ku tartamaan,
waxaana loo kalabadiyey sidatan,
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Saturday, 14 August 2010
Barclays Premier League
Bolton 0-0 Fulham | Report
Npower Championship
Derby 1-2 Cardiff | Report
Millwall 4-0 Hull | Report
Sheff Utd 0-3 QPR | Report
Npower League One
Npower League Two
 
Daawo Ciyaarihii ka dhacay Horyaalka Ingiriiska PDF Print E-mail
Tuesday, 01 September 2009 08:33

waxaan halka idinku soo gudbin goolashii ka dhashay horyaalka ingriiska cayaarihii ugu adkaa asbucaa  chelsea waxaay si aan caadi ahayn 3goal  ah uga dhalisay naadiga burnly oo furitaan kii horyaal  ingiriiska manchester united ku garacday 1-0 markaadkaadku dhufoto video sug wax yar  markaasna waxaa kuu furmaya goolasha


 
Added

Manchester United v/s Arsenal | 2 - 1 | Full Match | Goals ... 
 
 
 
 
Added
1:13
 Chelsea v/s Burnley | 3 - 0 | Full Match | Goals Highlights ... 

 
 
Added
0:53
 Liverpool v/s Bolton Wanderers | 3 - 2 | Full Match | Goals ...

siciid abdilaahi essa
siciid_chelsea

 
Horyaalka Ingiriiska iyo Natiijooyinkii Isbuucan PDF Print E-mail
Monday, 31 August 2009 07:29
sidii u dhacay asbuucan horyaalka in igriiska  ma.united oo dharbaaxo kulul leheshay arsenal
  
  
  
Chelsea.fc - Burnley  3 - 0
Bolton - Liverpool      2 - 3
Tottenham - Birmingham 2 - 1
Stoke - Sunderland 1 - 0
Wolves - Hull    1 - 1
Blackburn - West Ham   0 - 0
Man Utd. - Arsenal   2 - 1
Portsmouth - Man City   0 - 1
Everton - Wigan Athletic  2 - 1
Aston Villa - Fulham     2 - 0
asbuuca danbe   sida ay u dhacayaan iyo
 
kala horaynta naadiyada
 

Chelsea 4 10-2 12 Tottenham 4 11-4 12 Manchester United 4 8-2 9 Stoke 4 3-4 7 Arsenal 3 11-4 6 Manchester City 2 3-0 6 Liverpool 4 9-7 6 Sunderland 4 4-5 6 Burnley 4 2-5 6 West Ham 3 3-2 4 Birmingham 4 2-3 4 Wolverhampton 4 2-4 4 Hull 4 4-8 4 Aston Villa 2 3-3 3 Fulham 2 1-2 3 Wigan 3 2-6 3 Blackburn 3 1-4 1 Bolton 3 2-5 0 Portsmouth 3 1-6 0 Everton 2 1-7 0


 

Blackburn v Wolves
Liverpool v Burnley
Man City v Arsenal
Portsmouth v Bolton
Stoke City v Chelsea
Sunderland v Hull City
Wigan v West Ham
Tottenham v Man Utd
Birmingham v Aston Villa
Fulham v Everton

kulumada aad loo sugayaa waxay dhexmarayaaa arsenal man city oo ay  man city hada ku sugan yihiin laciibtiintii laf dhabarta u ahaa arsenal cayaarta kale oo aad iyana loo sugayaa oo dhex maridoonta Tottenham v Man Utd
Tottenham waxay hogaan la haysaaaaaaaa  chelsea  4kulan ay cayaartay wada badisay sidaana kuleh 12dhibcood
siciid abdilaahi
siciid_ chelsea
ksa dammaam
 
kooxda Chelsea oo dhulka jiiday ManU ee Galabta ka dhacday Wembley PDF Print E-mail
Tuesday, 18 August 2009 08:33
sawirWaxaa ciyaar aad u xiiso badnayd isaga horyimaadey kooxda haysata horyaalka Ingiriiska iyo Cup-ka ingiriiska haysata waa labada kooxood ee kala ah kooxda ManU iyo Chelsea ciyaartan ayaa ahyd ciyaar deeq aruurin ah ayaa marka dhinac laga fiiriyo waxaa ay aheyd mid ay kooxahan waa weyn ay isku tijaabinayeen marka dhinaca kale laga fiiriyana aheyd inay midba mida kale tusto awoodeeda ciyaareed ee sanadkan halka ay gaarsiisan tahay.

