|
Sidee Loo Horumarin Karaa Deegaanka Maakhir? |
|
|
|
|
Saturday, 28 August 2010 00:50 |
|
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaate .maanta waxaad lawada socotaan xaalada uu ku suganyahay dalkii la odhan jiray soomaaliya ka dib markii ay bur burtay dowladii dhexe ee soomaaliya degnaadii uu ka koobnaa.
Dalkaasi waxaa ku habsaday masiibooyin ah colaad iyo dhibaatoyin kale hadaba burburkii ka dib, soomaaliya waxaa ka ha naqaaday maamulo kuwaas oo ku salaysan qaab qabiil hadaba maamuladan ayaa waxay isku dayeen in ay hirgaliyaan wax qabasho kala duwan sidii ay bulshada dib ugu soo celin lahaaye amniga. Hadaba sidii aan hore u so sheegnay waxaa maamuladan lagu dhisay qaabqabiil, hadaba waxaa jira in qabiil kasta uu rabo wixii maamulkaas laga helo in ay iyagu hor boodaan, iyo iyadoo aan qabiiladu isku dan ahayn oo nin kasta dantiisa rabo in uu kan kale ku socod siiyo.waxaa iyana jira qurba joog soomaaliyeed kuwaas oo saamayn weeyn ku leh horumarka bulshada iyo siyaasada soomaaliya taas oo la is odhan karo siyaasada soomaaliya waxaaba laga hagaa qurbe.hadaba hadii aan u soo noqdo dulucda qormadayda oo ahayd sidee ayaa horu mar lagu gaadhsin karaa degaanada maakhir kaas oo ah degaan aad u qaniya balse dadkii u dhashay dal iyo dibadba ay ilaaween in ay ka shaqeeyaan horumarkiisa. Maadama aan dalku lahayn dowlad dhexe waxaa khasab ku noqotay jaaliyadaha soomaaliyeed iyagoo la kaashanaya dadka dalka jooga in laga shaqeeyo horumarka xaga waxbarashada dhismaha wadooyinka laamida ah dhismaha dekedaha iyo wixii alle wixii ay dowladi qaban jirtay, ayey dad badan isku dayeen in ay dhexda u xidhaan si ay horumar u gaadhsiin lahaayen Bulshadooda.hadaba dadka ku dhaqan degaanka maakhir oo ah dadkii ilbaxnimada soomaliya kasoo unkantay ayaa waxaa degaankoodii ku habsaday dib u dhac weeyn marka la bar bar dhigo gobolada kale ee soomaaliya, taas ayaa dad badan is weydinayaan oo leeyihiin xagee dhibkan ka yimid maadama dadka rer maakhir aanay hayn dhaqaale xumo aqoon xumo dhul xumo balse waxa la odhan karaa waxaa haya dadka talo xumo, taariikhda banii’aadamku waxay ku tusaysa ilbaxnimo beri hore jiri jiray balse dadkaasi ilaa maanta waa jogaan sidii masartii hore giriigii hore maxay ku kala duwanyihiin masartan hada joogta iyo tii hore . Hadaba suaashaas waxan u dhaafaya dadka qormadan akhrisanaya hadii aan qodobeeyo dhibka haysta shacaka iyo xalka sidaan u arko ayaan rabaa wixi fikirkayga ah in aan ku soo ban dhigo qormadan anigoo kala horaysinayaa Sidaan u arko in lagu gaadhi karo horu mar. QURBA JOOGTA MAAKHIR Qaxaan ugu soo horu mariyey qodobkan oo aan u arkay meesha shacabka rer maakhir looga soo dhacay waayo maanta soomaliya waxaa laga xukuma siyaasad ahan dhaqaale ahaan iyo dhinac kasta aad u eegto qurbe hadaba waxaa yaab badan maxaa loo maqli waayey codkii jaaliyadaha maakhir ee qurba joogta ah sida dadka kale oo qurba joogta ah sida puntland ama somaliland ay qurba jogtoodu meel kasta caalamka ha ka joogeene ay halqadiyad leeyihin oo ah isku duubni halka markaan ka hadlayno qurba joogta maakhir laga soo Qaadan karo laba qolo uun jaaliyada uk iyo tan amerika oo iyagu ah labada jaaliyadood oo had iyo jeer aa mooodid in ay rabaan horumar gaadhsiiyaan degaankooda.maye jaliyadihii kale ee u dhashay degaanka ee ku noola dalalka kale sida canada sweden norway findland denmark holland germany australia newzeland bariga afrika iyo dalal kale oo b adan. Waxaa la odhan karaaa jaliyadaha maakhir waxay ku qanac sanyihin in ay qaadhankii la rabay in ay ku bixiyaan degaankooda ay micin bideen in ay ku bixshaan degaanada puntland iyo somaliland. Waxaan kula talin lahaa dadka activeka ah in ay hawshaas si dhakhso ah wax uga qabtaan dhisaana jaaliyadada dadkana isu keenan dabadedna aad eegtaan midha dhalkeeda.hadii aan intaa kaga gudbo qaybta midaynta jaaliyadaha qurbaha aan u g alo qaybta labaad. AQOONYAHANKA U DHASHAY MAAKHIR Qodobkan aan isna u arkay qodob aad u muhiim ah maadamo qofka aqoonta lihi uu yahay qof meel fog wax ka eega marka loo bar bar dhigo qofka aan waxba baran taasna cilmiga maadiga iyo kan islaamiga ah ba way ku cadahay. hadaba aqoonyahanadii u dhashay mandiqada maakhir iyagoo aad u fara badan ayey meel kasta hoganayaan kuwa waxay ka shaqeeyaan hargaysa ama garoowe waxayna micin bideen in ay dhul kale camiraan kuwa qurbhii ayey iska degeen oo waxaa lagu xantaaba dadka rer maakhir in aanay ahayn muwaadiin jecel degenkooda.waayo degaanku ma yaqaano rer hebel iyo hebel degaanku wuxu yaqaana cidi manafacaadsanaysa oo wax u qabanaysa hadaba waxan kula dardaarmi lahaa aqonyahanka u dhashay degaanka maakhir meel kasta uu joogo ha u guntado in uu ka koco hurdada kuna dadaalaan sidi ay u horu marin lahayen dhulkoda. DHALIILAHA IYO XALKA Hadaba anigoo ku soo gabagabaynaya qormadaydan oo aan u arkay in aan ku booriyo dadka ka soo jeeda degaanka maakhir sidii ay wax uga qaban lahaayeen degaankoda ayna uga tashan lahaayeen ayahooda. Hadaba waxaa jira dhaliilo waa weeyn oo aan rabo in aan u soo jeediyo bulshada dal iyo dibadba waayo bulsho ma horu marto ilaa ay garato waxay hiigsanayso taasna waa tan haysata shacabkeena oo kuwa badan ay waqtigii ku lumiyeen puntland iyo somaliland siyaasado ah taasna waxay ku tusaysaa in aan bulshadeenu aanay weli Bislaan oo ay u baahantahay in ay bislaato sida dadka kale iyadoo bulshadeena ay ka hoosayso xaga saxaafada wacyi gelinta siyaasada hogaanka horumarka iyo wax badan ayaa iyana waxa jira in xaga qabiilada beelaha maakhir aanay iyagu wax isu ogalayn laakin ay ku qanacsanyihiin in ay nin kale gurigiisa u camiraan ama cid kale ay iska daba fadhiyaan markay timaado dhexdoodana ayna wax isu oglanayn halka dadka kale ay iyagu dhexdooda wax isla meel dhigaan bulshona meel magaadho hadii anay dhexdeeda ama localkeeda ka midaysnayn.kuwaas aan soo wada sheegay waa dhaliilo runtii aan la iska indha tiri karin oo haysata bulshadeena. Waxaad mooda in beryahan danbe ay soo baraarugayaan bulshada rer maakhir hadii laga eego xaga waxbarashada gacansiga saxaafada iyo dhinacyo kaleba.hadii aan ka hadlo qodobka qormada ugu danbaysay ee waa maxay xalka shacabka rer maakhir aniga shakhsi ahaan qormadan. Waxan ugu tala galay in aan ku booriyo shacabka sidii ay horumar iyo badhaadhe u gaadhi lahaayen taasna waxan u arkaa tan koowaad midnimo guud oo beesha ka dhex dhalata iyadoo shir beleed lagu qabanayo dalka si loo sameeyo hogaan mideeya bulshada kana taliya ayahooda. Tan labaad mar kale waxan leeyahay jaliyadaha dibada ee maakhir oo an tayo fican lahayn waa in ay meesha ka kacaan oo dalkasta inta jogtaa ay yeelataa hogaan iyo ururo taasna waxay sahlaysaa in ay wax taraan degaanka . Waxan kaloo iyagan boorinaya aqoonyahanada rer maakhir meel kasta ha jogeene in ay degaankooda soo gaadhsiyaan wixii horumar ah oo ay is leeyihiin faaiido ayu u leeyahay shacabka. maxamed abdi yusuf
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
|
DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA? | W/Q. Muxamad Idris |
|
|
|
|
Wednesday, 28 July 2010 15:01 |
|
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato. Beryahan qoraalla masoo bandhigin.. Dadka qaar ayaa ila soo xiriiray meela kala duwan, wexeyna I weydiiyeen: Qoraaladii isdaba joogi jirey maxaad u joojisey! Miyaad gurtay? Mase waa gedootey? Mase waxa dhacayaa kuu cuntami waayey oo meel aad ka abbaartaad weli baadi goobeysaa? Mase feker dheer ayaad ku jirtaa oo waad u dhakaneysaa cabbaar? Waxaan ugu jawaabey: Intaas iyo inkaleba waxbaa ka jira, aan ka ahayn midda ugu horraysa oo ah inaan guray..War badani waa iga buuxaa.. dacarina waa I haysaa..Hase ahaatee, qoraalku saan u haysto, iska qor maaha, ee waa inuu kaa soo degaa, oo miid wadnaha ka de’eysa noqdaa, markaas ayuu qoraalku macna yeeshaa, oo waaya badan adduunka sii joogaa, haddad dhimatana raad kaa hara ayuu noqdaa, hadduuse yahay mid aan wadnaha iyo beerka dhexdooda kasoo bixin, dabaylaha xagaagaa ayaa qaada, meel uu marayna lama xasuusto. Waa sida uu u yiri Gabyaagii Caanka ahaa ee Soomaaliyeed Cali Dhuux Aadan Allaha u naxariistee: Maansada dheh uun lama yariyi waygu soo dhacaye++ Hadalla dhagaxya waaweyn ka culus waa dhug siin jiraye… Maalintaan halkaan ku qoray : Wadaadada Soomaaliyeed Ayaan Daranaa Ma Awlaadii Aw Jaamac baa!! Markaan Halkaan ku qoray: Dhambaaladii dhawrka ahaa: Runta Ma laysu Sheegi Karaa!! Ee ku socdey guud ahaan Ummadda gaar ahaanna Wadaadada Shalay Saaxiibka ahaa, maantana dad iyo duunyo dambaska ka dhigay, dadka qaar ayaa igu maagay maxaad maxaad halgamaayasha ku maageysaa, waxaanse filayaa iney maanta dad badan u caddaatay ayaan darradii aan sheegayey. Waxaan rajaynayaa iney taariikh qoran yihiin, ummaddana wixii baaqi noqdaa oran doonaan: War Illeyn meesha lagu rogmadey waa la joogey!! Qoraalladaasna iskuma lureen haddaaney beerkayga qayb kasoo go’day ahayn. Markasta oo ciilka iyo uur kutaaladu kaa badato, ama dacarta kugu xirantay lagaa soo daayo, waa marka ay ugu fiicantahay inaad si wanaagsan dareenkaaga u muujin garto, anigana waxaan u malaynayaa in dacar aan ayaamahan xiray la iga soo deynayo. Waana waxa ay iigu soo dhacday, anoo gorodda laa laadinaya, su’aasha aan maqaalkan hal ku dhegga uga dhigay: Dalyohow yaa ku leh? Dadyohow Soomaaliyeed yaa kaa naxaya? YAA KA NAXAYA DADKA SAXAARAH LIIBIYA KU BAA BA’AY!! Dacarta waxa maalmahan igu kiciyeyna aan in yar idiinka bidhaamiye, Waxaan aad u maraa dalalka Soomaalidu u qaxday Yurub, Waqooyiga Ameerika (US & Canada), Afrika (gaar ahaan Barigeeda iyo Koonfurteeda) Carabaha iyo aasiyaanka fog. Waxaan la kulmaa dadka Soomaaliyeed ee meelahaas oo dhan daadsan, oo dalkoodii kasoo bara kacay, ama laga soo bara kiciyey.. Waxaan dhegeystaa sheekooyinkooda xanuunka badan, oo aad la ilmayneyso adoo aan is ogayn, ha ahaadaan kuwa xeryaha qaxootiga dhex yaal ee darxumadu ku haysato, Kenya ama Itoobiya, ama wadama badan oo afrika ka mida, kuwa xabsiyada ku jira, Yemen, Sucuudi, Kenya, Uganda, Tanzania, Zambia iyo South Afrika, Turkiya iyo Greek, Liibiya iyo Talyaaniga, iyo meel walba oo ay darxumo xabsiyada ugu jiraan, silic iyo saxariirna kala kulmaan. Kuwa Dalkoodii gulufka colaadeed iyo xabbadda dheceysa uga soo carary, Danta guud iyo daryeelkooda wax danaynaya ka waayey, nolol iyo shaqo iyo mustaqbal iyagoo raadinayana wajiga jiha walba adduunka saaray, badaha, saxaaraha, barafka iyo kulaylka, u maraya iyagoo nolol raadinaya, iyagoo la kulmaya dhibaatooyin aan laga sheekayn Karin, ama sawir dhaba laga bixin Karin, nin arkay mooyee nin kalena aanu ka warami Karin, marka aad waxaa aragto ayaad is weydiineysaa: Dalkan dadkiisu sidaa u gelayo yaa leh? Dadkan bad iyo berriba silic iyo saxariirka loo mariyey yaa ka naxaya? Dalkan fadhi iyo joog midna loo diidey, baddiisa iyo berrigiisaba la beec geeynayo, dullaalada adduunka iyo qandaraasleydu ku doodayaan, baayac mushtarka laga dhigtay ee nin walbaa haruubka u toshay siduu qayb uga heli lahaa, har iyo habeenna burburka iyo baaba’ uu ku socdo, Dadkiisina aan cidi dan ka lahayn, dhimashadooda iyo dhaawocoodana lagu mushtaro, waxaa kugu soo dheceysa: Dalyohow yaa ku leh? Dadyohow yaa kaa naxaya?  Qansax & Qurac toona dan nooma hayaane..Danteenna ma ka shaqaynaa!! Waxaa dhaba Nimaan isagu doonayn inuu noolaado cidi ma noolayn karto?! Nimaan dantiisa ka fekerayn cidina ugama fekeri karto! Niman dulliga rabin inuu ka boxo cidina kama saari karto! Nimaan Qaranima rabin oo qabyaalad ka weynaan cidina Qaran uma dhisi karto. Qofka Qurac & Qansax dagaaladooda iyo taageeridooda ku dhimanaya kuna dagaalamaya, dantiisiina aan garanayn, cidina wax uma qaban karto. Ilaahay cidduu Tawfiiqda ka luminayo, dembiyadooda ayaa hoggaan xun looga sameeyaa, markaasey nolosha ku ciqaabaan. Dadku haddeey dulmiga caadaystaan, kuwa dulmiya oo aan ka nixin ayaa faraha loo geliyaa, oo lagu imtixaamaa. Ama kuwa kaloo ka daran ayaa lagu soo salidaa. Ilaa iyo 20 Sano wexeynu daba soconnaa danaystayaal aan DAD iyo DAL midna u naxayn..halku dheggooduna yahay: Mar haddaan anigu joogo, Dalkoo Dhami ha dumo, Dadkoo dhammina ha qaxo!! Mar haddaan anigu idaacadda ka hadlaayo, sarkaal ayaad tahayna lay oranayo, dalkuna ha bur buro, Dadkuna ha baabo’o!!..Mid ka mida kuwaas ayaa maalin lagu yiri, war dhalinyartii naga dhamaysay, waxna nooma wadid, ciidan dambe kuuma hayno, markaasuu si jees jees ah u yiri: inta aan 900 oo kun oo shilin haysto wiil dabka ii qaada waayi mayo!! Bal hadda u fiirso! Laba dhalinyara Soomaaliyeeda oo Saxaaraha Liibaya harraad ku dilayo, ayaa toorrey wexey isugu tumaatiyeen (Qansax) baa fiican, iyo mayee (Qurac) ayaa ka saxan!!.. Qansax iyo Qurac na waa kuwa sababtooda ay dalkoodi uga soo qexeen, daryeelka u waayeen, Qaranimo uga bur burtay, gaajada iyo harraadka saxaaraha iyo badweynta ugu dhimanayaan. Qansax iyo Qurac waa kuwa dal iyo dad baab’ay ku dul dagaalamaya, danna aan ka lahayn waxa dhimanaya, iyo waxa qaxaya, iyo waxa berriga iyo badaha ku baaba’aya. Qansax & Qurac waa kuwa dal dhan inuu burburo aan dan ka lahayn, cadaw inuu ku soo duulo oo dukun daakun ka dhigo u durbaan tuma, dhiigga qulqulayaa aanu hal marna damqi hayn oo ku xambaarihayn iney in yarna ha ahaatee ka badbaadiyaan.Qansax iyo Qurac waa kuwa mid kastaa dantiisa keliya fiirsado iyo siduu ayaama usii joogi lahaa, dan guud iyo u tanaazulkeedna aan marna laga helin. Kuwaasu waa kuwa saxaaraha ku dhimanaya. Kuwa dibadaha joogana, markii dhibaatooyinkooda laga hadlo, oo wadada loo bidhaamiyo, oo loo sheego dantooda guud iney ku jirto midnimada, walaaltinimada, qabsashada diinta, xornimada dalka iyo dadka, deganaanta iyo kala dambaynta, qaran nimada iyo wax wadaagga iyo Islaaxu daatu beynka, in badan oo ka mida waa dudeysaa, wexeyna u dudayaan Maxaad u leedahay Qansax & Qurac oo keligood (dalkii dambaska noqday) isku haysta yaan midna la raacin, mid walbaana wuxuu kaa rabaa inaad tiraahdo Qansax ama Qurac maahine cid kale ma jirto. Hadaad ku tiraahdo Qansax waxa diinta iyo dadka dan u ah aan ka qaadano, wixiisa kalena iska tuurno, Quracna sidoo kale wixii Diinta iyo Dadka dan u ah aan ka qaadanno waxa kalena ka diidno, kaama yeelayaane waaba kula dirirsanyihiin.. Haddaad weydiiso, idinka ma diinta iyo dadkaa idiin daran? Mase Qansax iyo Qurac baa idiin daran? Jawaabtoodu si toosa iyo si dadban waa: Qansax iyo Qurac yaan nalaga taaban, wixii dad iyo dal baa ba’ayaa ha baa be’een!!. Haddaad tiraahdo: Qansax iyo Qurac iyagu diintii maaha, ee magacya ay la bexeen ama aabayaashood ula bexeen ayey leeyihiin, dadka in badanoo ka mida uma dhacdo. Sow gar maaha marka in kuwaas gacantooda lagu ciqaabo? Ilaa nalaga helo inaan garanno: Diinta, Dadka iyo Dalku iney ka qiima badan yihiin, kana muhiimsanyihiin, Qansax iyo Qurac hadduu qof yahay iyo hadduu urur yahay iyo hadduu qabiil yahay. In Diintu tahay wax la barto oo Kitaab iyo Sunno iyo Cilmi & Culimo leh si Ifka iyo Aakhiraba loogu iftiinsado, Qansax iyo Quracna ayan iyagu diintii Ilaahay na faray ahayn, ee ay yihiin, dad iyo ururo diimeed ama siyaasadeed, ama qabiil, oo hagaagina kara, qaladaad fool xunna ku dhici kara, oo ay tahay in laga digtoonaado mar walba inaan qaladka lagu raacin. Ilaa laynaga helo ineynu Diinta iyo Maslaxadda Ummadda u iilano, kana korno inaan u tacasubno dad gaara iyo ururo gaara, iyo qabiila gaara, wax badan oo dhibaata ah weynu la kulmeynaa. Ilaahay hayna sabata bixiyo. RIYA MAAHINE WAA RUN! Waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa ayaamaha soo socdaa, sheekooyin dhaba oo aan riya ahayn. Waxaan afkooda ka qoray dadkii qisooyinkaas yaabka lihi soo mareen qaar ka mida. Qisooyinkaanu boqollaal kun oo Soomaaliya ayey ku dheceen, ilaa haddana ku socdaan. Sababtuna waa cuquubada ku dhacday iyo halaagga dalkoodi kasoo sal kiciyey, markey berri amaan tagaanna inta ilaawaan ay ururadii iyo qabyaaladdii iyo hogaamiyayaashii dulliga baday u mash xaradaan sacabkana u tumaan. Waxaan filayaa iney tahay markii u horreysey oo riwaayadda dhabtaa ee TAHRIIBKA & QARDAJEEXA Soomaalida, si tafsiil ah oo maalin maalin ah loo soo bandhigo, haddey qoraalla sidaasii jiraanna anigu aanan arag, laakiin ay dhici karto iney jiraan. Waxaad arki doontaa – inshallaah u – Silica iyo saxariirka Soomaalidu ugu baaba’day meelaha ay ku tahriibaan, haba ugu darnaato Saxaaraha Liibiya iyo Xuduudaha Suudaan? Dadka dhintay side ku dhinteen Waxaan uga gol leeyahay in Soomaalidu ku cibra qaadato, ku waana qaadato. Waa dhambaalla ku socda: DHALINYARADA SOOMAALIYEED: Rag iyo Dumar ee Wadada Tahriibka kusoo jiraa, ama soo hadal hayaa iney dib u fekeraan, dalkooda iyo meelaha ilaahay ku nabad geliyey ku negaadaan, kuna kalsoonaadaan wixii Ilaahay u qoray iney helayaan oo aaney dhaafayn. SIYAASIYIINTA & URURADA: Dalka ku diriraya oo xukunka iyo awoodda ku herdamaya, mid walbaana doonayo keligiis inuu taliyo, cidina la wadaagin, madax tinimo iyo wasiirnimo beena oo aan waxba ka jirin run moodo, iney Ilaahay ka baqaan, aakhira xusuustaan, adduunka waxa ka dhacaya iyo bani aadamku siduu ku noolyahay ku waana qaataan, dalka iyo dadkiisana dabka ka joojiyaan. Iney ogaadaan sida ay hadda ku jiraan si ka fiicani iney jirto, danta guudna lagu gaari karo, danohooda gaarka ahna ay in badan ku gaari karaan, iyagoon habaar iyo taariikh madow kasban. CULIMADA & ODAYAASHA: Iney wacyigelinta, Waanada iyo sama katalinta, dadaal dheeraada ku bixiyaan, gaar ahaanna kooxaha hubka u qaatay talada iney marooqsadaan , inaan waanada iyo wax u sheegga laga deyn, bal in Ilaahay qalbigooda naxariis geliyo, oo ay Ummaddan Muslimkaa ee rafaadsan dhibka ka daayaan. DADWEYNAHA SOOMAALIYEED: Iney Ilaahay u toobad keenaan, Culimada iyo Waaya aragga ummadda wax ka dhegeystaan, talooyinkoodana qaataan, ka waantoobaan taageerada indha la’aanta ah ee ay siinayaan kooxohooda, ururadooda, iyo raga ay qola walbaa caleema saarteen. Daacadda furan oo dhamaystiran waxaa leh oo keliya Ilaahay iyo Rasuulkiisa Calayhi Salaatu Wasalaam. Wixii kasoo haray Shiikh iyo Amiir iyo Madaxba, waxna waa lagu adeecaa, waxna waa laga diidaa.. Haddaynu baranno Dadkeenna iyo Dalkeenna ineynu shurka ku nahay oo taladoodu naga dhexeyso, khayraadkiisuna na deeqaan oo naga badan yihiin, ee inta shaydaanka iska naarno, tartiib nicmada Ilaahay na siiyey u cunno, Rabbina ku shukrino, Haddeynu diinta asaaska aynu ka duuleyno ka dhiganno, cilmiga iyo waaya aragnimadana qiimayno, waxa aynu higsaneynana dhexdeenna si tartiiba ku raadsanno, wax badan ayaa inoo hirgelaya, Ilaahayna Musiibada waa naga qaadayaa siduu Addoomaha Tawbad keena oo tabartooda garta u ballan qaaday. Ilaahow tawfiiqda na waafaji.  W/Q. Muxamad Idris Axmad