Ciyaartan ayaa waxaa markii ay labada kooxood ciyaareen mudaddii loogu talagalay ee 90 daqiiqo aheyd ku soo dhamaatay 2-2,ka dibna waxaa loo gudbay in ay labada kooxood ku kala baxaan rigoorooyin halkaasna waxaa maanta magaciis kor ugu qaadey goolhayihii kooxda Chelsea Petr Cech ka dib markii uu qabtay rigoorooyin halkaasna ay Chelsea ku guulaysatay 4-1.

Ciyaarta qaybteeddii hore ayaa waxaa usuuro gashay inay ManU dhaliso goolkii koowaad oo uu halkaas ku saxiixay ciyaaryahanka Nani, waxaa barbar dhac ka digay Richardo Carvalho daqiiqaddii 52 ka dibna daqiiqaddii 71.aad waxaa 2-1 ka dhigay ciyaaryahanka Frank Lampard,ciyaarta oo layslahaa wey dhamaatay ayaa waxaa sida caadada u ah ManU ay dhaliyeen gool daqiiqaddii 90-aad ka dib oo waxaa goolkaas u saxiixay Weyne Rooney.

Horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa lagu wadaa inuu bilaabmo isbuuca soo socda maalinta Sabtida somalisc.com waxaa ay rajaynaysaa inay idinla socodsiindoonto ciyaarahaas iyo qaabka aya u dhicidoonaan insha allah
 
siciid abdilaahi
siciid_chelsea
k.s.a dammaam
 
Wiil Somali kamid noqoday FC Chelsea PDF Print E-mail
Wednesday, 01 July 2009 17:07

sawirKooxda kubadda cagta ee FC Chelsea ayaa markii ugu horaysay taariikhda waxaa ay heshiis 5 sano ah la saxiixatay Mukhtaar Cali Afgooye oo da’diisu tahay 12 Jir, Wiilkan ayaa kamid noqonaya Chelsea Academy ee Ciyaartoyda da’doodu ay ka yartahay 13 sano jirka ee kooxdaasi kubadda cagta ee dalkan Britain.
 
Mukhtar Cali Afgooye waxaa uu horay uga mid noqday Ciyaartoyda ay da’doodu ka hooseyso 12 jirka ee kooxda Leyton Orient, intii uu joogay kooxdan wuxuu muujiyay ciyaar wanaagsan iyo dadaal uu ku muujiyay sida ay uga go’antahay in uu ka gun gaaro sidii uu uga mid noqon lahaa Ciyaartoyda da’da yar ee Kooxaha Kubadda cagta ee ka dhisan dalkan Britain.
 
Horaanta Bisha July ayaa Wiilkan Somaliga ah waxaa uu ka qayb qaadan doonaa Ciyaaro iyo Cashiro la xiriira Sportska oo ay soo bandhigayaan Khubarro dhinaca Kubadda cagta oo ka tirsan FC Chelsea, qaar kamid ah Kooxaha Sportska ee dalkan ayaa qorshaynayay in ay heshiis noocan oo kala ah la saxiixdaan Mukhtar sida Arsinal, Manchester City iyo Tottenham sida uu sheegay aabaha wiilkan.
 
Cali Afgooye oo ah aabaha wiilkaasi ayaa yiri “ Aad baan ugu faraxsanahay in heshiiskaasi aan la saxiixdo Chelsea , waxaana rajaynayaa in arintani ay noqon doonto mira dhal mustaqbalka dhow, sidoo kale waxaan filayaa in ay noqon doonto dhiiri-galin”
 
Waxaa muuqata in Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ku bar baaray qurbaha ay modooyinkan danbe kamid noqonayaa Ciyaartoy kasoo dhalaali doona garoomadda Caalamiga ah ee Kubadda Cagta hadii ay muujiyaan dadaal dheeri ah iyo Shaqo adag.

 

hadaaftimo media,london.

 
Qaranka Brasiil Oo Xatooyo Lagu Sameeyey PDF Print E-mail
Wednesday, 24 June 2009 08:27
brazil.jpg - 11.06 Kb

 

Qaranka Brazil oo xatooyo lagu sameeyay


 

Qaranka Brazil ayaa noqday kooxdii labaad oo xatooyo loogu geeysto dalka South Africa,iyadoo qaranka Masarna dhacdo noocaan oo kala ah la kulmeen.

Sarkaal qaranka Brazil u qaabilsan dhanka warfaafinta ayaa sheegay in taqtarka kooxda iyo daafaca ay la kulmeen xatooyo oo lacag iyo dharba laga qaatay qolalkoodii.