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
|
MUSLIMIINTA OO NOQDAY MUSTAQBALKA CAALAMKA(BAADHITAAN) |
|
|
|
|
Friday, 02 July 2010 01:42 |
A  duunyaddu way isbedelaysaa adiguna markhaati ayaad ka tahay waa tan warbixin khaas oo ku saabsan Dadka ku nool Aduunyada si ay Umad Xadaaradoodu u jirto oo ay noolaadaan waxa ay u baahan yihiin 25 sanadoodba in korinka Bulshadaas ay kordhayso ay noqoto 2,11 ilmo ay dhashaan wixii intaa ka yar waxa ay keenaysaa in Umaddaa ay dabar godo hadaba suurta gal maha Taakhriida in Umaad koriinkeedu yahay 1,9 in ay sii jirto, balse hadii ay intaa ka sii yaraatana hadlkeedaba iska daa waayo waxa ay qaadanaysaa 80-100 sano in ay saxdo khaladkeeda mana dhici karto in ay sameeyaan hab dhaqaale oo ay wax ku soo saari karaan dhinaca kale hadii laba nin reer oo Yurub ay guursadaan laba dumara oo reer Yurub waxa ay ka dhalayaan reerkiiba hal caruur ah markaa afartii Qof ee is guursaday waxay dhaleen laba qof ,labadii ay dhaleen markay is guursadeen waxa ay dhaleen hal qof markaa qoladan ilmahoodi ma haysto cid ay Guursato kuwa ka danbeeyana maba jiraan. Hadaba, hadii 2006 Dadkii shaqaynayay ay noqdaa hal milyaan 2026 Dadka shaqaynaa aad ayay isku dhimayaan wayna adag tahay in la helo Dad ku filan Shaqada maadaama taranku yaraanayo taasna waxaa u sabab ah Dhaqanka Dadkaas haystaan Baadhitaan la sameeyay 2007 Nambarka Dumaraka ee nool iyo Caruurta ay dhalayaan waxaa lagu qiyaasay France 1,8 Egland 1.6 Greece1,3 Germany 1,3 Italy 1,2 Spain 1,1 dhanaca kale Yurub oo dhan oo ka kooban 31 Dal waxaa ay noqotay Caruurta u dhalanysaa 1.38 hadaba baadhitaan kale oo la sameeyay ayaa sheegay in ay adag tahay in Yurub sii jirto hadii ay sidaa ku socdaan muddo kooban taas oo sababi karta Yurubta aynu naqaano maanta iyo awoodooda in ay dabar godo oo la waayaba jiritaankeeda, hadab arinta cajiibka ah waxaa weeye dabar go’an ku soo socda Yurub hoos uma dhigin hoos u dhaca Dadka ku nool Yurub sabatu waa maxay waa Dadka ku soo Qaxaya Wadmada kuwaas oo ah Dadka muslimiinta ee ka soo cararaya Wadamadoodii baadhitaan ay sameeyeen 1990 Yurub waxa ogaadeen tirada Dadka ee Yurub in ay kordhayso Sababtun ay tahay Dadka muslimiinta ee u soo Haajiraya Wadamada Yurub kuwaas oo lagu sheegay warbixinta in Dadkaas 90% yihiin Muslimiin. France Reerkasta waxa uu haystaa 1,8 Caruur ah halka muslimiinta ku nool Farans ay haystaa 8,1 caruur ah Qoyskiiba waxaa taa ka sii cajiib badan oo lagu sheegay warbixintan in koonfurta France tahay meesha aduunka ugu Kiniisadan badan taas oo layaab ku dhalisay markii warbixitu sheegtay in Masaajidada laga dhisay ka bateen Kiniisadahii arinta kale ee taa ka yaab badan waxa weeye dhalinyarada Dadoodu tahay 20 ee ku nool halkaa 30% waa dhalinyaro Muslimiin ah magaalooyinka waaweyn sida Marsee ,Nays iyo Paris numbarkaa waxa uu gaadhay 45% hadaba waxaa kalo warbixitu sheegtay 2027 in shantii Qof mid noqon doono Muslim halka ay sheegtay in 39 Sano ka dib France noqon doonto Wadan Muslim . Waxaa iyana mudan in la xuso Dadka muslimiinta ee kunool Wadanka Ingriiska waxaa lagu qiyaasaa 30 sano danbeeyay in ay aad u kordhayaan ka waxa ay ka bilaabmeen 82 000-2.5 Milyan iminka maraya kuwaas oo sodon laabmay , waxaa kaloo ay xustay warbixintaa in 1000 Masjid oo laga dhisaya France badankoodu ay ahaayeen Kiniisado dhinaca kale Wadanka Holand Caruurta dhalanaysa 50% waa Muslim sidaa awgeed 15 Sano ka dib Dadka ku nool Holand kalabadh waxa ay noqonayaan Muslimiin halka Ruushka dadka muslimiinta ee ku nool lagu qiyaaso 23 Milyan shantii Ruush ahba mid ayaa Muslim ah halaka 40% Ciidka Ruuska waa muslim mudo yar oo gaaban, dhinac kale Wadanka Biljamaka 25% Dadka ku nool Biljamka waa muslim sidaa awgeed Caruurta dhalanyasa wadanka Biljabka 50% waa Muslim taas oo Xukuumada Biljam sheegtay in sanadka 2025 sadexdii Caruur ah ee Yurub ahba in mid noqon doono Muslim waa 17 Sano ka dib dhanaca kale Wadanka Jarmalka ayaa si cad u shegay in Dadka Jarmalka oo koritaankoodu yaraanayo awgeed in Muslimiintu seedarayaan ama hareeraynayan sidaad u taaqaan Jarmalka taas oo ay iyagu sheegeen, sidaa awgeed Sanadka 2050 Dawlada Jarmalku waxa ay noqonaysaa Muslim Dadka muslimiinta ah ee ku nool Yurub waxaa lagu qiyasaa 52 Milyan waxa ay sheegtay in cadadkaa muddo labatan sano gudahood ay noqonyaan labanlaab 104 Malyuun dhanac kale Canada Cadadka koriinku waa 1.6 caruur ah halka ay tahay si ay Umaddi u jirto in ay haysto 2,11 caruur ah isku celcelis Islaamku waa Diinta ugu badan ee si qayra caadiya u fidaysa Aduunka,
Canada cadadka korinka waa 1.6 tiradaa 1,2 ka mid ah waa Dadka muslimiinta ee u Haajiray Wadnkaa dhaca kale ,maraykanka korinkiisu waa 1.6 sidaa awgeed marka lagu daro Dadka u haajiray waxa ay maraysaa cadadka koriinka 2.11 hadaba 1970 waxaa joogay Ameerika 100,000 Muslim ah maanta waxaa weeye 9Milyan waqtigii wuu isbedelay sidaa awgeed waxa ay yidhaadeen waa in aan u diyaar garawnaa 30 Sano ka dib waxaa uu noqonayaa Muslimiinta ku nool Ameerika 50 Milyan sidaa awgeed Wadanka aan ku noolahay ma noqon doono kay ku noolanayaan awaw yaasheen Kinisada kataloga waxa aya sheegtay in cadadka Muslimiinta ee korayaa in ay xuduudkii dhaafeen daraasadaa waxa ay sheegtay hadii Muslimku sidaa sii ahaadaa 5-7 sano islaamku waxa uu noqon doonaaa ka Caalamka xukuma aad ayay uga wewersan yihiin xaqiiqdan waxaanay ku dhawaaqayaan in Ameerika arintan dhakhso wax uga qabato. Hadaba akhristow rumayso ama ha rumaysan Diinta islaamku waa diin Caalami ah Aduunkan iyada ayaa xukumaysa uma baahana in qori la qaato Diintan ilaahay ayaa iska leh isaga ayaa wada iyadoo aan cidna lagu qasbin ama qori loo qaadan ayay galysaa meelkasta, Dadkaa reer Yurub ee horu –marka gaadhay hadana kuma faraxsana Nolosha Diin la’aan ayaa haysa,Diin aan Islam ahayn ma keenayso horu-mar iyo deganaansho waa in aan ku dhaqanaa Diinteena,Dadka muslimiinta ee maanta isdilaya Diintii islaamka ayay been ka sheegayaan Sumcad xuna ka bixinayaan Diinta islaamku waa diin nabadeed Dagaalana shaqo kuma laha. WT: Xusen Sulub Jamac |
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
HOOYADU WAA LAMA HURAAN !!! BY: KALTOUM WADANIYA |
|
|
|
|
Monday, 28 June 2010 11:06 |
 Waxaa hubaal ah in hooyadu tahay lama huraan,udub dhexaadka qoyska, macalimad amase madrasadda koowaad ee ilmaha !waxaan la isku hayn in kaalinta, ama doorka hooyadu ay ka ciyaarto qoyska cid ka ciyaartaa aanay jirin,maxay tiraahdaa Soomaalidu guri waa gogol ! Nin Falasdiini ahaa maruu ka hadlayay horumarka dadka muslimiinta ah wuxuu ahaa mid ku hal qabsaday dumarka, isagoo sheegay in horumarka ummaddani ku xiran yahay hadba dumarku dowrka ay ka ciyaaraan horumarka bulshadooda,sidoo kale waqtigii saxaabada dumarku dowr wayn ayay kaga jireen hirgelinta iyo taageerada diinta islaamka!marka hadiiba horumarka ummaddu ku xiran yahay dumarka wax qabadkooda, maxaa is bedeley?ma is waydiinay dumarka Soomaaliyeed hadaan nahay,dhibaatada iyo sharaf xumida inagu habsatay meesha ay ka socoto?xalse ma u raadinay mas’aladan aduunka oo dhan ka fajicisay ,waa colaada Soomaali ee dabada dheeraataye? aduunkanaan ku nool nahay waa mid colaad iyo nabadba lagala kulmo balse waxa la yaab leh waxa Soomaali oo isku dhaqana,isku diina, iskuna af ihi ay isku af garan la’dahay!!!. Dhibaatada Soomaalida haysata tan ugu horaysaa waxay tahay, diintii oo sidii ay ahayd loogu dhaqmi waayay, taasi oo dhalisay in dhiig badani daato, qabiilkiina si khaldan loo adeegsado, iyadoo ilaahay subxaanahu watacaalaa sheegay inuu qabaailka iyo shucuubta u sameeyay in la isku garto,marka hooyooy ilmahaaga maku tarbiyadaysay tarbiyatul islaam mise khalad baa laga faham sanyahay barashada diinta islaamka, cizigeena iyo sharafteenu barashada iyo fahamka diinteena xaniifka ah ayuu ku jiraa,tan labaad waa dhaqankii oo laga faanay Soomaalidii horena iyagoon nasiib u yeelan, wasaa’il badan oo ay ku jaahil baxdo ayay hadana ahaayeen dad dhowrta dhaqankooda iyo hidahooda!!! tan saddexaad waa suugaantii oo la garab maray, suugaantu waxay ahayd udub dhexaadka Soomaalida,hadana suugaantii wax fadhi ku dirir la yiraahdo ayaa bedelay!.tan ugu danbaysa waa dhibaatada dhinaca qoyska!!!waana meelaha ugu daranee la inooga soo dhacay waxaaba dhici karta in labaddii lamaane ee shuraakoobay ,aanay fahamsanayn waxay ku shuraakoobeen kuna fashilmaan shuraakadaa, waa beertii ay wada beereene taasi waxay u horseedaa midhihii beermay inaanay si fiicin u beermin waa ubadkiiye. Dumaroow qayb intee le’eg ayaan ka qaadanay nabadgelyada iyo horumarka wadankeena ,ubadka soo korayase maxaan u diyaarinay,raga fadhiga iyo gacanta ku dirirayase maxaan ku soo kordhinay, ilayn raga wadanka dhinaca kale u rogay inagaa dhalay, la dhalanay ,amase u dhaxnaye, waa in aan dumar hadaan nahay meel dheer wax ka eegno, Soomaalidii labo qaybood u qaybiyoo, waa qurba joogta iyo kuwa dalkooda hooyo jooga! aan qurba joogta ku horeeyee waxaabad moodaa in ragiiba karaamadoodii waayay,waa markii dad shisheeye mas’uuliyadii qoysaskooda qaadeene, anoo ka hadlaya quudinta !qawaamadda ama mas’uuliyada reerkana meel walboo la joogo, ilaahay raga ayuu dusha ka saaray , quudintuna waa tan u horseeday raga in mas’uuliyada reerka dusha iyaga laga saaro!. Idinkaan Soomaalaay idin su’aalee horumarka la gaarayaa waa kee markii dumarkii debeda u baxeen muxrim la’aana intaasoo masaafo gooyeen!shaqadii raga loogu tala galayna iyagu qabteen marka yaa u cida ubadkii ? yaase khaladka leh ma raga mise dumarka? dumarkii waa kuwan ku andacoonaya in dani ku khasabtay intoodii badnayd inay qabtaan howshii inan rag loogu tala galay waa dumarka dhulkooda hooyo joogee waa meeshan meesha sheekadu ka bilaabantay! hooyadu haday ku mashquusho waxaan loogu tala gelin saw wiilkii ay dhashay maskaxda laga xadi maayo?mise xaalku waa wiilku dariiqii aabihii qaaday ayuu isna qaaday! ogsoonoow hooyooy wiilkanaad mas’uulka ka tahay maalinta qiyaamaha in lagu waydiinayo,ogsoonoow aabaha dhiiga daadinayoow fadhi ku dirirka iyo camal la’aantana waqtiga u heloow, in maalinta qiyaamaha reerkan aad masuuliyadooda qaaday lagu waydiin doono!nebigii ayaa sheegay calayhi salaatu wasalaam “qof walbi inuu raaci yahay nin walbina ehelkiisa mas’uul ka yahay” nin walboo cadiimana qof dumaroo cadiimadaa ka danbaysa, sheekaduse haday saan tahay maxaan dumaroow khaladka oo dhan raga dusha uga saarnaa? khaladka waa la wadaagaa kifaayah intaasi dhibaato inoogu filane, sida aan isu dhaano, ilaahayna kaashano, kuna dadaalo inaan jaahil baxno,mise weli waxaa la ictiqaadsan yahay fikradihii khaladka ahaa ee waagii hore! mayee saan ma’ahee cilmiga rag iyo dumarba waaloo siman yahay. Anigoo hadlkaygii soo koobaya ayaan dumaroow idin kula talin lahaa inaan inan rag xilkii ilaahay subxaanuhu watacaalaa dusha ka saaray laga fara maroorin waayo fikradaan qabaa waxay tahay, hadii raga xilkooda loo dayn lahaa inaanay maanta xaalada Soomaaliya halkaa iyo meel u dhow toona gaarteen ! ugu danbayntii dumaroow wanaaga is fara, waayo tani waa mid raad wayn ku reebta qoyska iyo bulshadaba,runtii mawduucan aan ka hadlayaa ma aha midaan dhamayn karee diinta islaamkuna haday tahay mid inoo banaysay xukun inagaaba wadanka xukumi lahayne! Ilayn waatanoo mas’aladii raga waatan xal loo la’yahaye (intanina waa iga kaftane) dumaroow aan bulshadeena wax badan ka bedelo, kuna dadaalno sidii aan u korin lahayn ubad dalkiisa iyo dadkiisaba anfaca. WQ/Kaltoum wadaniya |
|
ARAGTI: WAQTIGA IYO WAAYIHIISA |
|
|
|
|
Thursday, 17 June 2010 23:00 |
|

ARAGTI: WAQTIGA IYO WAAYIHIISA By Siciid Jaamac Xuseen June 17, 2010
"Nolosha bani'aadmiga haddaan u garwaaqsanno inay kacaa-kuf tahay.. haleel iyo hungow tahay.. guul iyo guul-darro tahay.. tisqaad iyo tawaawac tahay.. Intuba way soo mari karaan taariikhdeenna shalay, maanta iyo berriba. Aayaha mar walba lagala kulmo weeyaan kan xilli walba qiimaha gaarka ah u yeelaa." Dadka adduunka maanta ku nool lama arko laba isku diiddan qiimuhuu waqtigu leeyahay. Qofka dhalashadiisa, korriinkiisa, waxbarashadiisa, shaqadiisa, guurkiisa, taranka qoyskiisa iyo dhimashadiisa waqtiga ayaa lagu xisaabaa. Qorshe kasta oo loogu tala-gelayo bulsho horumarkeeda, iyadana xisaab waqti ayaa lagu dejiyaa. Waqtiga marka lagu fasiro inuu xilliga keliya tilmaan u yahay sida saacado..maalmo..bilo..sannado xiriirsan oo iska daba tegaya, waa mid si fudud loo wada garan karo. Waqtigu wuxuu la jaanqaadaa garaaca wadnaha. Socodkiisa lama baacin karo. Lama hakin karo Dib in loo ceshaana waa ruux damcay qorrax duhur joogta in uu iftiinkeeda baabaco ku daboolo. Waqtiga raadkiisu nolosha korkeeda ayuu ka muuqdaa. Wuxuu ku qormaa qofka foolkiisa, geedka jirriddiisa, dhismaha derbiyadiisa, haadka baalashiisa. Da’da cid walba soo marta, meelahaas ayaa laga cabbir qaataa, lagu gartaa facooda. Guud ahaan dhinacaas waa laysku wada raacsan yahay- mutacallin iyo ma-gudbe, dal sabool ah iyo mid hodon ah, dawlad soo koraysa iyo tan ugu awood iyo aqoon weyn dunida. Misna waqtigoo keligi iska daba rogmayaa micne ma yeesheen ee waxa micne iyo qiime u yeelaa waa dadka waxqabadkooda, himiladooda iyo had walba guusha iyo guuldarrada ay geeddigooda kala kulmaan. Taas ayaa keentay in dadku taariikhda saddex xilli u kala saaraan:
Xilli lasoo gudbey (SHALAY) Xilli lagu jiro (MAANTA) Xilli laga dhur sugayo (BERRITO)
Aragtiyo kala duwan ayaa dadku xilliyadaas ku fasiraan. Mawqifyo kala fogna way ka kala taagan yihiin. Aragtiyadaas oo aad u badan, bal aan halkan saddex keliya kusoo qaadanno: Aragtida KowaadWaa midda taageersan xilligii la soo gudbay. Waxay qabtaa in habkii iyo dhaqankii hore lagu dhaqmi jirey wax innaba u dhigmi karaa aysan jirin.. jirina doonin. Aragtidaasi dooddeeda iyo dadaalkeeda waxay saartaa in loo noqdo casrigaas ay ku tilmaanto in uu mid dahab ah ahaa. Aragtida LabaadSi buuxda oo mutuxan ayey tan hore uga soo horjeeddaa. In loo muraaqoodo xilli lasoo gudbey waxay u aragtaa in ay tahay maqaar duugoobey oo lays daba jiidayo. Xilliba xilliguu ka dambeeyo in uu ka wacan yahay ayey ku nuux-nuuxstaa. Aragtidani waxay xigmaddeeda ku ururisaa ‘ Xilli tegey waxba yaan loo hanqal taagin, ee casriga lagu jiro cajabtiisa lagu ashqaraarayaa Yaanay ku seegin. Aragtida SaddexaadLabada horeba way diiddan tahay sida ay xilli goonni ah isugu dhejinayaan. Kala-googoynta iyo kala-qoqobka xilliyada gef weyn bay u aragtaa. Waxay aragtidani la soo taagan tahay in uu xilligu isku-sii-deys taxane ah oo aan kala qaybsamayn yahay. Shalay, maanta, iyo berrito ayaa is wada weydaaran kara, oo midiba tan meesha kale geli kartaa, ilbaxnimada ama dib-u-dhaca ku duugan awgeed. Nolosha baniaadmiga haddaan u garwaaqsanno inay kacaa-kuf tahay.. haleel iyo hungow tahay.. guul iyo guul-darro tahay.. horumar iyo dib-u-gurasho tahay.. tanaad iyo dabar-go’ tahay.. tisqaad iyo tawaawac tahay.. Waaya-aragguna casharka laga kororsado yahay, Intuba way soo mari karaan taariikhdeenna shalay, maanta iyo berriba. Aayaha mar walba lagala kulmo weeyaan kan xilli walba qiimaha gaarka ah u yeelaa. Tilmaan gaaban haddaan soo qaadanno:
Shalay, konton sano ka hor siday Soomaalidu isugu duubnayd.. ummadnimo ku walaalaysnayd.. gumeysi shisheeye meel uga soo wada jeeddey.. midnimadeeda ku dhaadanaysey.. dunidan jaqaafisay u higsanaysey. Maanta siday isu cayrsatay..isu cuntay.. u marin habawday.. qarannimadii u loogtay oo u lumisay. Ma laba isu dhigmaa? Maanta iyo shalay waa iyama?
Haddii si kale loo dhigo:
Xornimadii, dawladnimadii, midnimadii iyo qarannimadii dadka Soomaaliyeed nafta u hurayeen, ma ahayn arrin shalay ku ekayd keliya ee maantana way taagan tahay. Sidoo kale Shalay, toddobaatan sano ka hor, Xaaraama-cune ayaa inna soo maray oo lagu hoobtay.
Maantana isagoo ka sii daran ayuu innagu habsaday..dad iyo duunyoba ku riiqmeen. Berritona laga yaabee, haddaan laga sii tabaabushaysan, in lala kulmo isagoo oodihiisa watta. Iyadoo kooban, Xilli waliba wuxuu wataa in soo-qaadasho leh, iyo in xoorid leh si kasta ha u kala badnaadeene. Hana illaawin weligaa intaad qof ahaan xooridda ku xisaabaysid, cid kalay soo-qaadashada ugu jirtaa e ! Sidaas ayaa saddexda xilli ee xayndaabka adag loo kala samaynayaa ay taariikh ahaan u wada socdaan.. isugu dhafan yihiin.. isu dhafan-dhaafayaan. Mar walba sareedada laga dheefo ama saxariirka laga la kulmaa astaan u ah. Dhugmadaasi waxay inna baraysaa in saddexda xilli qof walba, meel walba, had walba ku wada kulansan yihiin, iyadoo qof kastaaba casharka uu door bido ka xulanayo, una hawlgelayo hirgelintiisa, una hanqal taagayo ka-lib-keenidda himiladiisa . Nolosha baniaadmigu way ka murugsan tahay sida la moodaayo. Si aan marna la malayn karayn ayey isugu moordhaysan tahay. Waqtiguna waa sidoo kale.
Siciid Jaamac Xuseen E-Mail:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
--- Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, waana guddoomiye xigeenka Naadiga Qalinleyda Soomaaliyed. |
|
Sunday, 13 June 2010 22:59 |
Macnaha guurku ma aha midaan erayo ku soo koobi karno, waa mid caam ahaan macno wayn xambaarsan!sidaan wada ognahay guurku waa sunatul xayaat,waa raaxada aduunka,waa furaha nolosha waa mid qofka u horseeda xasilooni, dhowrsanaan kalsooni iyo guud ahaanba horumar nololeed!waa kii nebigu(swc)kula taliyay dhalinta inay guursaadaan hadii ay awoodaan iyadoo akhlaag iyo diin la isku dooranayo.
|
|
Friday, 11 June 2010 00:02 |
 Ruux walba kartidiisa iyo gudaalkiis, karaanka iyo awooda gaar ka ah ee uu Eebe ku manaysto shakhsi kasta, waxa ay midho dhal noqotaa oo loo aayaa marka uu garto ruuxa sidda masuuliyadaasi garto awoodiisa iyo tamarta ku kaydsan ee ubaahan mar’uun in si toos ah loo soo gudbiyo oo banaanka loo soo saaro, garashada shakhsiga awoodiisa iyo jiritaankiisu waxa ay gundhig u tahay ka fekerka aayaha in in ruuxu uu si wayn ufekero iskuna tashado isaga oo aan cid kale hoostagayn ama ka sugayn taakulo, tiirbuuxsi iyo jaale garabsiinba, haddaba maamul madax banaan oo ay ku dabo faylaan bulsho iyo dad habdhaqan iyo hufnaan wanaagsan lihi oo aad loogu ooman yahay maxay tahay sababta hortaagni, “Maakhir State Of Somalia”.? |
|
Wednesday, 09 June 2010 09:48 |
|
 Barni Seed Warfaa aqalkoodu waa ka tuulada oo dhan ugu sumcad xun. Waxaa jirta sumcadxumo la galabsado, tanise waa mid lagu heshiiyey. Waxaa lagu heshiiyey aqalkaas iyo qoyska ku nool in lagu tilmaamo kuwo sumcad xun. Waxaa la yidhaahdaa: “Waxaa ka soo ura saamo iyo subag gorayo.” Waxaa kale oo la yidhaahdaa: “Waxay cunaan oon aan aadamiga kale cunin.” Waxaa kale oo la yidhaahdaa: “Aqalkaas haddii la baadho waxaa laga helayaa ceebo aan caqligu rumaysan karin.”
|
|
Tuesday, 08 June 2010 08:23 |
 Bissmilah, Akhristoow suxufinimo iskuma ogayn, qoraalyahana ma aan ihi, balse waxaan ahay shakhsi dantu ku keliftay inay halkan erayo idiinku soo xariiqdo iyadoo ka damqanaysa qalbadeedana ay taabatay! dhibaatada waqtiga dheer shacabka Soomaaliyeed deriska la ahayd, iyadoo aad moodo inaynaan weli wax casharaba dhibaa tadan inagu habsatay ku qaadan! |
|
Saturday, 05 June 2010 19:14 |
 SHEEKO GAABAN DHOOF: MA WAX LOO DHIGAA JIRA?!! W/Q. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq) MAY 24,2010
Gob baan ahaa, haddana gun baan ahay; geesi baan ahaa, haddana giiryaalaan ahay; cuud baan lahaa, haddana caydh baan ahay; cad quudheedka waan necbaa, haddana caydh baan qaataa; kor baa la ii eegi jiray, haddana hoos baa la ii eegaa; waa la i muunayn jiray, haddana la ima maamuuso; waa la ila tashan jiray, haddana tulud la ima weydiiyo; xor baan ahaa haddana, xabsi baan ku jiraa; waa la ii xammaali jiray, haddana xammaal baan la'ahay; waa la ii joojsan jiray, haddana cidi iima joogsato.
|
|
Saturday, 05 June 2010 08:06 |
 (HAYBAD WAXAAD KU LEEDAHAY DHULKAAGA HOOYO)
Allah ilaahayoow na astureey!oo hadaan sidaa mooda yo maanaaba iman lahaa! waa meel sanadka badhna dadku qaawan yahay badhna dhirtu qaawan tahay,oo dadkii ku noolaa ma noloshanay ku noolaayeen? walee tani nolol ma’ahee waa noloshii daayeerka!!! |
|
Friday, 04 June 2010 18:46 |
|

What should I tell my children about Somalia? In celebration of Mother`s Day By Ifrah A. Ibrahim Sunday, May 9th 2010
There are many events that have altered my life. The one that has had the most significant impact on me is the day I became a mother for the first time. Ever since then, I believe my main role at home and in society has been that of a nurturer and teacher. As a Somali mother living in the West, I feel it is my duty to teach my children about their religion, culture and identity because I want them to feel proud about their ancestry. I have shared with them the many folklore tales I heard as a child such as “Cigaal Shidaad”, “Dhagdheer”, “Araweelo” and “Been Hawaas”. I have recounted to them my many childhood stories and the mischief I would get into with my brothers. However, it has been a terrifying ordeal for me to share and teach them about the events that have plagued Somalia since the breakout of the Civil War. Recently my daughter taught me a tremendous lesson and in the process forced me to revisit my views and principles on what exactly I should tell my children about their homeland Somalia. |
|
Friday, 04 June 2010 12:37 |
 salamu calaykum marka hore, marka xigta waxaan jeclahay inaad ila jaleecdaan maanso runtii micno iyo murti wayn wadata oo ka hadlaysa raga xilkoogii gabay, ee ay hoday bahal jaad la idhaaho iyagooy ahayd inay dalka iyo dadkooga horumarkooga iyo himiladooda ka sheekaayaan ayay hada caleen qadhaadh madhisay cimrigoodii. Waxay kalooy maansadu tusinaysaa raga soomaaliyeed heerka ay marayaan qayrkood. |
|
Monday, 31 May 2010 17:10 |
|
Qore: Sara muslimah Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa kii aanu jirin nebi ka dambeeyaa iyo ahalkiisii iyo asxaabtiisii dhamaan. Intaas ka dib: Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa risaalad aad u muhiim ah, waa sheeka ay ka sheekaynayso gabadh Mareekan ah oo islaamtay muda hada laga joogo 12 sanadood, aniga warqadanu waxay I soo gaadhay iyada oo carabi ku qoran muda hada laga joogo 7 sanadood, intaan aqriyay baan meel ku ilaabay, waxayna qadertu noqotay in ay maalmahan iga soo hor baxdo, marka waxan jeclaystay inaad ila aqridaan sheekadan ay hadhaysay qiirada iyo cibraduhu, oo aad igula noolaataan qader daqiiqada ah. |
|
Friday, 14 May 2010 17:16 |
|
Bulshada Soomaaliyeed muddaba waxay ku socotay waddo loo jeexay oo halkay iyagu u socdeen aan geynayn adduun iyo aakhiro midna, waddadaas oo uuman kale u jeexeen, iyaga qaarkoodna ula kac dadka ugu leexiyeen.
Dad badani waxay xusuusan yihiin waddadii hantiwadaagga cilmiga ku dhisan ee kacaankii 21 oktoobar umadda ku carraabiyey. Waxaa kaloo la xusuusan yahay waddadii Adis ababa ee dadkeena ay u horkeceen kuwii hantiwadaaggaas wax ka hirgaliyey ama ugu yaraan la caano dhamay. Waxaa kaloo aan la illoobi Karin waddadii colaadaha qabiil ee ay bulshada ku wada cagaajiyeen haraagii kacaanka, horjoogayaashii jabhadaha iyo odayadii balaayo ka taliska ahaa. |
|
Wednesday, 05 May 2010 16:19 |
|
Markaad waydiiso niman badan oo guurdoon ah oo soomaaliyeed gabadha uu rabo inuu guursado sifooyinkeeda wuxuu kuugu jawaabayaa, waxaan rabaa gabadh raaliyo ah! Markaad sii su’aasho raaliyo waxay tahay sharaxeeda, qaarbadani waxay ku jawaabaan raaliyo waa raaliyo, qaarbadanna way ku kala fikir duwanaadeen gabadha raaliyada ah sifadeeda. Hadaba raaliyooy yaad tahay.
|
|
Saturday, 01 May 2010 15:50 |
|
salaamu calaykum marka hore, marka xigta anigoo ah yaxye cabdi cali yeebaash waxaan jeclaaday inaan idiin soo tabiyo maanso la magac baxday Waano Saaxiib taaso tafatiraysa,tusaale iyo tilmaana ugu filan ruux kasta oo jecel inuu helo saaxiib sharaf le oo isagana faaido u le mujtamacana faa’ido le kana dardardaaraysa saaxiibtinimada lala yeesho qofka doqoni raacaydaa, waxa ay si qayaxan u cadaynasaa saaxiibtinimadu muhiimada ay leedahay. Waxay soo baxday maansadani sannadii 2008 markaaso aan ala talinayay asxaabtayda mid ka mida waxay tidhi maansadu sida tan:
|
|
Maxaad ku Jeclaatay Heesaha? |
|
|
|
|
Monday, 26 April 2010 14:15 |
|
Inamo iyo Habloba walaalayaal waxaan idin leeyahay si cadaan ah imisa ayaa aduunyo ina dhaafay miyaynaan xaq isku lahayn inaynu waxa isku sheegno si degan oo waxa ku qaadasha leh. Walaalayaal waxaan idinka rajaynayaa in aydana igala bakhaylin akhriska maqaalkan oo aad u hurtaan daqiiqado yar oo wakhtigiina ah, qofka aan karayn imika in uu akhristo ha daabacdo oo mar kale ha akhristo. Walaalayaal kuwa heesaha dhagaysanayow hadaladaydani waxay idinku yeedhayaan rajo hana odhanina waxba kama faa’iidayno haddii aan idinku celceliyo waanada, laakiin si sugan oo lagu kalsoon yahay waxaad u tidhaahdaan daacigu wuxuu yidhaahda qofka Caqliga leh ayaa xaq u leh in wax loo sheego. |
|
Tuesday, 20 April 2010 09:08 |
Assalamu calaykum,dhamaan akhristayaasha sharafta lahoow ,waxaan idinla jeclaaday halkan inaan idiinku soo gudbiyo,maqaal gaaban ,kana hadlaya “shukaansiga Internetka”. Aan ku bilaabo hadalkaygii sidatan :Shukaansiga Internetku waa mid beryahan danbe aad moodo inuu dhalinyarada aad ugu badan yahay ,iyadoo la sheegay in ,in badni dhalinyarada internetka iska guursato,taasi oo aanan koley anigu midha dhalkeeda ka war qabin!!!. Balse waxaan qabaa in internetku yahay “Silaaxu dul xadayn” hadaad si shara u isticmaashana ku diido maayoo waa ahla wasahlan,hadaad xaga khayrka u isticmaashana, iyana waa itafadal kamaan! waqtiguna waa seef hadaadan goyna isagaa ku gooya,marka koley siday aniga ila tahay waa in qofku awalan is waydiiyo shukaansi iyo shukaansi la’aan waxanaad ku sheekaynayso awalan diinta islaamku maxay ka qabtaa,adigase naftaada maxaa dan iyo faa’iido kuugu jira. “Catiid iyo Raqiibna” way shaqaysanayaan mise way hadhaan marka shebekadaha la galo? maya xaaladu saa ma’aha mar walbaba shaqadooda heegan bay u yihiin inagayna ina raaqibayaan,taana aan niyada gelino intaynaan Google iyo Yahoo dhex dabaalan!. |
|
Friday, 02 April 2010 17:01 |
|
Dhagaha Shacabka Soomaali waxaa Daaliyay in Maalin kasta la Maqashiiyo Buunbuunin Xizbi ama Urur Cusub, ayadoo loo Muujiyo in Kooxdan kaliya ay tahay tan Xal ka keeni doonta Dhibaatada Gaamurtay ee Wadanka Soomaliya!!. Waxaa waayihii lasoo Maray Daaliyay Shacabka Soomaali Ururo wata Magacyo tusinaya in ay Wadaniyiin yihiin sida :(Ssdf, Snm, Usc ,Sdm,Sbm) waxaa ka muuqda ururadaas dhamaan in magaca Soomali oo Laatiin ah loo soo gaabiyay Xarafka (S) taasoo Macnaheedu yahay in Xarafkan uu ahaa Mid lagu Beer laxawsanayo Shacabka laguna qarinayay ulajeedooyinka Dhabta ah ee loo aas aasay Jabhadaas amaba Ururadaas. |
|
TAARIIKHAHA MUHIIMKA AH EE SOOMAALIYA IYO DUULAANKA DADKA BEENTA ISU BAHAYSTAY.W/Q:- Eng Shire Cabdisamad Jaamac |
|
|
|
|
Monday, 29 March 2010 09:35 |
Maqaal: : Salaan ka dib waxaan halkaan idiinku soo gudbinayaa taariikh muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii taariikhiga ahaa ee sanadihii 1977-1978 Soomaaliya iyo Itoobiya. Taariikhdaani waxay ku saabsan tahay dagaal ay ummadda Soomaaliyeed u midaysnayd aanna loo kala harin naf iyo maalba.
TAARIIKHAHA MUHIIMKA AH EE SOOMAALIYA IYO DUULAANKA DADKA BEENTA ISU BAHAYSTAY. W/Q:- Eng Shire Cabdisamad Jaamac Ummadda Soomaaliyeed waxay soo martay marxalado badan oo kala duwan iyo dhacdooyin badan oo taariikhi ah. Dhacdooyinkaas taariikhiga ah ayaa waxaa ka mid ah kuwo ummadda Soomaaliyeed baal dahab ah ugu jira oo aan marnaba la hilmaami karin, uuna leeyahay qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, sidaas darteedna ay tahay in uu barto, ilaaliyo islamarkaasna uu sii gudbiyo oo sidii asagaba loo soo gaarsiiyay uu markiisa u gaarsiiyo jiilalka danbe, oo ay lagama maarmaan tahay in ay helaan taariikhdooda oo dhab ah.
Waxaa ayaandarro ah in ay jiraan kooxo isbahaystay oo ay ujeedadoodu tahay in ay khaldaan ama marinhabaabiyaan taariikhda Soomaaliyeed, gaar ahaan taariikhdii dawladdii kacaankii 21 Oktoobar ee ay ciidamadu hoggaaminayeen. Taariikhaha muhiimka ah ee laga beensheegayo ayaa waxaa ka mid ah taariikhdii dagaalkii gobonimodoonka ahaa oo ummadda Soomaaliyeed ay wadajirka ula gashay dalka Itoobiya sanadihii 1977 -1978, lana magac baxay ”Dagaalkii 77”. Dagaalkaas taariikhiga ah oo dhulka Soomaali Galbeed looga xoraynayay gumaystaha Itoobiya oo ay gumaysteyaalkii kale ee reer Yurub hadiyadda u siiyeen xilliyo hore oo kala duwan.
Dagaalkii 77 ma ahayn dagaalkii ugu horeeyay ee dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya ee waxaa jira dagaallo kale oo dhex maray labada qowmiyadood (Soomaaliya iyo Itoobiya) oo ay ka dhexayso colaad soo jireen ah oo ku salaysan diinta, dhulka iyo loolan awoodeedba.
Kooxaha isku bahaystay marin habaabinta taariikhaha muhiimka ah ee ummadda Soomaaliyeed ayaa waxay soo diyaariyeen sheekobaraleey aan sal iyo raad toona lahayn, xaqiiqdana aad uga fog. Kooxahaas ayaa waxay faafinta beentooda haatan u adeegsadaan qaar ka mid ah shabakadaha ama web-site-yada Soomaalida. Waxayse horraantii u samaysteen telefishan maxali ahaa oo la oran jiray RAAD. Ka dib markii uu socon waayay ee uu telefishinkaasi xirmayna waxay u leexdeen oo ay adeegsadaan laanta Afka-Soomaaliga ee idaacadda BBC-da iyo telefishanka Af-Soomaaliga ku hadla ee UNIVERSAL iyo web-site-yadaba. Kooxahaas ayaa sheekobaraleydooda ugu magac daray ”TAARIIKHDA SOOMAALIYA”. Waxaana garwadeen ka ah Wariye Axmed Xasan Cawke iyo Wariye Aadan Nuux Dhuule.