Mas`uuliyiinta hotelka ayaa balan ku qaaday in ay sameeynayaan baaritaano deg deg si loo ogaado kooxaha ka dambeeyo.

Qaranka Masar ayaa horay cayaartooy ka tirsan looga xaday lacag dhan $2500 , iakstoo markii dambe ay beeniyen Xasan shaxaata iyo Axmed xasan si ay u u dhowraan sumacada South Africa .

Qore : C/qaadir Maxamed Yuusuf

 
Wiil u dhashay dalka Soomaaliya Ayub Daud ayaa xalay kulankiisii u horeeyay u saftay kooxda Juventus oo ka mid ah kooxaha ugu facaweyn dalka Talyaaniga iyo Caalamka PDF Print E-mail
Monday, 16 March 2009 18:27

Ciyaarahan Ayuub Daa'uud ayaa hore Kooxda Juventus uga tirsanaa da'yarta ay barbaarsato ama mustaqbalka Juventus Youth Academy, isagoo ka ciyaari jirey

koobka cayaaraha dhalinyarada ee loo yaqaan Primivera ayaa xalay markii ugu horeysay si toos ah ugu soo biiray cayaartoyda kooxda waaweyn ee Kooxda Juventus ( Seria A), kadib markii uu wacdaro ka dhigay Ciyaarihii da'yarta Juventus iyo koobkii lagu qabtey bisha Febaraayo tartan loo qabtey kooxo caalami ah.

Ayuub Daa'uud ayaa ka soo jeeda Qoys Isboorti ah oo caanka ah Isboortiga dalka Soomaaliya gaar ahaan kubadda cagta,tusaale ahaan Aabihii Daa'uud Xuseen iiidoow waxa uu ahaa ciyaaryahan caan ah oo ka tirsanaa laacibiinta kooxda kubadda cagta Jeenyo ( LLPP) ee Wasaarada Howlah guud , halka Abtigii Ayuub Sheekh Abuukar Allaha u raxmadee isna waxa u ahaa laacib caan oo ka tirsanaa kooxda Jeenyo LLPP isla markaana noqday macalinkii kooxda kubadda cagta Jeenyo, Ayuub waxaa lagu magacabay Abtigii Ayuub.

Ayuub Daa'uud isagoo 5-sano jir ah ayay qoyskiisa Dalka Talyaaniga yimaadeen, isla markaana mrkii u gaarey 8 sano ayuu ka mid noqday kooxda Kuuna kadibna sanadkii 2000 ayaa waxaa si toos ah ula wareegtey Dugsiga caruurta mustaqbalka kooxda Juventus ilaa heshiis rasmi ah la galeen bishii hore aaqirkeeda kadib markii koob loo qabtey kooxaha dhalinyarada uu wacdaro ka muujiyay isla markaana uu 8 goal ku qaaday goal dhalinta tartankaas, taasoo keentay in kooxo waaweyn ay damcaan inay la wareegaan laacibka da'yarta ee Ayub Da'ud , kooxahaasna waxaa ka mid ahaa West Ham, Villareal, Hamburg iyo Totenham, arinkaas oo ku qasabtey inay maamulka kooxda Juventus inay heshiis dheer la galaan si laacibka curdunka ah loola baxsan madaama ay waqti badan uu ka tirsanaa kooxda mustaqbalka Juventus ee da'doodu ka hoosayso 19 sano jirka.

Ayub Da'ud waa 19-sano jir islamarkaana ciyaaryahan ka ciyaara baalka bidix 11 hasayeeshee Ayub labadiisa lugood waa isugu mid bidix iyo midig ku laadida kubadda ama ku xariiftanka (masha Allah) darabada u laadano waxaa la sheegaa inay holac ka baxdo,isla markaana goalhayayaashana ay ku abuurto welwel iyo cabsi, taasina waxaa sii dheer in taageerayaasha kooxda Juventus-na waxay ugu yeraan falaartii Juventus sida uu BBC-da ka sheegay suxufiga Sports BBC Somali ee ka faalooda barnaamijka Cayaaraha Aden Sabriye, laacibkan Soomaaliyeed waxaana hubanti ah inuu yahay ciyaaryahan farsamo iyo qibradiisana ay sareyso.

Tababaraha Kooxda Juventus Ranieri ayaa xidiga Soomaaliyeed markii ugu horeysay u xushay cayaartoydiisa u ciyaareysa Kulamada Seria A-da Talyaaniga, waxaana uu xalay soo fariisiyay kursiga Keydka.