Kooxdaan u guntaday ka beensheegidda iyo marin habaabinta Taariikhda Soomaaliya ayaa taariikhaha ay doonayaan in ay jahawareer ka galiyaan ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah taariikhda dagaalkii 77 kaas oo ay ogyihiin in uu ummadda Soomaaliyeed baal dahab ah ugu jiro. Dagaalkaas gobonimodoonka ahaa oo ay doonayaan in ay ummadda Soomaaliyeed u tusaan in uu ahaa mid khaldanaa oo Soomaalida lagu waxyeelaynayay.
Shakhsiyaadka ay kooxdaani waraysteen ayaa waxaa ka mid ah Gen Maxamed Nuur Galaal iyo Gen Cabdiraxmaan Warsame Cilmi ”Caarre” oo labaduba ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ciidamada Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay dagaalkii Itoobiyaanka lala galay islamarkaasna kala ahaa taliyeyaashii labadii aag ee Jigjiga iyo Dirirdhaba iyo nin sheegtay in uu xilligaas Taliye Urur ahaa, magaciisana ku sheegay in la yiraahdo Caaqil.
Waxay labada nin ee danbe, waa Caarre iyo Caaqile, isku raaceen in askar tira badan oo ka mid ahaa ciidanka Soomaaliya lagu laayay magaalada Jigjiga xilligii uu dagaalku socday. Waxay kale oo sheegeen in dadkaas la laayay ay ahaayeen askartii ciidanka ugu wanaagsanayd oo ayaga madaxda ahaa lagu amray in ay ciidanka ka soo dhex xulaan, si loo dallacsiiyo, markii ay soo xuleenna lagu xasuuqay magaalada Jigjiga. Laakiin waxay isku khilaafeen in Gen Caarre uu yiri ”Madaxdii ciidamada iyo madaxdii dalka ayaa amarkaas bixiyay, aniga ayaana aagga Taliye ka ahaa.”, halka Caaqilna uu sheegayo in uu aagga Taliye ka ahaa Col Maxamuud Sheekh Cismaan ”Cirro”, amarka askarta lagu laayayna uu asagu bixiyay.
General Galaal iyo General Caarre
Labada nin ee horana, waa Gen Galaal iyo Gen Caarre ee, waxay isku raaceen in ujeedada dagaalku ay ahayd in ciidanka Soomaaliyeed lagu burburiyo ayaguna ay dawladdii uga digeen in dagaalka la qaado.
wariye Cawke
Haddaba waxaa la yaab leh in wariye Cawke uusan raggaan wax su’aal ah ka weydiin meelaha ay isku khilaafsan yihiin, si loo ogaado midkooda saxan iyo kan khaldan. Sidoo kale arrinta ku saabsan ragga la laayay kama aysan waraysan madaxdii ciidamada ee la dhigga ahaa Galaal iyo Caarre iyo kuwii ka sareeyay midna. Taas oo noo caddaynaysa in aan xaqiiqo doon la ahayn ee ujeeddooyin gaar ahi jiraan.
Ka dib markii aan ogaannay in duulaan lagu yahay taariikhda ummadda Soomaaliyeed oo koox yari ay iminka doonyso in ay qulub iyo jahowareer galiso taariikho ummadda Soomaaliyeed muhiim u ah ayaa waxaan go’aansannay in aan baaritaan ku samayno qaar ka mid ah taariikhaha la marin habaabinayo oo ay ugu horayso taariikda dagaalkii 77. Haddaba waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa dhacdooyin iyo arimo muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee akhris wanaagsan.
Xilkii Gen Caarre ?
Xilkii Gen Caarre ee xilligii uu dagaalku Socday: Gen Cabdiraxmaan Caarre wuxuu xilligii uu dagaalku socday ahaa Taliyihii Aagga Jigjiga ee ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Halkaas oo ah halka lagu laayay ciidkanka ay leeyihiin dalacsiin ayaa loo soo ururiyay, ka dibna waa la laayay.
Taliye Ku Xigeenkii Aagga Jigjiga: Abbaanduulihii Aagga Jigjiga ee xilligii dagaalka ayaa waxaa ahaa Gen Axmed Warsame oo haddana wali nool. Yaa amri karay Gen Cabdiraxmaan Caarre:
1) Wasiirkii Gaashaandhigga M Gen Maxamed Cali Samatar
2) Abbaanduulihii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Maxamuud Geelle Yuusuf
3) Taliyihii Aagga Woqooyi Gen Yuusuf Axmed Salxaan.
4) Abbaanduulihii Aagga Woqooyi Gen Cabdullahi Cali *****ar
Masuuliyadd Darro iyo Waajibaad ka Carar:
Gen Caarre wuxuu sheegay in madaxdii ciidamada iyo kuwii dalka ay ku amreen in uu ragga ciidanka ugu fiican ay soo ururiyaan si loo dalacsiiyo, ka dibna la laayay. Arrintaan waxay dhalinaysaa su’aalo waaweyn oo ay tahay in jawaab rasmi ah loo helo, laakiin aan Caarre la weyndiin oo uu Cawke iska baal maray. Su’aalahaas ayaa waxaa ka mid ah:
1. Maxay tahay sababta raggii dallacaadda mutaystay loo laynayo? Maxaa kalifay in ragga la dalacsiinayo furintii laga soo saaro? Sida caadiga ah ciidanka ama askarta waxaa la dalacsiiyaa ayagoo xeryahooda jooga, goob kasta oo ha ku sugnaadee. Waligeed wax nimankaan ka hor sheegaya dadka la dalacsiinayo ha la isu soo ururiyo lama maqal. Sidee nin Gen ciidan ah arrintaas shir ula yimid? Askarta marka la dalacsiinayo, ma in furinta la soo banneeyaa, waliba kuwii askarta ugu fiicnaa?
Marka la eego sida arrinta uu sheegay gen ruug caddaaga ahi u khilaafsan tahay ama uga hor imaanayso xeerka ciidanka iyo caqliga wanaagsan ayaa waxay caddaynaysaa in waxa uu generalku sheegay ay tahay been la soo diyaariyay oo xaqiiqada aad uga fog. Taas oo gef iyo xadgudub ku ah garashada dhagaystaha.
2. Sidee Gen Caarre u yeelay amar khaldan oo ah in uu 84 askari oo kuwii ciidankiisa ugu fiicnaa ah inta soo xulo uu haddana sabab la’aan u laayo? Haddii uu amarkaas qaatay ciddii doontaaba ha siisee soo danbiile cad ma aha? Marmarsiinyo ma u noqonaysaa madaxdii ciidanka iyo dalka ayaa amar igu siiyay? Miyuusan ahayn General masuul ka ah oo leh damiir iyo garasho uu wixii khaldan ama xun uu ku diido, xitaa haddii uu naftiisa ku waayayo? Mise arrinta ayaa sidaas ka duwanayd oo Gen-ka ayaa hadda u bareeray been iyo hagardaamaynta taariikhda ummadda Soomaaliyeed?
3. Maadaama uusan Gen Caarre Caddayn cidda uu amarka ka helay isla markaasna uu yahay madaxdii ciidanka iyo kuwii dalkaba wixii khalad ah oo dhacay asagu miyuusan ugu horrayn masuuladdeeda? Masuuliyadda uu hayay awgeed soo ma ahan sababta hadda wax loo weydiinayo? Haddii uusan xillkaas iyo darajadii qaranku siiyay lahayn miyaa maanta cidi wax weydiin lahayd?
4. BBC-da iyo wariye Axmed Xasan Cawke maxay ula xiriiri waayeen Abbaanduulihii Aagga Jigjiga Gen Axmed warsame iyo madaxdii kale oo markaas si toos ah amar u siin kartay Gen Caarre, kuwaas oo aan kor ku soo xusnay, kulligoodna jooga, si ay u xaqiijiyaan waxa uu sheegayo iyo waxa ka jira? Mise intaas inuu yiraahdo oo kaliya ayaaba qorshuhu ahaa?
5. Waxaa jiray Aagag kale oo ay ciidamadii Xoogga Dalku ka dagaalamayeen, Waqooyi oo kaliya ayaa waxaa ka jiray Saddex(3) Aag. Maxaa haddii ciidanka la iska xasuuqayay Aagagga kalena askarta loogu layn waayay? Sidoo kale BBC-du su’aashaan muhiimka ah Caarre iyo Caaqil midna ma aysan weydiin!! Sababtu waa maxay?
Col: Cirro iyo beenta uu sheegay ”Caaqil” oo sheegtay inuu taliye urur ahaa. Col Cirro, wuxuu xilligii dagaalka ahaa Madaxii Taakulada ee aagga Waqooyi. Fadhidhigiisuna wuxuu ahaa magaalada Hargaysa. Taliye aagna waligiis ma noqon. Waxaa kale oo aan kor ku soo sheegnay Madaxdii Ciidankii Xoogga Dalka ee xilligaas amar siin kartay Taliyihii Aagga Jigjiga Gen Cabdiraxmaan Caarre iyo xilalkii ay madaxdaasi kale hayeen. Madaxdaas oo uusan Col Cirro ka mid ma ahayn. Arrimahaan ayaa kuligood caddeynaya in Caaqil uu BEEN HAWAAS yahay, taariikhdana uu ka been sheegay, ummadda Soomaaliyeedna meel uga dhacay. Waxaa kale oo aan la rumaysan karin in uu Caaqil ka mid ahaa ciidamadii xoogga ee aagga Jigjiga maadaama uusan kala aqoon xilalkii Gen Caarre iyo Col Cirro.
Ma Taliye urur aan aqoon Taliyihiisii Aagga ayaan war iyo Taariikh Soomaaliyeed ka dhagaysanaynaa?
Waxaas oo khalad iyo gefaf ah dan uma uusan galin wariye Cawke, taas oo ayaduna caddaynaysa in sheeko baraleydaan danno gaar ah laga lahaa oo aan taariikhda Soomaaliyeed iyo Soomaali midna loogu danaynay.
Haddaba miyaysan dhab ahayn in ay jirto koox isku bahaysatay ka beensheegidda iyo marin habaabinta Taariikhda ummadda Soomaaliyeed? Taariikhda dhabta ah miyaase koox yari khaldi kartaa?
Ujeedadii Dagaalkii 77:
Labada General, waa Gen Galaal iyo Gen Caarree, waxay isku raaceen in ujeedada dagaalku ahayd in ciidankii Soomaaliyeed lagu burburiyo ayaguna ay dawladdii uga digeen in dagaalkaas la qaado.
Go’aankii dagaalka lagu galay waxaa ansixiyay goleyaashii distuuriga ahaa ee dalka sida (Golihii Wasiirrada, Golihii dhexe iyo golihii shacabka) taasna waxaa horay u caddeeyay Cabdiqaasim Salaad Xasan, *****ar Salaad Cilmi iyo Cabdullaahi Maxamuud Xasan, kuwaas oo waraysiyadoodii BBC-da una duuban yahay horayna looga soo daayay.
Xukuumaddii kacaanka ee uu hogaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxay ahayd mid jiritaankeeda uu sal u ahaa ciidankii xoogga dalka. Waxayna bilow ilaa dhammaadkeedii ku tiirsanayd awoodda ciidamada qalabka sida oo ay markii horeba xukunka kula wareegtay. Caarre iyo Galaal waxay sheegeen in ujeeddada dagaalku ay ahayd in lagu burburiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Haddaba akhristow, arrintaas run ma loo qaadan karaa? Waxaa isweydiin leh xukuumaddu maxay isku halaynaysay haddii ay burburiso ciidankii XDS (Xoogga Dalka Soomaaliyeed) oo jiritaankeedaba salka u ahaa? Soo wax lala yaabo ma ahan in rag Generallo ah ay waxaas ku sheekeeyaan!!!
Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre asaga oo 18 sano jira ayuu ciidan noqday. Wuxuuna ku gaaray ilaa heer uu madaxweyne uga noqdo dalka Soomaaliya. Waxaa kale oo la wada og yahay in Maxamed Siyaad Barre uu ahaa ninkii dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed islamarkaasna uu gaarsiiyay horumarka iyo magaca uu ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaaray. Taasina waxay muujinaysaa in ujeedada dagaalkii 77 aysan sinaba u noqon karin in lagu burburiyo ciidamadii Soomaaliyeed balse ay ahayd oo kali ah in gumaysiga laga xoreeyo dhulka iyo dadka Soomaali Galbeed. Haddiise tooda loo raaco; Marka ciidanku burburo M S Barre muxu isku halaynayay? Muxuuse ka helayay burburka ciidanka Soomaaliyeed?
Sidaas darteed ayaa labada General aysan uga run sheegin ujeedadii dagaalka iyo taariikhda Soomaaliyeedba. Danta gaarka ah oo ay arrintaas ka leeyihiin ayaga iyo wariyeyaasha soo xushayba ayaa ah kala qaybinta iyo kala goynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Hase ahaatee taariikhdu waa mid sugan oo an la marin habaabin karin qof kasta oo xaqiiqo doon ahna uu heli karo xog ogaal daacad ah oo wixii la soo maray ka runsheegaya. Fashilaaddii Galaal Ee Dirirdha Iyo Xilligii Dagaalkii 77: Marka laga hadlayo Taariikhda dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya ee sanadihii 1977 – 1978 ayaa waxaa jira dhacdooyin badan oo taariikhi ah oo aan aad looga hadlin, kuwo kale oo badanna si ku talogal ah looga been sheego, sida dhacdada Jigjiga oo aan kor uga soo hadalnay oo ka mid ah taariikhaha aad loo marin habaabinayo.
Dagaalkii ay Soomaalidu la gashay Itoobiya ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu xoreeyo dhulka Soomaali Galbeed. Dhulka Soomaalida ee maqan oo dagaalka loo galay ayaa waxay xudduuddiisu ku eg tahay magaalada Hawaash.
Haddaba waxaa la wada og yahay in Soomaalidu ay yoolkeedii dagaalka gaartay ayna gacanta ku dhigtay inta badan dhulkeedii maqnaa. Waxaana goobihii ugu danbeeyay ee la qabsaday ka mid ahaa magaalo madaxda labaad ee Itoobiya ee Dirirdhabe.
Dagaalku kama socon oo kali ah furimaha ay ciidamadu isku arkayeen ee waxaa sidoo kale barbar socday dagaal kale oo dhanka siyaasadda caalamiga ah. Loolankaas dhanka siyaasadda ah ayaa waxaa ka mid ahaa hesiish ama qorshe dhexdhexaadin ahaa oo ay garwadeen ka ahayd dawladdii Midowgii Soviet. Heshiiskaas oo ku saabsanaa in Soomaalida dhulkeeda ay dib u qabsatay loo ogolaado, soohdintana dib loo xarriiqo, sidaasna heshiis lagu galo dagaalkana lagu soo afmeero. Arrintaasna Itoobiya wax badan kama aysan qabin, maadaama dagaalkii looga adkaaday ayna si aad ah u qab jabtay.
Ciidankii Soomaalida ee gacanta ku dhigay magaalo madaxda labaad ee Itoobiya ayaa waxaa hoggaaminayay Gen Maxamed Nuur Galaal oo ahaa Taliyaha Aagga Dirirdhaba.
Dagaallo aad u kharaar oo in muddo ah socday ayaa labada ciidan ku dhex maray nawaaxiga Dirirdhaba, waxaana Gen Galaal ku adkaatay in uu magaaladaas qabsado. Arrintaas darteed ayaa AUN Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u tagay goobtii dagaalka ee Aagga Dirirdhabe, sida uu sheegtay gen Galaal, si xal loogu helo caqabadihii hortaagnaa Gen Galaal iyo ciidankiisii.
General Galaal iyo Ilaahay ha u naxariistii M/X Maxamed siyaad Barre
Gen Galaal ayaa wuxuu sheegay in uu Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u soo jeediyay in ciidamadii Aagga Baali ee dhinaca koofur galbeed, Taliye Aagna uu u ahaa Col Cabdullahi Yusuf, la soo dhaqaajiyo oo Itoobiyaanka dhinacaas laga soo cadaadiyo si uu culaysku uga yaraado ciidanka galaal ee Aagga Dirirdhabe, sidaasna magaalada lagu qabto. Gen Galaal ayaa wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Maxamed Siyaad uu ugu jawaabay “Ma waxaad doonaysaa in cid aan aniga ahayn loogu yeero Guulwade?”, taladiina wuu iga diiday ayuu yiri Gen Galaal.
Dhawr qodob oo kala duwan ayaa waxay muujinayaan in hadalka Gen Galaal uusan run ahayn, waxaana qodobadaas ka mid ah:
1. Waraysi uu Col Cabdullahi Yusuf telefishanka Universal, siiyay sanadkii hore ee 2009-ka wuxuu ku caddeeyay in Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre uu amar ku siiyay in ciidamadii koofur galbeed ee Aagga Baali oo uu hoggaaminayay Col Cabdullahi Yusuf uu soo dhaqaajiyo oo uu qaado waddo uu Maxamed Siyaad horay u maray wakhtigii uu askarta Ingriiska ka tirsanaa oo uu tilmaanteeda iyo meelaha ay martaba si fiican ugu sheegay. Arrintaas uu sheegay Col Cabdullahi Yusuf waxay beeninaysaa in Maxamed Siyaad uu Gen Galaal ka diiday in ciidamadii Aagga Baali la soo dhaqaajiyo. “Waa haddiiba uu taladaas soo jeediyaye?!”
2. Maxay tahay sababta uu Maxamed Siyaad Galaal ugu sheegayo waxa asaga calooshiisa ku jira? Muxuuse ka faa’iidayaa in uu yiraahdo “Ma waxaad rabtaa in Maxamed aan aniga ahayn loogu yeero Guulwade?”. Dadka Soomaaliyeed oo Maxamed Siyaad yaqaanna Galaal oo kaliya ma ahan, waxaana la isku raacsan yahay in madaxweyne Maxamed Siyaad uu ahaa nin aad u caqli badnaa, waayo aragna ahaa. Hadalladaas raqiiska ah oo kalena aysan ka suuroobin ee ay tahay yihiin been abuur uu Galaal sameeyay, asaga oo isku dayaya in uu ka baxsado ceebtii, fashilkii iyo khasaarihii dagaalkii Dirirdhabe ee uu Soomaalida uga soo jiiday (Hoos ka akhri fadeexaddaas) .
3. Markii ciidamadii Soomaalidu ugu danbayntii ay gacanta gu dhigeen magaalo madaxdii labaad ee Itoobiya ee Dirirdhabe ayaa waxay ahay wakhti galab ah oo ay qorraxdu sii dhacaysay. Ciidankii Gaaska Sagaalaad ee Itoobiyaanka oo dagaalkii looga awood roonaaday ayaa xoogaa ka hor kolonyo u galay dhanka wadada Adis Ababa magaalo madaxdii labaadna isga huleelay. Markii ay ciidamada Soomaalidu muddo saacad ka ayar ay magaaladii haysteen, wax ciidan Itoobiyaan ah iyo wax dagaal ah oo markaas ku socdaana uusan jirin ayaa Gen Maxamed Nuur Galaal ciidamadii ku amray in ay dib u soo noqdaan.
Dib u celintii ciidamada ee Galaal ayaa waxaa ka war helay ciidamaddii Itoobiyaanka ee baqaha sii ahaa. Ka dibna ciidankoodii baqada ahaa ayay inta joojiyeen oo dib isugu soo abaabuleen ayay magaaladii oo cidla ah dib ugu soo noqdeen, dibna u qabsadeen.
Markii Gen Galaal la weydiiyay sababta kaliftay in uu amarkaas biyo ayaa wuxuu ku andacooday in rasaasta, shidaalka iyo raashinkii ciidankuba ay ka sii dhamaanayeen oo uu sugi waayay taakulo habeennimadiiba soo gaari lahayd!!!
Waxaa wax aad loola yaabo ah in ninka magaalo madaxdii labaad ee dal dhan qabsaday uu shidaal iyo raashin baan waayay yiraahdo! Aaway saadkii ciidamadii dagaalka looga adkaaday ee magaalada laga qabsaday oo isugu jiray Rasaas, hub, shidaal iyo raashinba. Magaalada caasimadda labaad ah Galaal ma ka waayay Shidaal iyo Raashin uu taakuladiisa ku sii gaaro ama uu ku sii sugo? Mase sugu waayay taakulada soo gaari lahayd saacado gudahood?
Saraakiisha aan waraystay qaarkood waxay i sheegeen in Gen Galaal aad loogu tuunsanaa in uu dagaalkii 77 ka horba ahaa basaas oo uu Itoobiyaanka la shaqayn jiray. Taas oo aad loo rumaysan karo marka la eego sida uu dagaalka u fashiliyay iyo xiriirka aan qarsoodiga ahayn ee haddeer Itoobiya la leeyahay asagoo sheeganaya in uu ka mid yahay culumaa'u diinka Ahlu.
Fadeexaddaas uu Galaal sameeyay waxay keentay in aan magaaladii Dirirdhabe dib danbe loo qabsan iyo niyad jab xoog leh oo ciidankii Soomaalida ku yimid. Hase ahaate xaaladdii markaas jirtay awgeed ayay dawladdii kacaanku door bidday in aan Gen Galaal la horkeenin maxkamaddii Ciidamada qalabka sida oo ay hubaal ahayd in ay dil toogasho ah ku ridi lahayd, haddii la hor keeno.
Markaas ayaana Galaal laga dhex saaray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu wareejiyay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed. Guuldarradii Dirirdhabe waxay sidoo kale fashilisay dagaalkii dhanka siyaasadda iyo dhedhexaadintii uu Soviet-ku waday oo ahayd in Soomaalida dhulkeedii loo saxiixo. Iyo in ciidamadii Itoobiyaanku ay markii ugu horaysay dhiiranaan iyo niyad dagaal la yimaadaan.
Waxay saraakiil xog ogaal ahaa ii sheegeen in AUN Madaxweyne Maxamed Siyaad uu aad u dhibsan jiray in meel uu joogo lagu soo qaado magaca Galaal oo uu hubay in uu wadanka khiyaamay, ciidankana dagaalka ku dhabar jabiyay.
Waxaa hubaal ah in Gen Galaal uusan arrintaas moogayn sidaas darteedna uu geed dheer iyo mid gaabanba u galayo sidii uu u kharibi lahaa taariikhdii dagaalkii 77-kii iyo tii dawladdii kacaankaba si uu uga galgasho taariikh-xumada uu dagaalkaas ku kasbaday iyo guuldarradii iyo dhabarjabbkii uu u soo jiiday ummadda Soomaaliyeed oo dhan. Waxaa kale oo la wada ogyahay in Gen Galaal uu si foolxun uga qaybqaatay dagaalladii qabiilka oo lagu xasuuqay dad badan oo aan waxba galabsan. Waxaana jira ragg masuuliyiin Soomaaliyeed ahaa oo uu asagu amray in la laayo, kuwaas oo uu ka mid ahaa Prof Abyan iyo rag kale oo mucaarad ku ahaa dawladdii kacaanka.
Haddaba Akhristow Gen Maxamed Nuur Galaal ma mudan yahay in laga waraysto taariikh ay leedahay ummadda Soomaaliyeed?
Maxay ahayd Sababtii Magaalada JigJiga Ciidanka Loogu Laayay Xilligii Dagaalkii 77? Markii aan samaynay baaritaan ku saabsan in ay jiraan ragg ciidan ahaa oo lagu laayay magaalada Jigjiga xilligii uu socday dagaalkii 77 iyo sababtii kaliftay in ayadoo dagaal lagu jiro la laayo ciidan ay dadka qaarkii ku sheegayaan inay ahaayeen raggii ciidamada ugu qiimaha badnaa oo la yiri waa la dallacsiinayaa ayaa waxaan rag kala duwan oo ka mid ahaa ciidamadii xilligaas ju sugnaa magaalada Jigjiga iyo kuwo kale oo xog ogaal ahaaba ay noo sheegeen in raggaas la toogtay oo ciidanka ka mid ahaa lagu toogtay si sharci ah, islamarkaasna ay xukuntay Maxkamaddii Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed.
Sababtu Maxay Ahayd? Waxaa jirtay in markii ay ciidamadii Soomaalidu qabsadeen magaalada Jigjiga oo ay ciidamadii cadowguna aysan fogayn ee la isku hayay goobihii uu dagaalku ka socday oo markaas ahaa buurta Kaaraamardha oo magaalada Jigjiga dusheeda ah.
Waxaa dhacday in tiro aad u badan oo ka mid ahaa ciidankii Soomaalidu ay ka soo baxsan jireen furinta oo ay ayaga oo hubkoodii wata dharkii ciidankana qaba magaalada ku soo laaban jireen. Ciidamadaas oo aad u tirobadnaa ayaa magaaladii aad u wareeriyay dhibaatooyin bandanna ka gaystay. Waxaa adkaatay in ciidankaas magaalada laga saaro oo lagu celiyo colalkoodii oo ay ka qayb qaataan jihaadkii lagu jiray. Dhaqanxumo baahsan oo isugu jirtay, dil, kufsi, khamro iyo sakhraan, dhac iyo qaar kaloo bandanna, si joogto ah ayay magaalada dhexdeeda uga samayn jireen. Waxaana faraha ka baxay sugitaankii ammaanka iyo xasilloonidii magaalada oo uu markaas ka jiray maamul goboleed Soomaaliyeed, calankii Soomaaliyana uu ka surnaa.
Ayadoo ay aad u adkaatay xal u heliddii ciidamadaas furinta ka soo goosanayay oo magaalada dib ugu soo noqonayay, ayaa waxaa Jigjiga yimid Sarreeye Guud(SG) Maxamed Cali Samatar oo markaas ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo madax kale oo gaashaandhigga ka socday.
Markii uu SG Maxamed Cali Samatar arkay sida ay xaaladdu u qasan tahay warbixinta Aaggana uu Gen Caarre iyo saraakiishii kale ee Aagga ka qaatay ayuu Makamaddii Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed oo ay markaas xarunteedu Afisiyooni ahayd ku amray in ay si deg deg ah Jigjiga u timaaddo, si sharci ahna wax uga qabato mashaakilkii maarada loo waayay ee ka aloosnaa magaalada Jigjiga.
Maxkamaddii Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed oo Guddoomiye iyo Xeer Illaliyaba lahayd ayaa maalmo ka dib soo gaartay magaaladii Jigjiga oo uu qasku ka taagnaa.
Markaas ayaa baabuur ay cod-baahiyeyaal waaweyni saranyihiin magaalada lagula wareegay , labo maalmood oo isku xigta ayaana ciidamadii magaalada ku jiray loo sheegayay in ay magaalada ka baxaan oo ay ku noqdaan ciidamadii ay ka tirsanaayeen. Waxaa ciidamadii magaalada ku jiray loo qabtay muddo labo maalmood ah in ay magaalada uga baxaan, qofkii muddadaas labada maalmood ah uga bixi waaya magaaladana la soo hortaagi doono maxkadda ciidamada ee xilliga dagaalka oo markaas magaalada joogtay.
Ciidamo aad u badan ayaa muddadii labada maalmood ahayd ee loo qabtay uga baxay magaaladii, waxaana loo diyaariyay ciidamo iyo saraakiil ciidamadaas gaarsiiya colalkii ay ka tirsanaayeen oo ku urursanaa xeradii la dhihi jiray Birgade-ka.
Maalintii saddexaad ayaa kuwii aan amarka raacin ee aan magaalada ka bixin la isu soo ururiyay oo maxkamaddii dagaalka la soo hor taagay. Maxkamaddiina waxay dhammaantood ku xukuntay dil toogasho ah ayadoo loo cuskaday “Xeerka dagaalka iyo Ammar diido goob dagaal”. Sidaas ayaana raggaas lagu toogtay.
Wasiirkii Gaashaandhiggu wali wuxuu ku sugnaa magaalada Jigjiga marka ay maxkamaddu xukunka ridaysay iyo markii xukunka la fulinayayba.
Ujeeddada xukunka iyo fulintiisa ayaa ahayd: 1. In la ilaaliyo xuquuqda dadka iyo magaalooyinkii ay Soomaalidu qabsatay oo muddo badan gumaysi ku jiray Soomaalidana aad ugu faraxsanaa imaanshahooda, soona dhaweeyay.
2. In nidaamka, kala danbaynta iyo anshaxa ciidamadu aysan lumin. Taas oo haddii ay dhacdo uu ciidankuna burburi lahaa dagaalkana lagu jabi lahaa. 3. Iyo qodobka ugu muhiimsan oo ahaa in ciidamadu aysan furinta soo bannayn oo kuligood magaalada isku soo shubin. Taas oo haddii ay dhacdo ay dhiman lahaayeen kumannaan ciidankii Soomaalida ah.
Ragg saraakiil XDS ahaa oo kala duwan oo arrintaan aad xog ogaal ugu ah ayaa waxay ii sheegeen in xukunkaasi uu aad wax u taray, markaas ka dibna ay joogsadeen ciidamadii furinta ka soo baxsanayay, islamarkaasna ay dib u soo noqotay kala danbayntii iyo anshaxii ciidanka lagama maarmaanka u ahaa.
Maxkamaddii Ciidamada Qalabka Sida Ee Xukunka Ridday Iyo Xubnihii Ugu Sareeyay.
Col Cismaan Maye Gudoomiye Col Yuusuf Muuse Xeer Ilaaliye
Gunaanad:
Waxaan oran lahayn maadaama taariikhda gobonimodoonka Soomaaliyeed ay tahay mid ka dhaxaysa dhammaan ummadda Soomaaliyeed islamarkaasna uu halgankii yahay mid wali socda, soconna doona ilaa laga xoreeyo dhulka Soomaali Galbeed ay lagama maarmaan tahay in cid kasta oo arrimaha dagaalkii taariikhiga ahaa ee 77 u dhuun daloosha, xog ogaal ka ah amaba ka qayb qaadatay ay ka qayb gasho ka run sheegidda arrintaan lagu marin habaabinayo taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Taas oo haddii la waayo ay dhici karto in la khaldo jiilalka danbe ee aan ayagu waxba kala socon taariikhahaas muhiimka ah, taas oo noqonaysa dhagar iyo dulmi aan jiilalka danbe ka galayno, ayaguna ay nagu haaraami doonaan.
Dardaaran:
Akhristeyaasha, Aqoonyahanka, xog-ogaalka iyo madaxdii qarankii Soomaaliyeedba waxaan u soo jeedinaynaa in ay gil-gishaan, una istaagaan sidii loo soo gudbin lahaa taariikhaha dhabta ah oo ay ummadda Soomaaliyeed leedahay.
Barnaamijkaani waa qaybtii ugu horaysay ee barnaamij taxane ah oo aan ku eegi doonno qaybo ka mid ah taariikhaha Soomaaliya iyo waxyaabo warbaahinta laga siidaayay oo mudan in la xaqiijiyo. Haddii aad haysto wax faahfaahin ah oo ku saabsan arrimaha aan uga hadalnay qormadaan iyo wixii su’aal ama fikrad ah fadlan noogu soo hagaaji E-mail-ka ah
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
.
Eng Shire Cabdisamad Jaamac
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
25/03/2010
Tixraac (Referance) Saraakiil Sare XDS ka mid ahaa iyo waraysiyo BBC, Universal TV. - S G Maxamed Cali Samatar (Wasiirkii Gaashaandhigga ee xilligii Dagaalka) - Gen Maxamuud Geelle Yuusuf (Abbaanduulihii XDS ee xilligii dagaalka) - Dr Cabdulqaasim Salaad Xasan (Go’aankii dagaalka ee Golihii Wasiirrada, Golihii Dhexe iyo Golihii Shacbiga) - Lanta Afka Soomaaliga ee BBC-da (Waraysiyo kala duwan oo ay ku jiraan kuwa Caarre, Galaal) - Gen Axmed Warsame (Abbaanduulihii Agga Jigjiga ee xilligii dagaalka) -Gen Cabdinaasir Xaaji Xaashi(Aagga Dirirdhabe iyo dagaalkii 77) - Col Cabdicasiis Sh. Maxamuud (Xog ogaal Aagga Jigjiga iyo dagaalkii 77) - Col Cabdi Cismaan Nuur (Xog ogaal Aagga Jigjiga iyo dagaalkii 77) - Universal TV (Waraysiga Col Cabdullahi Yusuf) | | |
|
Wednesday, 17 March 2010 17:29 |
 Walaalayaal kulanti wacan oo wanaagsan, waxa mahad mudan ilaaha ina abuuray ee inaga abuuray abuuris tii ugu wacnayd, inana siiyey nimcooyin aad u fara badan . Waxaan jecelahay inaan ka hadlo, waa maxay cafimaadka ay u baahantahay hooyada uurka lehi, iyo ilmaheeduba? hadii ilaahay inagu simo, way badanyihiiin cafiamadka ay u baahantahay hooyada uurka lehi, balse waxaan wax ka taataaban doonaa waxyaabaha aan isleeyahay aadbay u muhiim yihiin waxaanan u kala qaybqaybin doonaa qaybo kala duwan. Waana kuwan! |
|
Thursday, 11 March 2010 16:25 |
|
 Waxaa soo diyaariyey Prof. Yuusuf Xirsi Axmed Bare Sare ee Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Hormuud hore ee kulliyaddaas iyo Xubin Guddiga Af-soomaaliga Islamabad, Pakistan 2002 |
|
Friday, 05 March 2010 17:33 |
|
Establish Shiite Empire On 24 February, a forum participant posted to a jihadist website an article written by Rida Jawad al-Wa`ili, in which the writer gives a list of 36 Shiite religious authorities who he says “agreed on the occupation and division of Iraq, and the killing of Arabs there.” He says they agreed to “secret clauses,” and gives a list of goals already achieved in this plan.
|
|
Friday, 05 March 2010 17:16 |
|
Hordhac Tan iyo intii ay bur burtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa kasoo wareegatay kudhawaad 20 sano, oo ay bulshada Soomaaliyeed lasoo gudboonaadeen dhibaatooyin waa weyn iyo khasaarooyin naf iyo maalba leh. Waxaadse weli dareemeysaa in xaaladda Soomaaliya ay, “tahay faanoole fari kama qodna”. Dad badan oo Soomaaliya ka qaxay iyo kuwo iskood u hayaamay intuba waxaa soo wajahay dhibaatooyin farabadan, hasayeeshee, waxay intooda badan niyadda kudhisanayeen in mar un ay dowlad Soomaaliya ka dhalato oo ay soo noqoto kala dambeyntii, in la helo maamulka shaqeynaya iyo in laga degi doono qoriga caaraddiis oo aynu soo saarneyn 20kii sano ee ugu dambeeyay nolosheena, hadii aynu nahay Soomaali, yar iyo weynba. Qaxa iyo dhibaatada, is bar bar yaacii dhibaatada badnaa, nabad la’aanta, wax soosaar la’aanta, horumar la’aanta, waxbarasho la’aanta soo wajahday da’yarta Somaaliyeed, abbaaraha isdaba jooga ah oo isugu jira kuwo ay aadanaha keeneen iyo kuwo rabaani ah intaba waxaa uga sii diray bulsha weynta Soomaaliyeed dilka, dhaca, kufsigga, is miidaaminta aan loom meel dayin ee aan raad la taaban karo ku laheyn diinta Islaamka iyo difaaca danaha qolyo-diimeedka dhawaan ka soo ifbaxay Soomaaliya. |
|
XUSUUS QORKAYGA – 1 (CEELKA YAA KA CABAYA?) | Sh. Muxamad Idris |
|
|
|
|
Sunday, 28 February 2010 17:59 |
|
W/Q. Sh. Muxamad Idris Axmed Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna korkiisa ha ahaato. Bishii December 24-keedi ilaa 4-tii January 2010 waxaan Booqasho dacwadeed kusoo maray Dalka Zambia labada magaalo ee ugu caansan Lusaka iyo Ndola, Soomaaliduna ku badan tahay. 5-tii January ilaa 28-kii January 2010, waxaan iyana Booqasho dacwadeed ku tegey Dalka South Africa oo Jaaliyadda Soomaalidu aad ugu badantahay, magaalooyinka iyo gobolada aan marayna waxaa ka mida ah Johannesburg, Rustenburg, Polokwane, Tzanin, East London, Port Elizabeth, Knyzna, George, Mossul bay, Capetown (Bellville iyo Mitchells plain) oo intaba aan ku booqday jaaliyadaha Soomaaliyeed. Waxaan Maqaalkan hordhaca ah ugu soo gudbinayaa akhristayaasha sharafta leh, qayb ka mida xusuus qorkayga gaarka ah, kadibna waxaan u gudbi doonaa faallooyinkii caadada inoo ahayd. Zambia wexey ka mid tahay dalalka Africa ee saboolka ah, inkastoo ay sida qaaradda afrika u badan tahay ay khayraad badan hodon ku tahay, hadana afrika khayraadkeeda wey ka qatan tahay oo aadana kale ayaa khayraadkeeda gurta, kuwa guduudan haba u badnaadaane. Soomaalidu dalkan Zambia magac iyo maamuus ayey ku leedahay weli, taasoo ka dambaysa sumcaddii ay Soomaalidu lahayd Dawlad ahaan, (Waa markey Dawlad ahayde) iyo dad ahaanba. Maanta Dawladnimo Soomaaliyeed god ayey ku dhacday, kamana dambayn odagii Maxamed Siyaad wax kasta oo laga sheego, iyo cid kastoo neceb, wuxuu ahaa Dawldnimadii Soomaaliyeed ee u dambaysey, wax qeybka inoogu qarsoon mooyaane. Lusaka waayadii aanu iskuulka soomaaliya dhigan jirney horraankii 70-kii waxaanu (arday) ahaan u haysaney magac diryaama oo soo jiidasho leh. Hase yeeshee, magaalada waxaa ka muuqata diif iyo sabool nimo, faras magaaluhu aad uma bilicsana, dhismayaal cusub oo kusoo jiitana ma leh, dadka deganina wexeyba iigu dareen, dhawrka daarood ee magaalada bartameheeda ku yaal waa kuwii ka haray odagii dalka xukumi jirey Keneth Kaunda, wax ka dambeeyana laguma darin. Xaafadaha deegaanadu waa ka fiican yihiin magaalada bartameheeda xagga bilicda iyo quruxda. Magaaladu waa cagaar, geeduhuna waa ku badan yihiin, mar kasta oo aad bartamaha ka baxdo. Waxaa ku taal Lusaka Safaarad Soomaalidu leedahay oo aad u qurux badan, markhaati weynna u ah Dawlad nimadii jiri jirtey, kana kooban Aqalka Safiirka iyo dhismaha Xafiisyada, kuna taal madaxtooyada wadanka meel ku dhow. Soomaalida Lusaka deggan waa dad shaqaysta, hanti fiicanna ku leh wadanka, si weynna loo ixtiraamo. Ganacsigooda waxaa u badan baabuur iyo dhagaxa la jebiyo (crushers) iyo wershedaha Bulukeetiga. Waxaa kaloo jira, ceelasha shidaalka iyo wershedo kala duwan sida galleyda iyo sonkorta. In badan guryaha ay deggan yihiin dadka shaqaysta ama ganacsada waa gurya fiican oo waaweyn, wax badan ayaa laga yaabaa dadka yurub deggani iney middan ku kuunyaan dadka Afrika, waayo dalalka galbeedka qofka ugu fiican ayaa guri yar oo 3 ama 4 qol ah deggan, fillooyin waaweyn iyo qasriyo noocaan ahna ma haweysto qof galbeedka deggani, wax aad nadir u ah mooyaane, halka ay afrika sida Zambia ay arrin aad caadi u ah tahay, malaha guryahaas qusuurta ahna gabdhaha yurub deggani wey ka masayri lahaayeen haddeey arki lahaayeen! Magaalada Ndola xagga hawada wey ka qabowdahay kana roob badan tahay Lusaka, aadna waa uga cagaaran tahay oo sanadka oo dhan sida la ii sheegay waa cagaar (green). Waa magaala buuraley ah oo aad u qurux badan, Soomaalida deganina hal xaafad ayey u badan tahay hantidooda. Hantidaas waxaa ugu badan waa garaashyo waaweyn, maadaama dadku u badan yahay baabuurey, iyo haamaha iyo ceelasha shidaalka. Ganacsiga kale waa goos goos. Waxaa magaalada deggan dadkii 60-kii iyo ka dib soo galay iyo kuwa cusub, iyo qaar ka yimi dalalka galbeedka (North America iyo Europe) oo meelahan ganacsi iyo shaqo iyo degaanba u soo doontay. Kolleyna khibrada badan ayey ku soo biiriyeen jaalliyadda iyaguna wax badan ayey ka macaasheen. Mandiqadan ay Ndola ku taal waxaa lagu magacaabaa (Copper belt) ama suunka maarta, oo waa meelaha laga qodo maarta oo hantida wadanka ugu badan ah. Waxaa Soomaalidu ku leedahay masaajidda ku dhex yaal garaashyada iyo Masjid iyo School ku yaal xaafad horay Soomaalidu u degannaan jirtey ee Twabia la yiraahdo. Waana meesha (Iqra Islamic School) laga furay intii aanu booqashada ku mareyney. Magaalada Ndola waa magaalo cimila fiican, inkastoo huurka maartu hawadeeda ku laban tahay, heer aad biyaha dhadhankooda ka dareemeyso. Guud ahaan dalalkan afrika waa dalal ugub ah, oo khayraadku weli ceegaago inkastoo mudda dheer reer galbeedku hidiidayey welina hoosh ku hayo. Haddana waxaa Soomaalida uga furan Fursad aan uga furnayn dalalka reer galbeedka. South Afrika waa dal weyn oo hodon ah. Waxaadna ka garan kartaa halka wax soo saarka Zambia sanadkii lagu qiyaaso $8 billion , South Afrika waa $280 billion sanadkii 2009. Soomaalidu wexey ku badan tahay South Afrika, waxaana soo jiidanaya fudaydka sharciga oo qaxootinimada loo ogolyahay deganaanshana lagu siiyo, ganacsiga yar yar oo ka furan, oo halka Zambia oo kale (investment) licence in lagu siiyo aad u baahantahay 250 kun oo dollar, South afrika inta warqad degaan oo 1 sano ah la siiyo oo qaxootinima ah, ayuu dukaan 2000 US$ ku darsan karaa, kana shaqaysan karaa oo biilkiisa kazoo saari karaa. Laakiin xagga amaanka ayaa aad ugu liita. SA meelaha soomaalidu u badantahay ee la yiraahdo (lookayshanada) ama (townships) oo madawgu deggan yahay, ama dadka colour ka loo yaqaan, meelahaas oo nolosheedu aad u liidato, haddad dhex martana aad nolol ka quusaneyso. Waa meela guryeheedu yihiin buushash iyo jiingado yar yar. Wax adeegya casriyana ma leh, jidad iyo laydh iyo biya fiicanna ma leh. Meelahaas ayey Soomaalidu dukaama buushashkaas ah ka dhex furtaan, laakiin waa lacag socota, oo dadkan madawga ah wixii ay helaanba wexey geeyaan dukaanka. Waxaana dhici karta, dukaankaas maalintii inuu gado kun doolar. Waana meelaha Soomaalida lagu gummaado oo 90% in ka badan dadka la diley waxaa lagu diley meelahaas ee laguma dilin magaalooyinka waaweyn dhexdooda. Magaalooyinka waaweyn si qofku ganacsi uga furto waa inuu raasumaal fiican haystaa, sidaas darted ayaa dadku marka hore (lookeeyshanada) kusoo bilaabaan, kadib markey xoogaa lacaga helaanna wexey usoo guuraan magaalooyinka waaweyn. Hal location oo magaalada mossulbay ku ag yaal wexey ii sheegeen Soomali joogtey (105) dukaan oo soomaalidu leedahay iney ku taalo lookeeyshankaas keliya, dad badan oo Soomaaliyana wuu qabaa dhiigooda. Intii aan joogney Cape town waxaan aasnay wiil isaga iyo saaxiibkiis lagu gubey (Lokeyshan) ku ag yaal Cape town. Wexey 2da wiil jiifeen (container) u ah dukaan. Habeenkii markey ahayd 2 am ayaa bansiin lagu shubay dabna la suray, halkaas oo qiiqii iyo dabkii midna u dhintay midna markaas kooma ku jirey. Wexey ahaayeen dhalinyaro 20 jirro ah, oo sanad ka badan aan dalka joogin, waana sida ay u badan yihiin dadka waayadan soo gala South afrika ama dalalka galbeedka, waa dhalinyaradii 20 jirtey ee kazoo huleeshay Soomaaliya. Sifooyinka Wanaagsan ee Soomaalida Taasi wexey tusineysaa dadka Soomaalidu iney yihiin dad karti leh, wax soo saar leh, hal abuur badan, qab weyn oo han sare leh, waxna qabsan kara meel kastoo ay tagaan, sidoo kale waa dad diinta jecel oo markey wax ku qancaan ku adag, waxaana laga garan karaa sida ay dacwada Islaamka weliba Sunnada ku taagan adduun weynaha manta ugu fidiyeen, South Afrika ilaa Norwey iyo Finland waqooyiga yurub, Australia ilaa Maraykan iyo Canada, Vancouver iyo Seattle Washington, oo xaggaas Pacific Ocean aan cidi ka xigin, iyo inta u dhexeysa, intaas oo aan cagta mariyey dhul aad u fara badan lama sheegi karo dad Sunnada iyo Caqiidada toosan ku faafiyey 20-kii sano ee u dambaysey sida Soomaalidu ugu fidisay. Mana Jirto Jaaliyado fac yar oo u fir fircoon Sida Soomaalidu u fir fircoon tahay, ama uga shaqaysato dalalka ay tagaan, waana midda u soo jiidda Soomaalida xasadka iyo colaadda iyo dilka lagu hayo sida South Afrika, ama cadaadiska Kenya, ama lagu arki karo meela la mid ah. Sifooyinka aan fiicnayn Laakiin sida dabeecadda aadanuhuba tahay, Soomaalida sida ay sifooyinkaa wanaagsan u leedahay ayey sifooyin aan fiicnayn u leedahay oo, waana midda dhalisay iney iyagoo sidaa u karti badan ayan manta Dawladna lahayn, Dalkoodiina gubayaan, iyaguna is dhamaynayaan. Sifooyinkaas aan fiicnayn waxaa ka mid ah: 1- Qabyaaladda oo dadka Soomaalida meel weyn kaga taal, si kasta oo qofka Soomaaligaa diin ama aqoon u leeyahayna waxaad marka u dambeeya u tegeysaa bahashaas oo salka fadhida, intuu ilaahay u naxariisto mooyee. 