Cayaarta xalay kooxdiisa la ciyaareysay Kooxda Juventus oo ay kaga itaal roonaadeen 4 iyo 1 ayuu nasiib u yeeshay inuu cayaarto soo galo dhamaadkii cayaarta, isagoona aan fursad loo siin inuu soo bandhigo farsamadiisa ciyaareed, balse Macalinka Juventus ayaa ku tilmaamay jiil cusub.

Ayub Da'ud ayaa ciyaarta markii ay mareysay 88-dii daqiiqo waxaa uu badalay Cayaaryahan Giovinco oo dhaliyay goolka bar baraha ee Junventus oo qeybtii hore ee ciyaarta gool lagu lahaa.

Ka hor inta aysan Kooxda Juventus ka soo qaadan ciyaarahanadeeda jiilka soo koraya waxaa dooneysa Kooxda Totenham ee dalka Ingiriiska, waxaana uu haatan u qandaraaska uu ugu joogayaa Kooxda Juventus ilaa sanadka 2013.

Ciyaarahan Ayub Daud ayaa noqonaya ciyaaryahankii u horeeyay ee Soomaali ah oo u safta mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn ee ka dhisan Qaarada Yurub, gaar ahaan Horyaalka Talyaaniga ee loo yaqaan Seria A-da, balse waxaa jira ciyaaryahan kale oo hoyadiis Soomaali tahay oo isna ka dheela dalka Talyaanigakoox ka mid kooxaha Seria A iyo xulka Qaranka Talyaaniga.

Ciyaartooydii hore kooxda Jeenyo iyo Taageerayashooda ayaa si weyn u soo dhaweeyay laacibka mustaqbalka Ayuub Daa'uud isla markaana u rajeeyay guul iyo mustaqbal wanaagsan, halka Bahda Sports Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan la dhacsan ka mid noqoshada Ayuub Daa'uud laacibkaan Soomaliyeed kooxda Juventus oo caalamka dhan laga yaqaan, dhacdadan ayaa noqon doono mid u horseedi doonta in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaan inay kaga daydaan dadaalka dheer uu soo marey Ayub Da'ud inuu gaaro heer wanaagsan.

Waxaan halkaan hambalyo uga direynaa Laacibka Soomaaliyeed Ayub Da'ud iyo waalidiintiis sida Aabihiis Daa'uud Jeenyo iyo hooyadiis Ayub ee gacanta ku siiyay inuu gaaro heerkan uu maanta gaarey wiilkooda Ayub oo ah mid taariikhi ah isla markaana magacii Soomaaliyeed kor u soo qaadaya oo aan ku faani doono hada iyo wixii ka dambeeya

Ayub Da'ud wareysi uu siyay jaraa'id ka soo baxa dalka Talyaaniga ayuu ku sheegay inuu jecel yahay in mar un u xirto maaliyada xulka Qaranka dalka Soomaaliya isla markaana uu mar walbo ku riyoodo, Ayub waa uu sii hadlay waxa u yiri mar ay su'aaleen inuu jeclaan lahaa inuu xulka dalka Talyaaniga u safto waxa u yiri waa laga yabaa laakinse Soomaaliya ayaan jeclahay taasoo lama filaan ku noqotey in wiilkan yar xulka dalka Talyaaniga oo caalamka dhan laga yaqaan inuusan ka soo qaadin wax weyn balse weli ay ku weyn tahay sharafta dalkiisa madaama Abihiis iyo Abtigiisba ay xulka Qaranka dalka Soomaaliya u soo dheleen.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor & SSPAMEDIA
London

 




MAQAALLO


maakhirmap.jpg Sidee Loo Horumarin Karaa Deegaanka Maakhir?
Saturday, 28 August 2010 00:50
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina ...
idris1.jpg DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA? | W/Q. Muxamad Idris
Wednesday, 28 July 2010 15:01
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina ...
islam.jpg MUSLIMIINTA OO NOQDAY MUSTAQBALKA CAALAMKA(BAADHITAAN)
Friday, 02 July 2010 01:42
Aduunyaddu way isbedelaysaa adiguna markhaati ayaa...
hooyo.jpg HOOYADU WAA LAMA HURAAN !!! BY: KALTOUM WADANIYA
Monday, 28 June 2010 11:06
Waxaa hubaal ah in hooyadu tahay lama huraan,udub ...
faallo1.jpg ARAGTI: WAQTIGA IYO WAAYIHIISA
Thursday, 17 June 2010 23:00
                  ...
faallo1.jpg GUUR MA WAX LOO DHIGAA JIRA? W/Q KALTOUM WADANIYA
Sunday, 13 June 2010 22:59
Macnaha guurku ma aha midaan erayo ku soo koobi ka...
maakhirstate.jpg MAAKHIR STATE INUU HANO QAADO MAXAA HORTAAGAN ?
Friday, 11 June 2010 00:02
Ruux walba kartidiisa iyo gudaalkiis, karaanka iyo...
flower.jpg JACAYLKII BARNI SEED WARFAA
Wednesday, 09 June 2010 09:48
Barni Seed Warfaa aqalkoodu waa ka tuulada oo dhan...
faallo1.jpg INDHA SARCAAD!! W/Q: KALTOUM WADANIYA
Tuesday, 08 June 2010 08:23
Bissmilah, Akhristoow suxufinimo iskuma ogayn, qo...
faallo1.jpg DHOOF: MA WAX LOO DHIGAA JIRA?!!
Saturday, 05 June 2010 19:14
                            ...