2- Waa aqoon la’aanta wax wadaagga iyo wada shaqaysiga iyadoo wax lagu kala duwan yahay, taasna waxaan is leeyahay waxaa ugu wacan (badawnimada) ama (reer miyi) nimada, ama sida indheer garadka qaarkood u bixiyeen (aragtida reer guuraaga) oo qofka Soomaaliga wadaad iyo waranle, kuma badna inuu garto in la wada shaqayn karo waxna la wadaagi karo, iyadoo wax kale laysku khilaafsan yahay ama lagu kala duwan yahay. Labada Soomaali haddeey 5% isku khilaafaan, 95% ummuuraha isku waafaqsan yihiin, laba dhinac ayey u kala boodayaan. Waa sidii reer baadiyaha, markey ceelka ama daaqa ku heshiin waayaan, mid kastaa reerka ayuu subaxdiiba rarayaa, meel cidla ah ayuuna degayaa. Ma laha feker wax wadaag, ama isu tanaasul (compromise) ama aragti dheer oo ka dambaysa ficiltanka markaa taagan. Dantii labadooda ka dhexaysey ee aan kawada maarmin ayaa meeshaas ku bur bureysa. 3- Waxaa na haysata aqoon yari dhinacya kala duwan ah qofku markaanu aqoon lahaynna waxa uu is gaarsiiyo ayaa ka badan waxa cadawgiisu gaarsiiyo, tacabkiisa iyo xoogiisuna meel cidlaa ayuu ku lumaa. Qaar waxaa haysata aqoon yari xagga diinta ah, Qur’aankii iyo Sunnadii ayey markaa qoorta jebinayaan, heyjad cidlaa ayey jibaaxayaan, iyagoona isu haysta wadadii ugu saxsanayd iney ku joogaan. Qaar kale waxaa haysata aqoon yari adduunka iyo sida loogu noolyahay, siyaasadihiisa iyo culuumtiisa kala duwan, sidaas darted ayey danohoodii diineed iyo toodii adduunyo u khasaarayaan. Tusaale haddaan usoo qaadanno, qurbuhu waa nagu cusub yahay, 20 sano iyo wax la mida, hindida iyo yamanta iyo dadka la mida boqolaal sano ayey qurba ku jireen. Sidaa darted wexey yaqaanaan sida ay qurbaha iyo dalalka shisheeye ee ay degeen ugu noolaan lahaayeen, danaha guud ee ka dhexeeya iyo fikradaha gaarka ah ee qofwalba qabi karo, dalka cusub ee ay yimaadeen sidey wax uga qabsan lahaayeen, asalkoodiina ugu xirnaan lahaayeen. Annaga maadaama arrimahaasu nagu cusub yihiin, ma naqaan xitaa daneheenna guud ee naga dhexeeya qurbaha sidaan u maamulan lahayn. Tusaale ahaan: Minneapolis, MN dalka Maraykanka waxaa ku nool Soomaali ka tira badan 100 kun. Ugu yaraan kala bar ama 3 meelood hal meel, waa muwaadiniin maraykan ah (citizens). Marka la eego sida loogu dhaqan yahay dalka maraykanka iyo qaababka wax loo qabsado, wexey ahayd dadka intaa leeg oo muwaadiniinta hal magaalo jooga, iney saamayn weyn ku yeeshaan goobaha go’aamada ee gobolkaas ama magaaladaas, ugu yaraanna dadka ugu badan ee maraakista fulinta iyo talada haya ay iyaga noqdaan, ama qof ey iyagu taageeraan. Wexey ahayd sida caadigaa wax aaney raali ka ahayn, ama qof aaney iyagu taageersanayn iney adkaato inuu meel kusoo boxo, ama heer magaalo ama heer gobol. Laakiin xoogaas iyo tabartaasu waa mid kala qaybsan, sababtey u kala qayb santahayna ma’aha wax iyaga khuseeya, ama meesha ay joogaan iyo noloshooda ku shaqa leh, ama saamayn ku leh, ee waa mid ay kasoo waaridaan baadiyihii iyo beelihii ay dalkii hooyo ugasoo qaxeen. Si kale uma garatide, dadka jooga Minneapolis, oo 10,000 km u jirta Soomaaliya wexey ku kala tagsan yihiin, daaqa iyo ceelka labadooda beelood isku haysato Soomaaliya dhexdeeda, ismana oranayaan, war innaga mushkila taa ka duwan ayaa na haysata oo ah, ciyaalkeeni ayaa daroogo jidadka ku cabbaaya, wiilkaygi iyo gabadhaadiina dugsi iyo school midna ma haystaan, afkoodii iyo diintoodiina illaawe, ee sidee taa ka yeellaa, laakiin wexey isku dilayaan, una kala dudayaan, dantoodana u weynayaan, ceelka 10,000 km noo jira, cali ayaa ka cabbaya oo iska leh, iyo mayee, ciisaa ka cabbaya oo leh!! Tusaale kale: South Afrika, sidaan kor kusoo xusay Soomaali aan ka yarayn 30,000 ilaa 40,000 ayaa hadda joogta, welina waxaa loogu qul qulayaa sida lulumada, ama xoonka shinida. Habeen walba waxaa soo gala 50-80 qof oo rag iyo dumarba leh. Wadanka wey ku dhaqan yihiin, hantidaan kor ku xusnayna wey ku haystaan. Taasi wexey keeneysaa iney danohooda iyo diintooda iyo hantidooda sidey u bad baadsan lahaayeen ka shaqeeyaan hor iyo horraan. Kadibna ciddii kale oo ay wax tari karaan ay taraan. Iney u fikiraan sidey degaankan cusub si fiican ula qabsan lahaayeen, dalka wax ugu yeelan lahaayeen, diinta iyo maxasta ay lasoo carareen u ilaashan lahaayeen. Laakiin, aqoon darrooy ba’, dadka la dilayo habeen iyo maalin ee la gubayo, dadka hal goob ama jid ama tuulo ku leh 100 dukaan in ka badan oo dhinac walba khatari kaga sugantahay, dadka iyaga iyo caruurtoodi bannaanka cidladaa daadsan yihiin, dadka qurbahaas fog jooga ee dalkaas kana shaqaystay wax weynna ku soo biiriyey, oo xitaa dadkii madoobaa il bixiyey, canshuur bixiyey, dalka wax tara, wexey ku jiraan dar xumada aad u jeeddo, iyo hantidooda la boobo, marna argagixiso loogu yeero, marna containarada lagu gubo, iyaguna isma yiraahdaan, war side meeshan cusub ugu noolaan karnaa oo diinteenna iyo danteenna adduunyaba u ilaashan karnaa, ee waxaa wax walba seejinayaa iney ku diriraan, isugu dudaan, ku kala tagaan, habeen iyo maalinna makhaayadda la fadhiyaan, ceelka 5000 km u jira CALI AYAA KA CABBAYA OO LEH!! Iyo MAYA CIISAA CEELKAAS KA CABBAYA CAWSKANA DAAQAYA!! Anigu kolba waxaan kula taliyey Jaaliyadaha aan marayey oo dhan, war cali iyo ciise, dib u dhigta, iyagaa hadda ceelkii isku haysta, warmahana is daraya, idinkana idinkasoo kiciyey, bal horta tiina u tag hela, oo horta fallaarta salka idinkaga taal iska bixiya, hadhawna fallaaraha kale aan ka tashanno. Laakiin sidaan sheegay dadkaan Soomaaliyeed waxaa isugu darsantay dhawrka cudur ee aan sheegay: -
- Qabyaalad cudura oo ay u nugulyihiin
- Aqoon darro dhan diin iyo dhan adduun si wax u kala hor mariso, ama diinta u fahamto, ama adduunka ula dhaqanto.
- Hoggaan la’aan ama Hoggaan xumo, oo isku natiija ah.
Intaas ayaa ugu weyn waxa haadaanka ka lulay, ee mexey Ummad cajiiba ahaan lahayd, waanan aaminsanahay in Ilaahay idankiis dhibaatooyinkaa laga gudbi doono, daawada jahliguna waa cilmi, daawada qabyaaladda iyo qabiilkuna waa qaran, daawada hoggaan la’aantuna waa hoggaan fiican oo Rabbi aan ka barino inuu noo soo saaro, ee Soomaaliyey yaan la quusan, waagii waa soo dhowyahay Ilaahay idankii……
W/Q Muxamad Idris Axmed
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
|
A Touching Glimpse of History and the Reunion of a Somali Royalty |
|
|
|
|
Saturday, 27 February 2010 08:56 |
|
Few people know that the British exiled the most illustrious and influential Sultan of the former British Protectorate of Somaliland, Sultan Mohamoud Ali Shireh, in 1920, soon after the defeat of Sayid Mohamed Abdullah Hassan. Sultan Mohamoud Ali Shireh was exiled to the Seychelles – the islands to which many prominent anti-colonial leaders used to be exiled. Although the Sultan fought against the Sayid, the British thought that he would be their next source of trouble because he was vehemently and actively opposed to British rule of Somaliland. Moreover, having just emerged from debilitating wars, not only with the Sayid but also with some European powers (WWI), the British viewed with awe the prospect of another twenty years of costly and protracted conflict against yet another local potentate.
The Sultan – it is worth mentioning – was the brother in law of the Sayid but the two could not see eye to eye on many political, religious and social issues, and the Sultan fiercely defended the independence of his Sultanate against the incursions of the Dervish Movement. In a similar view, he never allowed the British Administration to establish itself in his Sultanate and even after his return from exile, the Administration never intefered in the internal affairs of his Sultanate. As a matter of fact, there is ample documentary evidence to show that the British Administration was so careful to avoid his alienation that it sought out his support for any major policy changes before they were introduced. To that end, the Sultan continued to play a prominent role in the affairs of the country until his death a few months after independence. To begin a long term and cruel exile, the Sultan of British Somaliland protectorate, Sultan Mohamoud Ali Shireh arrived in Seychelles from Bombay (India) on May 3 rd, 1920 on board HMS Odin. At the time when the Sultan began to serve his exile in Seychelles, two African Kings, King prempeh of Ashanti (Ghana) and king Kabarego of Bunyoro (Uganda), and a former Prime Minister of Egypt, Sa'ad Zaghlul Pasha, as well as other luminaries of leaders in the wars of African resistance to the British colonialism were also there as exiles. It is related that the Sa'ad Zaghlul Pasha told the Sultan “your father had spoiled your chances by not educating you; otherwise you would have been a king.” Of course, this was true because his lack of education severely circumscribed the development of his area in to a properly organized and haphazardly administered Sultanate over which his suzerainty would be recognized. But, mind you, there were nonetheless, the rudiments of organized administration which comprised a protocol and decorum (which included a certain manner of addressing the Sultan), a council of elders which he summoned from time to time and presided over; their subsidiary commanders; extensive animal wealth which included more than a hundred, if not more, thoroughbred Arabian horses which both British teams from England and the Italian used to buy from him. The Sultan also maintained a fortress, which is now, dilapidated but still remains a historical landmark and a huge two-story building (which was his palace) in Las Qoray. The Sultan also maintained files, which contained correspondence, not only with the British but also with the Sultans of South Arabia. The Sultan, apart from his strong and charismatic personality, was after all, the product of a six-hundred-year-old tradition, which saw a long succession of Sultans of which he was the twenty-fourth.  | | Amb. Garad with nieces & nephews in Seychelles | However, the Seychelles saga in the Sultan's journey in life gives us a very interesting human story today, which, because it resembles a fairy tale, shows a rare instance in which real life plagiarizes fiction. During the long years of exile, the Sultan left behind in Seychelles a son and a daughter. No one heard about them and not many relatives of the Sultan knew about them. As always true with well kept secrets, the days that the Sultan lived in the Seychelles and his family life remained an enigma to all the subsequent decedents of the Sultan in Somalia. Those who knew about these secrets did not and could not know what became of them. From Fiction to Fact – Stumbling across a lost blood ties Now, here is what might look like a fairy tale but happens to be a true family tale. On a particularly auspicious day in far away Tokyo, Japan, a Djiboutian diplomat (the late Fuad Awaleh) saw, while walking along a main street, a slender Somali-looking girl, who was going the other way. He turned around and dogged her until she stopped at the crossroads and he confidently greeted her in Somali, which she could not understand. Mr. Awaleh told that he had thought she was a Somali woman. On hearing that her face lightened up and she told him that she was from Seychelles but that her paternal grandfather was the “Sultan of Somaliland” (as he was then known in those Islands) that his name was Sultan Ina Ali Shire,” as she put it.  | | Mohamed Garad, and his niece Ms. Amia Jovanovic-Desir, her husband, Mr. Dejan Jovanovic and son Sasha | He told her that he knows a Somali family in Tokyo and he would ask them if they knew about him but that he would need to know first what clan the Sultan came from. The young lady, Ms. Amia Jovanovic-Desir who was a senior officer in the Ministry of Tourism and Transport in Seychelles, called her office and asked them to look in to the files and fax her the name of her grandfather's clan. That was done immediately, and she told Mr. Awaleh of Djibouti that her grandfather was from the Warsengali clan of Somalia.  | | Amb. Garad, sister, daughter, son & grandson | The Somali family in Tokyo happened to be that of Ibrahim Meygaag Samatar, former Somali ambassador in Germany and a resident of Somaliland. To Ibrahim a prominent Somali and some one with a broad knowledge of the history of Somaliland had no doubt whom Ambassador Awale was talking about. Ibrahim's wife, Amina Cadhoole, equally an educated Somali woman from the region where the Sultan hails from, took the job of finding members of the lost tribe. She quickly got hold of the telephone number of Ambassador Mohammed Garad (better known as “Garad”), the best known of the many surviving sons of the Sultan Mohamoud Ali Shireh. Garad thereafter quickly moved on to help establish, for the first time ever, the long-sought linkage of blood ties between the two branches of the Sulatan Mohamoud Ali Shire family. That was in 2000 and after so many telephone conversations, Ambassador Garad was able to answer a long-standing invitation to visit his brother, sister as well as his many nephews, nieces (and the children of the children of Sultan Ali Shire) Postscript: As is often the case with decendents of great leaders, Amb. Garad has the natural traits of his father's leadership. A resident of Maryland, U.S.A. and now a well respected elder, Amb. Mohamed Garad is the patriarch of a large family that has roots in many countries and continents, including North America, Europe, Middle East and Africa.  | | Amb. Mohamed M. Garad ( Garad) | The Garad received his education in many countries including England (Pitman College, London, 1962), Sudan (Omdurman Commercial College, 1952 and Bakht Er. Ruda Institute of Education, 1949) and Somalia (Sheikh, 1947 and Hargaisa elementary school, 1943). Amb. Garad's work experience is extremely impressive and speaks to his leadership both among his community and the Somali nation at large. He has a long career in foreign affairs and has held numerous diplomatic positions: Somalia Ambassador to the State of Qatar, Republic of Uganda, Federal Republic of Nigeria and political Counselor, Somalia Embassy in Bonn, Germany. Amb. Garad had participated in many bilateral talks on behalf of Somalia involving various interlocutors from Africa, Asia and Europe. He is the recipient of “meritorious Medal of the State of Qatar” in January 1988 by the Emir of Qatar. 
Amb. Garad & Sister in Mahe, Seychelles
 Amb. Garad & brother Leon Desir Seychellois rekindle ties with Sultan of Somaliland Expression of Sentiments by Amb. Garad Upon Famliy Reunion
|
|
Egyptian cleric issues fatwa against Facebook |
|
|
|
|
Wednesday, 24 February 2010 16:51 |
 A top Egyptian cleric has issued a fatwa banning the use of Facebook, alleging that the social networking site encouraged adultery. Sheikh Abd Al-Hamid Al-Atrash, former head of the fatwa committee at Cairo's Al-Azhar University, issued a religious decree saying that increased use of social networking sites have resulted in rise of the moral corruption. The edict followed a study carried out by the Egyptian National Center for Social and Criminological Research which found that one in every five cases of divorce is due to one of the partners using social networking sites such as Facebook. Sheikh Abdel Hamid al-Atras said: It's an instrument that destroys the family because it encourages spouses to have relations with other people which break Islamic sharia law. While one or other of the spouses is at work, the other is chatting online with someone else, wasting their time and flouting the Sharia. This endangers the Muslim family. Although, the cleric praised the social networking sites for spreading Islam, he said most of the people were using it for making illegitimate relationships. Like satellite TV, social networking sites are a "double-edged sword.While they permit the spread of Islam, they allow people forbidden love and relations. That is why whoever uses such websites must be considered a sinner. Last year, the authorities in Egypt arrested several protesters who used Facebook and other social networking sites to orchestrate protests against the government. |
|
Desperate Somalis turn to prostitution in Yemen |
|
|
|
|
Thursday, 11 February 2010 16:21 |
|
Somali refugee Saada hates what she does but can see no other way to feed her six children — working as a prostitute in the southern Yemeni city of Aden. ADEN: : “My life is rubbish, but what can I do? I have to work and make some money,” said the woman in her 30s, sitting with other Somali women in Aden`s Basateen slum district. Like many others, Saada fled to Yemen to escape the chaos, clan warfare and famine that has plagued Somalia since warlords toppled President Mohamed Siad Barre in 1991 — only to face another struggle for survival in impoverished Yemen, reported Reuters. She has spent 10 months in Yemen living on UN handouts and turned to prostitution eight weeks ago to send money to the relatives at home who are looking after her children. Saada gets no money from her first husband, who divorced her and went to work in Saudi Arabia. Her second husband was badly wounded in fighting in the anarchic Somali capital Mogadishu. “So now I am on my own,” she said.
Yemen hosts 171,000 registered refugees, mostly Somalis, according to UNHCR figures for December, up from 140,300 a year earlier. Many more unregistered Somalis are thought to roam there, most of them hoping to move to richer Gulf countries. The UN refugee agency UNHCR helps Somalis on arrival, but many in Basateen say they struggle to make ends meet. Alysia, another divorced Somali woman driven into prostitution, said she had paid smugglers to take her on the perilous voyage across the Gulf of Aden to Yemen. “I have to take care of my son. I have to buy him milk,” she told Reuters. The port city of Aden has a more freewheeling atmosphere than elsewhere in Yemen, a conservative Muslim society. While alcohol is hard to come by in the capital Sanaa, a few restaurants and beach clubs serve drinks in Aden, luring some weekend tourists from austere Gulf states such as Saudi Arabia. In Aden`s Tawahi seaside district, prostitutes work in cheap hotels or clubs which have adjacent “motels”. “The main reason for prostitution is poverty, the unemployment of refugees,” said Alawiya Omar at the Italian aid organisation Intersource, which is working in Basateen, home to about 40,000 Somalis and Yemenis with Somali ties. Together with UNHCR, the group helps victims of domestic and sexual violence and tries to educate refugees about the dangers of HIV and other sexually transmitted diseases. “Awareness of the dangers of getting infections is not high,” said Halima, a Somali woman who helps provide health care for prostitutes and advises them about safer sex. “There are courses for the women, but many don`t bother to show up even if they get some money or free food on that day,” she said, sitting in a makeshift house where she lives with her husband, other families and some livestock — all crammed together with flies buzzing around. “My life is a mess. Sometimes men don`t pay me. I would do anything else but what?” asked Najma, 34, another Somali sex worker |
|
[QORMADA MAANTA] AWRKANI DHINAC BUU KA RARAN YAHAYE HADMUU DHEELLIYI |
|
|
|
|
Sunday, 24 January 2010 10:37 |
 Waxaan laba isku khilaafsanayn, damiir kasta oo xumaha ka damqadaana diidaa, nafkasta oo xor ahina ka biya-diidaa waxyaalo badan oo aadanaha hagardaamoyin iyo daannooyin ku ah, hadii lagula kacona uu madan yahay garna u leeyahay inuu iska dalfiyo isagoo ka turjumaya dareenkiisa xorta ah iyo doonitaanka naftiisa, sababtoo ah nafta waxaa ku sidkan ayna u hilawdaa sinaanta, cadaalada, sharaf ku wada noolaanshaha bulshooyinka hadba intii ood-wadaag ah, isir wadaag ah, amaba af-wadaag ah. Waxaa kaloo dareenka qofka damiirka cafimadka qabaa ku jiro ka dhiidhiyaa kana gilgishaa eexda, qabyaalada, cadaalad la’aanta, nin tooxsiga, qabka beenta ah iyo qof gaar ah jeclaysiga,. Dhammaan waxyaalahani waa waa cuduro iyo calaafaad ummadaha ay haleelaan ku hoobiya haadaamaha burburka, qaran jabka, dibdhaca nololeed, iyo kala daadashada bulshadeed, waxaa suurta gal ah qofka isagu ku kacaya arimaha caynkan oo kale ah inuu sed bursi ku helo, qurus aanu lahayna qalad u qaato, isagoo markaaasi aan dareen sanayn inuu siibayo tiirarkii iyo udub dhexaadkii bulshadu ku taagnayd la’aantoodna aanay ba jiri Karin. Qofkaasi waxaa suurta gal ah in wacyigiisa aqooneed iyo waayihiisa garasho ka gaabatay fahanka iyo biya dhaca midhaha boolliga ah ee uu guranayo, wuxuuse miiraabaa miyirkuna kusoo laabtaa markay kusoo dhacdo dhaxanta iyo dabaylaha kasoo dhacaya dalooladii uu isagu gacantiisa ku baneeyey iyo doc faruurkii uu dadkiisa kula kacay, waase goorma waa goor xeedhiyo fandhaal kala dheceen oo la kala dalway, isagoo aad moodo in maskaxdiisa qaybta xusuusta ay kusoo noq-noqonayso maahmaahdii ahayd ( dhubuq- dhubuq hore dhabana hays danbe ayey leedahay). Goor aan wax laga qaban karayn ha ila soo qaadin. Dhanka kale hadiiba ay dhacdo qayb xumo iyo qalad dhanka saamiga ah, habkii ay ku haboonayd in wax loo saanyado hadii la gacan-bidixeeyo, waxaa imanaysa in dadkii qaybtu dhextaalay qaarkood laba-eefaan, qaybtiisii iyo mid qofkaleba inay jeebkiisa ku dhacdo, taasina waxay horseedaa in ummadaasi hilimada halaaga iyo hoobaanaha leel-leelka cagta saarto, kuna hoyado hadimooyin laga yaabo inaanay weligeedba kasoo waaqsan, sida tii inagu habsatay 1991 ee ina hafisay ilaa hadana aynu ka samata bixi kari la’nahay, iyadoo mawjadaha dhiilada xambaarsani noqdeen kuwo dubaaqa somalida deegaamaystay, daqiiqad daqiiqadna usoo dawiya farriimo midiba midda kale u dayrisay kana sii daran tahay dakharraday qalbiga gaadhsiinayaana aan laga geyoon Karin. Malahayga waxaa habboon inaan diirka ka qaado dulucda hadalkayga iyo meeshay daarrantahay arartaydaas hore, waxaana ku hanwaynahay inaan si hagar baxan xaqiiqada u taabto iyadoo weliba ka fog xamaasad iyo caadifad laab la kac ah iyo hadal aan runtu hogaaminayn, xaqiiqda jirtaana horseed ka ahayn, si’aan tusaale wax ku ool ah kugu keeno dhibaatooyinka aan tilmaamay waxaan rabaa inaan maskaxda akhristaha u duuliyo woqoyi-bari Somali(puntland), halkaas waxaan kaa hoga-tusaalayn karaa cuduradaas aan sheegay waa meel runtii ay si baaxad leh ugu baahsan yihiin, markaan tilmaamona markhaantiga kowaad adigaa noqon doona waase hadii aad tahay qof cadaalada iyo garsoonku aanay mugdi kaga jirin, kana madhan qabyaalada iyo qola-jacaylka, hadiise aad tahay ruux la tabaalaysan cuduradaas dadka aan la hadlayo kuma jirtid. Maamulka ka dhisaalaysan goboladaas isaga iyo kuwa kaloo badaniba waxay ka mid yihiin raadkii qaran-burburkii reebay markii maamulkii dhexe ee miiganaa meesha ka baxay,waatii cidwaliga guntiga dhiisha iskaga dhigtay kuna dhaqaaqday inay madax ciida ka ceshato,ebyatona maamul ay gabbaad sadaan, kagana gabbadaan duufaanadii dalka maansheeyey darxumadana dhaxal-siiyey. Maamulo yaryar oo wayd ah baa la amaamuday laguna sar-gooyey ood iyo isir beeleed,maamulka puntland ka dib markii la ahaysiiyey, dadkii aga-joogey meesha maamulka laga sameyey way ku nasteen wayna ku nafiseen, waayo waxyaalo badan oo nolosha aasaas u ah aanayna awel ku naaloon jirin sida nabbada iyo kala danbaynta ayaa dib usoo noolaaday inkastoo mar walba booskii qaran buuxin jiray banaanaa baahiduna aanay dabar go’in. Intii maamulku jiray waxaa jiray fursado badan oo qaar goboladas ka mid ahi ka faa’iidaysteen mashaariic horu-marineedna (development projects). Laga hirgeliyey halka gobolada qaarna ka qatanaayeen, hadaba inkastoo aan la garan Karin cadaaladda caynkaas ah waxa la cuskiyey iyo qaabka loo jaan-gooyey iyo qorshahay ku salaysan tahay midna hadana waa xaqiiq biyo-kama dhibcaan ah dhammaana dadku mid dhowaa iyo mid dheeraaba ay sheeda kala socdeen. Bulshaweyntu waxay filanaysay in si siman loo gaadhsiin doono wixii taakulo ah ee maamulka gacantiisa soo gala si looga tiiriyo meelahay tawsta ka dareemayeen sida hirgelin gobo cafimad, kuwo waxbarasho, dayac-tir lagu sameeyo toobiya-yaasha burburay ama kuwa u baahan in hadda la hagaajiyo, dadku markay arkeen in awrku dhinac ka raran yahayna qaar badan ayaa candhuuftoodii dib u liqay kalsoonidii ay maamulka siiyeena daadka raaciyey. Iyadoo in badan soo laalaabatay eexda iyo awr dhinac ka raridda maamulkaas ayaa hadana malaa waxaa la dhihi karaa waxaa ugu fool-xumayd uguna anfariir iyo amankaag badnayd middii ugu danbaysay “ mayd kee ugu danbeeyey” kaas lasii sido”. Maalintii (arbacada 20-1-2010) waxaa GOROWE lagu soo geba-gebeeyey shir weyne u dhexeeyey maamulka puntland iyo haayadaha qaramada miboobay iyo bangiga adduunka, maamulku wuxu la saxiixday in mashaariic waaweyn laga hirgeliyo deeganadaas “agowna nimankii awrka dhinaca ka rari jiray halkoodii bay ka miisayaane”. Mashaariicdani waa kuwii ugu waaweynaa uguna badnaa ee abid halmar laga hirgelin donaa gobolkaas. Waxayna kala yihiin: - Dib u dhis lagu sameeyo dekeda bosaso.
- Dayac-tir lagu sameeyo wadada isku xidha gorowe iyo galkacyo.
- Dib u dhis lagu sameeyo gegida diyaaradaha ee galkacyo.
Yaa salaam waa qayb iyo qorshe cadaalada ka qaawan, anshaxa suuban iyo ixtiraamkana ka arradan, dhexdhexaadnimada iyo wax-wada dheefsigana ka dhar la’ boqolkiiba boqol maskaxdii qorshaysay qaabkay u fekeraysay wax la fahmi karo maaha, waxaase lagu fasiri karaa aragti gaabnida gadh-wadeenada iyo horjoogayaasha maamulkaas iyaga iyo cadaaladu meeshay kala taagan yihiin.] Saddexdan mashruuc waa kuwo dhaxal gal ah, saddexdii gobol ee ugu roonaa ayaana lagu sii naash-naashay, mashruuca gorowe laga qaaday ee garoonka galkacyo la geeyey, iyadoo xaq u leh galkacyo horumarinta, hadana miyaanay ka haboonayn, taleex gorowe 90km, bay u jirtaa waddo ma leh waa buuro iyo raf baxaa deg ah, baahida dadku waddo u qabo way ka badan tahay tan garoonka diyaaradaha ee galkacyo loo qabo, waayo waa garoon hadaba sheqeeya hawlihiisuna si habsami leh u socdaan. Diyaarada qaadka sida gegida ay caga-dhigato iyo waddada baahida dhabta ah ee dadku ku tiirsan tahay iyamaa mudan!! Taasi waa cayn wareeg cadaaladii puntland curyaamiyey cawaaqib xumadeedana aan la dhayalsan Karin. Badhan waa magaalo dhacda meel raf ah oo aan lahayn waddo hallaasi ah, dabcan meeshas oo kale waxay xidhiidh joogta ah la leedahay marsooyinka ay wax kasoo degaan, nolosha dadku waxay cuskantahay waxa baabuurtu keento, badhani laamiga waxay u jrtaa 90km qiyaastii waa baahi dhab ah oo dhugasho u baahan, toobiyaha rafka ah hadii laga hagaajiyo wax weyn bay u tari lahayd bulshada halkasi ku nool, keligeedna maahee degaanada ku xeeran oo dhan baahidaasi waa jirtaa, hadday noqoto dhanka ceelasha, caafimadka waxbarashada, intaba. Buuhoodle iyo degaanada hoos yimaada waa dhul hawd ah, baahida lafa-jebiska ahna waa dhanka biyaha iyo ceelasha, riigag loo qodo intaba way u baahan yihiin, waxaa jira magaalooyin badan oo hawdka ah kana dhutinaya dhanka kaabayaasha nolosha iyo hal-bawlayaasha jiritaanka aadanaha, waxbasho, cafimaad, waa baahi wax daboolla la’. Goldogob waa degmo gobolka mudug ah baahideeda kowaad waa waddo sidaan ognahay wadadii isku xidhi jirtay iyada iyo gaalkacyo waa xidhan tahay muddo 20 sanno ah, sababtuna waxay tahay waagii dagaaladda sokeeye socdeen jabhaduna wadanka walaaqayeen ayaa miinooyin iyo walxaha qaraxa lagu aasay, hada waxa la maraa waddo kale oo dani ku tidhi ah, mashruuc miino-baar ah bay rabi lahayd arintuse waa qaybtii “dawacada”. Sidaan ognahay maamulkaasi waayadan danbe amnigiisii farahuuka baxay wuuna ruxmayaa, dabaylo colaadeed iyo saxan-saxo kala yaac baa la dareemayaa, waziraa la laayey, xildhibaanadu ka daran, masuuliyiinta kale oo la makalayna waa badan yihiin. Dhibtaas jirta haddana waxaa lagu biiriyey tan eexda iyo anshax xumada ah waxaad moodaa burburkii inuu soo yare daahay oo lasoo dedejinayo , hadiiba ninkii wax badbaadin lahaa isagu dabkii ummadu ku guban lahayd afuufayo xagee loo ciirsan “ruqo ninkii lahaa dabada hayo goormay kici”. WAZIIRKA IYO WARAYSIGA. Cadaalad darrada puntland ka hana-qaaday awelba dad bani waa u tooghayaye, arintu waxay ahayd maantana maxay fali, waxaase cidna ka daadegi wayday dadkiina cunaha u dhaafi wayday, waraysigi uu bixiyey FARAX DHALAC, wasiirka qorsha xumada iyo xidhiidhka cadaalad darrada puntland. Ka dib markii shirkaasi dhamaaday wuxu saxaafada usheegay midha-dhalkii shirka, isagoo aad carrabka ugu adkeeyey mashaariicda waaweyn ee wax ku oolka ah ee loo ogolaaday, waxaase ilaa hada anigu aanan fahmin markii ninkaasi gobolkuu ka yimi laga qadiyey wixii adduunku ugu deeqay, isaguna uu yahay ninkii dadku soo dirsaday, ee iyaga magacooda iyo maamuuskooda meesha ku yimi waxa ku dhaliyey inuu sharaxo horumar gobol kale gaadhey, waxaad moodaa inay la waynaatay ka hadalka laanta afka somaliga ee BBC-da, isagoo haba yaraatee aan dareensanayn daleeshuu fadhiyo iyo dib dhaca uu isagu horseedka ka yahay., “ anigu qadaye adiga aan kula qoslo weeyaan xaalku”. Waxay arintaasi kugu qasbaysaa inaad xasuusato, hab dhaqanka xayawaanka GORAYADA, waxay caan ku tahay gorayadu, ‘ ugxanteeda waxay dhigtaa meel cidla’ah oo banaan wayna ka dhaqaajisaa, meel kale ayey waxay ku aragtaa ugxan gorayo kale dhigatay ka dibna way baal-gelisaa xanaano hagar la’aan ahna way u fidisaa ugxantaas qalaad”. Arimahas markaad rog-rogto waxaa kuuso baxaya weedhan ah “awrkani dhinac buu ka raran yahaye hadmuu dheelliyi. Dhinac keliya awr laga raraa dheelli waw halise. Bulshadaa u dhaawacan anaa dhuunyan keligay’e. Dhayda iyo xuukada anaa dheefsan oo cuniye. Adna dhaqayadiyo gaanahaad dheelmin oo jiriye. Dhitada iyo caanahana waan kaaga dhawnahaye. Meel cadaaladii dhooftay oo xaqii la dhuun-gooyey. dheeftiyo wax wada qaybsigii dheelli baa galaye. Dhug la’aanta iyo maanyaridu waydin dhibayaane. Aadan Cige Jaamac
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Nairobi_Kenya
Maqaalkani kama Turjumayo Aragtida Warbaahinta Laasqoray.Net Balse wuxuu gaar u yahay Qoraaga oo lagala Xidhiidhi Karaa. Xasuusin:- Maqaalada iyo Qormaayinka Lagu Soo daabaco Boga Warqabadka Laasqoray.Net Marwalba Kama Turjumayaan Aragtida iyo yoolka Warbaahinta Caalamiga Ah Ee Laasqoray.Net |
|
TAARIIKHDA UMMADDA WAQOOYI BARI SOOMALIYA IYO GANACSIGOODII HORE |
|
|
|
|
Monday, 18 January 2010 23:47 |
 Isha Buuga: Markaad raad raacdo Sooyaalk Taariikhda ee Dhulka loo yaqaan Waqooyi Bari Soomaaliya waxaad helaysaa Oraahyo badan ama magacyo ay ka tageen Dadkii ka ganacsan jiray Xeebaha Waqooyi Bari iyo weliba il-baxnimo laga dhaxlay. Dhulkaas waxaa lagu xusuustaa Ganacsigii ka dhexeeyay iyaga, Masaariyiintii Hore iyo Dadka Dega Waqooyiga Shiinaha oo ganacsi wax-is-dhaafsi ku dhisan uu ka dhexeeyay. Marka la raaco ama loo fiirsado Horumarka ay mar walba kaga duwan yihiin dadyowga kale ayaad waxaad ku fahmi kartaa Qoraal William Alyson uu ka qoray Geeska Afrika: “Dadka dega Xeebaha Bari ee Wadamada kulaala Gacanka Cadan way ka horumarsan yihiin Dadyowga kale ee Dega dhulka Hoose ee Wadamadooda P41-48 William Story Collection” Tani waxay ku fahansiineysaa Suurtagalnimada in Dadka Dega Xeebaha Soomaliya ay caan ku ahaayeen il-baxnimada. Tusaale: Diinta Islaamku waxay Soomaali uga timid Xeebaha Badda cas Ganacsatadoodii, Sidoo kale waxaad Garan kartaa in Somalida Degta Xeebaha Bari ee Soomaaliya ay il-baxnimada Gaarsiiyeen Dadyowgooda Koonfur dega. Haddeynu waxyar ka iftiimino siyaabihii ay il-baxnimadu ku gaartey Dhulka Koonfureed Soomaaliya: 1974 waxaa Dhulka Waqooyi Bari ka dhacay Abaar daran oo naafeysay Bulshadii Hodonka ahayd, Abaartaas waxaa loo yaqaan “Dabadheer” Dowladii Soomaliya ayaa daadgureysay waxayna jaaha u saareen Koonfur, taasi waxay fursad u noqotay dad badani inay qaataan il-baxnimadii dadkii halkaas la keenay oo Abaartu ku habsatay. Markeynu Muuqaal ahaan fiirino Soomalidii hore ee Koonfur waxay ahaayeen dad aan il-baxnimada waxba kala socon, Taas waxaa raaca Jabuuti dadkeeda Koonfureed Meysan heysan il-baxnimo buuxda, Sidoo kale Sudan iyo Eretria lamid. Taasi waxay ku tusin kartaa in Dadyowga Xeebaha Bari ay il-baxnimadoodu soojireen ahayd. Haddeynu dib ugu soo noqono Nuxurka faraca, waxaan sidoo kale Eegaynaa Xagga is-maamulku ama Boqortooyada inay ku horeeyeen, Waxaad garan kartaa saddexdii Boqortooyo ee Boqor Cismaan, Suldan Jamac Shire iyo Keenadiid ee fadhiyi jirey Baargaal iyo Hobyo. Ganacsiga Soomaaliya wuxuu ka bilowday Xeebaha Bari, waxaana saldhigyo u ahayd Badyarada Bari ee Guban loo yaqaan, halkaas oo ku fiican in doonyuhu kusoo xirtaan. Magaalo ahaana Caluula, ceelaayo, Bossaso, Berbera waxay ahaayeen Magaalooyinka Qadiimiga ku ah xagga wax is-dhaafsiga. Haddeynu soo qaadano waxyaalaha laga dhoofin jirey Marsooyinkaas waxaa ugu badnaa Xabagta ay dhalaan Faleenku iyo Mal-malka, waxayna ku bedelan jireen Dhar Bafto loo yaqaan iyo Alaabo kale oo muhiim