Sports


kubad HORYAALKA INGIIRSKA OO SHALAY KU BILOWDAY SI XAMAASAD LEH
Sunday, 15 August 2010 11:46
 waxaa sixiisabadan ubilawday hoyaalka ingiriiska...
priemerleague.jpg Daawo Ciyaarihii ka dhacay Horyaalka Ingiriiska
Tuesday, 01 September 2009 08:33
waxaan halka idinku soo gudbin goolashii ka dhasha...
priemerleague.jpg Horyaalka Ingiriiska iyo Natiijooyinkii Isbuucan
Monday, 31 August 2009 07:29
sidii u dhacay asbuucan horyaalka in igriiska  ma...
championsleague.jpg kooxda Chelsea oo dhulka jiiday ManU ee Galabta ka dhacday Wembley
Tuesday, 18 August 2009 08:33
Waxaa ciyaar aad u xiiso badnayd isaga horyimaadey...
championsleague.jpg Wiil Somali kamid noqoday FC Chelsea
Wednesday, 01 July 2009 17:07
Kooxda kubadda cagta ee FC Chelsea ayaa markii ug...

Online Users

We have 30 guests online

STATISTICS

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterAll472248

Tahniyad


tahniyad1.jpg TAHNIYAD AROOS / MAXAMUD MAXAMED JAAMAC & HINDA CABDI AHMED /ETHOPIA
Sunday, 08 August 2010 11:01
    Aabe Mohmed Jama Ali bayr...
tahniyad1.jpg TAHNIYAD AROOS / FAHAD CALI GAANI IYO IDIL AXMED SAALAX / BOSASO
Monday, 19 July 2010 04:11
Dhamaan dadkan hoos ku xusan waxay hanbalyo ito bo...
tahniyad1.jpg TAHNIYAD MEHER/ CAWED CABDI AADAN IYO LUUL SULAYMAN AXMED/ HADAAFTIMO
Tuesday, 08 June 2010 17:11
 Halkan waxaanu tahniyad meher uga diraynaa ...
tahniyad1.jpg TAHNIYAD DHALASHO/ ISMACIL MAXAMUD MAXAMED SHIRE IYO HOODO CABDI SAALAX/LIVERPOOL
Friday, 28 May 2010 08:33
Tahniyad Dhalasho Dhamaan dadkan Hoos ku qoran wax...
tahniyad1.jpg HAMBALYO MEHER/ MUDANE MURSAL MAXAMED SAALAX IYO MURWO MURWO NIMCO AXMED XASAN/KENYA
Sunday, 09 May 2010 12:24
Dhamaan dadkan Hoos ku Qoran waxay Tahniyad Meher ...

TACSI


tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH / MARXUUM ISMACIL AXMED GAAS / CEERIGAABO
Monday, 28 June 2010 11:15
     Caaqil Cabdilaahi Ma...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH / MARXUUM CABDILAAHI YUUSUF AXMED / LONDON
Wednesday, 09 June 2010 20:48
     Halkan waxanu tacsi ...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH MARXUUM CAAQIL C/LAAHI XAASHI CALI/LONDON
Wednesday, 26 May 2010 20:30
 Caaqil Cabdilaahi Maxamed Yuusuf Shide iyo dhama...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH MARXUUM Khaalid Suldaan OO KU GEERIYOODAY/BOSASO
Tuesday, 20 April 2010 08:37
Dhamaan dadkan oo jooga Magalada Toronto Canada W...
tacsi.jpg TACSI NAXDIN LEH / MARXUUM SAALAX MAHAD XAJI WARSAME / CEERIGAABO
Monday, 12 April 2010 07:18
Cabdi Ismaaciil Cismaan Hoori,Maryan Cumar Hoori,I...