ah. Ganacsigaasi wuxuu ahaa mid qabow oo wax-is-dhaafsi ku saleysan, kameysan dhici jirin qul-qulatooyin ama khiyaano. Dadkii ka iman jirey Wadamada Masar, Shiinaha iyo Hindiya waxay kusoo kordhiyeen Dadkii Soomalida ahaa Dhaqamo badan. Khium Musin Aabahiis ayaa ka Ganacsan jirey Xeebaha Bari ee Soomaliya, wuxuuna ka qoray Taariikh dheer oo ku saabsan Habkii Aabihiis uu Ganacsiga u geyn jiray Soomaliya. Maqaal uu kaga hadlayey Gobonimada Dadkaas ayaa u qornaa:- “We have pleased their efforts for welcoming us; our thoughts told us that the Somali practice of Islam is in substance the same as that of other Muslims around the world” The lost century –Delhi Students Association- <Delhi University library> Waxaad siyaadsan kartaa in Dadkaasi ku fiicnaayeen Xagga soo dhaweynta iyo weliba Diinta Islaamka. Wuxuuna Maqaalku si qotodheer uga hadlay oo uu wareysi dheer la yeeshay Axmed Diriye Dhoodane oo ahaa dadkii Ganacsiga Badda Cas Wakiilka uga ahaa Soomalida oo Ganacsatada kale fahmi jirey. Qoraal yar oo aan Somali ku turjumay ayaa u qornaa sidatan:- “Ismaanu fahaneen dadkaas martida noo ah, hadaanan kusoo dhaweyn sida aan u soo dhaweyno Socotadayada Soomaliyeed” Axmed Diriye wuxuu ka hadlay Gobonimada Dadka Soomalida ah iyo weliba sida ay u jecel yihiin Walaalahooda kale Muslinka ah. Dadkii Ganacsatada ahaa waxay u bixiyeen Dhulkaas "Dhulka Udduga" oo ku micneysan, Dhul hodon ku ah waxyaalaha udgoon oo markaas loola jeedo Faleenka iyo Malmalka. Dhulka Udduga waa dhulka leh Faleenka iyo Malmalka ee Hadda la baxay "Puntland" oo Dowlad ah. Mowduuca dhexdiisa waxaynu iska weydiineynaa su'aalo dhowr ah oo ku saabsan Magaalooyinkaas iyo sida ay hadda ku sugan yihiin: Maxaa Sababay in Ganacsigii dhulkaasi uu hakad galo Qarnigii 20aad Dhexdiisii? Yaa sabab u ah? Waa sidee Muuqaalka guud ee Magaalooyinkaas hadda? Maxay Magaalooyinka qaybtood habacsanaan Ganacsi ugu timid? Si ay Su'aal kasta u fur-furanto waxaynu Daba-gelaynaa ama siiwadeynaa Taariikhdii Dadkii Deganaa Dhulka Xeebaha Waqooyi Bari. Gumeystihii qaybsaday Geeska Afrika wuxuu fahansanaa in Soomaalidu ka nooshahay Xeebaha, lagana Abaari karo Markaas wuxuu heshiisyo la galay Boqor Cismaan oo u talin jirey Bari iyo inta kulaasha. Taasi waxay sababtay in Gumeystuhu helo Meelo laga galo Soomaali, laakiin waxaa jidka fariistay Daraawiish oo xoog lahayd. Sidaa daraadeed maysan suurta gelin in Gumeystuhu hanto Dadkii il-baxa ahaa ee Xeebaha ka ag dhowaa. Si dadkaas loo hanto wuxuu Talyaanigu qorshe ka dhigay in Soomali looga taliyo Xamar, taasina wayba hirgashay oo waxaa ka bilowday Ururo Gemeysiga kasoo horjeeda. Talyaanigu wuxuu hormarin ku sameeyay Dhulka Koonfurta ee Hadda loo yaqaan Banaadir iyo Jubbada Dhexe, Halkaas waxaa laga helay Dad badan oo kasoo hayaamay Waqooyi Bari Soomaliya, Dadkaasi waxay ka qayb-qaateen Gobonimo doonkii. Daraawiish oo ahayd Geysh Xoog ku leh Waqooyi Bari ayaa laga kiciyey oo waxaa loo adeegsaday Diyaarado aan Gumeysigii Afrika loo adeegsan, Maxaa yeelay si fudud looma wajihi karin, Dhacdadaasi waxay fursad u noqotay Hadafkii Talyaaniga waxayna degmooyinkii halkaa deganaa ay u soo hayaameen Koonfur, Sanado kadib waxaa dhalatay Dowladii Qaranka Soomaaliyeed, Markii Shaqaalaha dowladu abuurmeen Shaqaalihii kasoo jeeday Waqooyi Bari waxay la guureen Dadkoodii iyo Xoolahoodii waxayna Saldhig ka sameysteen Xamar oo loo doortay Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Somaliya. Dhacdadii Saddexaad waxay ahayd Markii ay dhacday Abaartii "Dabadheer" oo qaxisay dad badan, taasina waxay fursad siisay dadkii cawaanta ahaa ee ku dhaqanaa Dhulka Webiyadda u dhexeeya ee Koonfur Soomaliya inay dhaqankaas il-baxa ah qaataan oo ay ku deydaan. Dhacdooyinkaasi waxay sabab u noqdeen in Ganacsigii Badda cas joogsado oo Ganacsigii loo wareejiyo Koonfur Soomaliya oo Marsooyin looga dhigay Muqdisho iyo Kismaayo oo labaduba kulaalaan Xeebta Badweynta Hindiya. Dagaalkii sokeeye ee ku habsaday Soomaaliya wuxuu fursad u noqday dadkii deganaa Koonfur oo dhul ahaan kasoo jeeday Waqooyi Bari inay u soo gurya noqdaan dhulkoodii hore ee qadiimiga ahaa. Halkaas waxaa ka bilowday Amba qaadidda Ganacsigoodii bur-buray, kumeysan qaadan Sanado inay Ganacsi la yeeshaan Wadamada Carabta. Soo noqashadii dadkii Waqooyi Bari Soomaaliya waxay iloobeen inay Bud dhigaan Magaalooyinka Ganacsigii hore caanka ku ahaa oo ay kamid tahay Baargaal ee waxay Boroosinka dhigteen Bossaso oo iyana aan ka dhicin Magaalooyinkaas. Markaas waxaa soo hartay Berbera oo Waqooyiga Galbeed ka tirsan waxay magaaladaasi mudnayd laguma abaal marin ee waxay gacanta u gashay Shaqsiyaad Kelinimo ku haysta oo Badeecada kasoo dejiya iyo Ethiopia oo Ganacsiga Bagaashka kasoo rogata. Tix: Ganacsiga Xorta ah ee Geeska Afrika Sidaa daraadeed, Bossaso waxay koobka ku qaadatay Ganacsigii Geeska Afrika inay la wareegto oo iyadu Hooyo u noqoto Soomali oo dhan, waxaa taas qiraya Qoraalkii William History Collection oo kusoo qaatay Dekedda Bossaso: “The main priority is that every capitalist can import what ever he likes, and Government officials do not hinder their goods” Page 15th Tani waa tixraaca ku siinaya Horumarka dhaqaale ee Bossaso hanatay, taas waxaa u dheer Ganacsiga xorta ah ee ka jira Marsadda Bender Qaasim, kaasoo u ogalaanaya Ganacsade kasta inuu lasoo dego wuxuu jecel yahay. Markaas hadeynu kusoo laabano Nuxurka Cinwaanka Mowduuceena waxaynu ka fahmi karnaa in Horumar il-baxnimo qadiimiya ku qotoma in Dadyowga Waqooyi Bari hantiyeen oo ay weli Maalayaan. Dadyowgaasi waxay Sameysteen Maamul Xidideystay oo ay Nabada ku maalaan, waxayna Tusaale ka bixiyeen inay Maamulo lahaan jireen Qarniyadii 19aad 20aad, Waxayna ka turjumeen Calool fayowgooda ay Soomali oo dhan ku marti qaadeen Nabaddooda, Si ay u tusiyaan Gobonimadooda iyo Isu-turkooda. Fiiro Gaar: Insha Allahu, Buugani wuxuu soo bixi doonaa Sanadkan dhexdiisa, waxaana rajeynayaa inaan ku bandhigo PEN-jabuuti. Waxaan ka codsanayaa Qurba-joogto Waqooyi bari inay caawimaad daabacadeed ka geysteen buugaan oo qiimo inoo wada leh haddaynu nahay Reer Waqooyi Bari-Puntland. Qoraalkaan waxaa qoray: C/khayr Maxamed Xuseen Fariin qaade:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
War gubdiye: +252-90-743649 Xigasho: William Alyson Khium Musin The Age “I have different histories collected in different places on Africa and Arab Countries, so if there is any one interests to get like this history, he may simply requests me the kind of history he needs” Coming Soon: Dedaalkii Dadyowga Somalida Duqeyntii Diimeed ee Cuba iyo Ethiopia Dooradu Maxay u duuli weyday! |
|
SANAD CUSUB IYO DOWLAD BARAARE! |
|
|
|
|
Monday, 18 January 2010 23:32 |
 Waxaynu dareemaynaa Neecow isbedel iyo Waa cusub oo noo dilaacay waanu soo baraarugnay, Waxaanu ogaanay inaan nahay Dad Awood leh oo iskood isku taagi kara. Sanadkaan waxaynu gaarnay Meeshii horumar u sareysay, waxaana kasoo noqonay daad inala tegay iyo Abaar aan dhammaaneyn, wax badan baynu Roob sugeynay meel kasta waynu u galnay. dagaal aynu dad iyo duunyo ku weynay waynu soo aragnay, laakiin Maanku wuxuu tebayey Goormaa la nasan doonaa? Safarka aynu soo galnay wuu basaas badnaa, haraad Dowladeed baynu qabnay, laakiin Maanta Ceelkii baynu joognaa nin kastana wuu ka dhaansan karaa si xornimo leh oo Muwaadinimo ku jirto. Si aynu kalsooni u helno waa inaynu taageernaa Maamulkeena, Maxaa yeelay -Far keliya Fool Ma dhaqdo-. Ragaad ka ilaalinaa oo aynu Qodaxda ka Gurnaa. Dhalinyaradeena Barnaa Nabadda iyo Qadiyaddooda Sidoo kale waa inaynu Maanka ku haynaa in Haddii Puntland Neecow Horumar Yeelato ay qof kasta Gurigiisa ugu iman doonto. Waxaynu la kulmaynaa Jidgooyooyin iyo Rafaad waa inaynu Gacmaha isqabsanaa oo aynu wadajir uga baxnaa, sidoo kalana Xusuusiya Dadka Nabadda kasoo horjeeda Meeshii ay hantidoodii iyo Aabayashood ku danbeeyeen iyo Saadka ay uga tegayaan Carruurtooda iyo Ehelkood, Ninkii iska indha tira ka aamusa Maalin kaluu ka war bogayaaye uguna Heesa: Waxarey War laay Ma laguu waramay in Meel Baadliyo..... Talaabadeenu waa Talaabsi inaynu Turanturoonana nooma Taalo, tan keliyee inoo taal waa inaynu Bulshooyinka Caalamka dhib iyo dheef la qaybsano, Walaalaheena Soomaliyeedna Samo dhex dhigno waxna Tusaaleyno oo Taban-taabino. Taasi waxay keenaysaa inaynu Gobonimo Gaarsiino uguna Maahmaahno Dadow Dan iyo Xarago isweyday ee Dowlad Maydin Dhisnaa?. Falaartii cirka loo tuuray nin kastow filo, haddaba Horumar Puntland Gaadho nin kastow filo hana ku ciyaarin Markay kusoo gaadho oo ha noqon kii loogu Maahmaahay: Doqoni Cad Ciid loogu riday Ceeb moodaa. Waxaan jeclahay inaan Wax garansiiyo kuwa Hankoodu Haaweey Dagaal raacay oo Afkoodu bartay “Jihaad”, Ninka jihaadka ku dhawaaqow Jahanama agtaada ka jaleec. Maxaa yeelay Alle Ma bannayn in Masaakiin la gumaado. Kan raacayna Jidkii Jihaad ee Nebi Muxamed yara Jaleec oo ha noqon Dameeri Dhaan Raacday. Dadka Nabadda haystana hakaga ciyaarinina ileen Jihaadkiinu waa ciyaare.  W/Q: Cabdikhayr Maxamed Xussen Tell: +(252)-90-743649 (GSM) Email:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
|
SIDEE XEEGO LOO XAGTAA ILKANA U BAD-BAADAAN? |
|
|
|
|
Monday, 18 January 2010 23:29 |
 Adigoo Doog jooga Abaar looma guuro, waxaan uga danleeyahay inaan Dareensiiyo Shacabka Puntland inay ilaashadaan Nabaddooda ay ku maalayaan caanaha, feejignaan iyo fir-fircoonina u qabaan. Nabadu waa shay qaali ah oo la isugu faano, maxaa yeelay Nabad baa naas la nuugo leh, laakiin waxaa saxariir ah Adigoo Nabad u balawaala inaad Beley kaalay tiraahdo hadhowna aad u adkeysan weydo. waxaynu nahay Dad isku Mowqif ah oo Nabadu ka go'an tahay, doonayana inay hadafkooda ka dhabeeyaan, laakiin waxaan leynaka yeelayn anakoo Walaalo ah baan Xeero ku heshiin weyney. Maanta waxaynu joognaa meeshii aynu xoolaha hojin lahayn, caanahana ka maali lahayn, laakiin waxaynu soo dhaafnay nooma fiicna inaynu ku laabano, waxaa maanta nala gudboon inaynu howlgal u galo sideynu bulshadeena u hormarin lahayn una noqon lahayn dad qani ah. laakiin waynu dhaafnay xilligii aynu Farta isku fiiqi lahayn. Maamulkeenu wuxuu nala doonayaa inaan dadka doc ka raacno oo aan horumar kasbano, bulshada Afrikana hormuud u noqono, markaas Halkudhiga Madaxdeenu waa: ka tusmeystoo Qeyrkay halkuu tegay,u tabaabusheystee!". Howl haddii la qabto natiijadeedaa la sugaa, Roobna naqiisaa lasugaa ee looma baahna in dhaleecayn iyo durbaan tun lagala hortago, Eeg <Nimaan waran sugin, War masugo>. Mana wanaagsana inaynu dunida isku ceebayno Maxaa yeelay waxaa naloo aqoonsan yahay dad nabad jecel, dhul nabad ahna ku nool. Waxaan soo qaadanaynaa Qoraalkii Jariiradda The Age oo kasoo baxda Australia oo 19.07.09 kusoo daabacday Boggeeda Saddexaad Maqaal ay kaga hadleysay Ciise Faarax oo ah Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee Puntland. "Puntland is generally calm, not plagued by the war that since 1991 has afflicted the rest of the counrty, and it shares Business to other continents." The Age Page 3th, copied also Hiiraan.com Waxeynu ka turjuman karnaa in dunidu noo aqoonsan tahay Maamul Nabad jecel, Markaasna loo mari karo Dhabaha Nabadeynta Soomaaliya ee Mustaqbalka dhow. Markaas waxaa inala gudboon inaynu u muuqano dad daneynaya in Soomali Nabad hesho oo Muujinaya Kartida ay u leeyihiin inay Martigeliyaan Shir kasta oo Nabad loogu raadinayo Soomaaliya, Sidoo kalena hadday noqoto taageero Ciidan ku yaboohi kara. Waxaan ku dhawaaqayaa oo aan jeclahay inaan dadka ka dhaadhiciyo in Jaanis lasiiyo Maamulkeena, laakiin waxaa daran in Haaweey isbiirsatay ay Maamulkeena ku ciyaaraan oo ay Caanaheena naga daadiyaan, Waxaana Farta ku godoyaa Dadka Horboodaya in Puntland khal-khal ka dhoco, waxaana dareensiin lahaa in haddii Nabad la'aani dhacdo aysan Bariis cuni doonin, Dadkana ay ka qaylo badnaan doonaan "Hashu Geela iyadaa cuntoo Cabaada" iyo "Doqoni ushii lagu dili lahaa gacmahay ku sidataa" Puntland Waa Dowlad, Nin kastana Nabad buu ku haystaa kuna nool yahay, Haddii Dowlad Soomaliyeed Dhalato oo dalka Nabad laga ambaqaado waynu ka tashanaynaa, laakiin Waqtigan la joogo Dabada u ruxi Mayno Dagaal Oogayaal aan Alle iyo Rasuul Aqoon oo Dhiig Muslin banneystay Ninkii Taageerana waa dan iyo xeeshiis Isagaa Cirka Roob ku og. Gebo-gebo: Cadow Kor lagama fiiriyee, Hoostaadaa laga fiiriyaa! Sidoo kale Maalintiina Hareerahaagaa la fiiriyaa, Habeenkiina Hoos baa loo hadlaa!  W/Q: C/khayr Maxamed Xussen Tell: +(252)-90-743649 (GSM) +(252)-2-4202804 (GSM West) Email:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
|
MA XAQBAA IN AY CIIDAMADA DHUXUL JOOJINTU AY MAG-DHOW KA BIYAAN DADKII KU DHINTA OLOLIHII DHUXUL JOOJINTA |
|
|
|
|
Monday, 28 December 2009 09:04 |
 Waxaa maalintii shalay ay taariikhdu ahayd 12/25/09 lagu qabtey shir ka mid ah shirarkii todobaadyadanba socdey oo ay reer Dhahareedku ugu gogol xaarayeen dadkii ku dhintey howl galadii dhuxul joojinta. Waxaa Dhahar jooga beelo gaaraya ilaa iyo 7 beelood oo ku abtirsada beelaha Harti, oo sheeganaaya mag marka la isku daro ku dhow Sodon mag. Dadkaasoo ku dhintey howlgalkii dhuxul joojinta.
Hadaba waxaa su’aal mudan in ay waajib tahay in magta la bixiyo? Hadii ay waajib tahayna mawaxay ku waajibtaa oo qudha in ay dadka reer Dhahareed bixiyaan? Dhulka ay ka howl galeen ciidamadaan ayaa ah dhul baaxad weyn oo ay umada reer Puntland degantahay. Hadaba maxaa keeney in iyaga kaliya ay u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa?
Hordhac:
Horaantii sanadka 2007 ayaa waxaa kacdoon bilaabay shaqsiyaad ka mid ah shacabka reer Dhahareed, iyagoo kacdoonkan uu ahaa mid lagu joojinaaya dhuxusha deegaanada Sool, Sanaag, iyo Bari. Waxaa guurti loo direy magaalooyinka waaweyn ee u dhow Dhahar sida Qardho, Xingalool, Taleex, Badhan, Xudun, iyo tuulooyinka u dhexeeya. Guurtida loo direy deegaankan ayaa waxay kala soo noqdeen rajo aan wanaagsaneyn. Isla sanadkaas ayaa waxaa la bilaabay in si qaab guurtiyeed iyo qaab hubeysanba looga hor yimaado Qowlaysatada cadowga ku ah dhulka iyo deegaanka oo isugu jira cid walba.
Ciidamada dhuxul joojinta ayaa waxay howlgalkoodu ka bilaabeen magaalada Dhahar iyo nawaaxigeeda, iyagoo aan u aabayeelin cid Allaale iyo cidii dhirta gubeysa, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaanka Dhahar. Ciidamadaan ayaa usii gudbey deegaano kaloo badan, mantana guulo badan kasoo hooyey.
Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Puntland:
Waxaa xusid mudan in Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Puntland ay ka gaabisey hormarinta iyo gacan qabashada ciidamada dhuxul joojinta, iyadoo aysan jirin ilaa iyo hada wax mushaar ah oo ay dowlada siiso, iyo wax caawinaad ah.
Taasi waxaa dheer in dagaal beeleedyadii ka dhacay deegaanada Puntland ay dowlad goboleedka Puntland ka qeyb qaadatey magtii lagu kala bixiyey. Tusaale ahaan: Dagaaladii ka dhacay deegaanka Igdheys, oo ay ku dagaalameen laba beelood oo Majeerteen ah, ayaa dowlad goboleedka Puntland waxay bixisey qeyb ka mid ah magtii ku baxdey xalintii is maandhaafkaasi u dhexeeyey labada beelood. Iyadoo ay Puntland bixisey dib u dajintii labada beelood oo laga rarey deegaanada ay isku heysteen.
Sidoo kale, waxaa iyadana ma huraan ah in la xuso dagaaladii ka dhacay deegaanka Cagaare oo ay isku laayeen beelaha Majeerteen iyo Dhulbahante, iyo qaabkii ay dowlada uga qeyb qaadatey. Dowlad goboleedka ayaa waxay bixisey gogoshii labada beelood oo ahayd kumanaan kun oo doolar, sidoo kale wax ka bixisey magta dadkii ku dhintey labada dhinac.
Mar aan la xiriirey gudiga dhuxul joojinta ayaa ii sheegay in ay maamulka Puntland codsiyo badan u direen, ay marar badana la fadhiisteen. Codsiga ay gudiga soo gudbiyeen ayaa ahaa oo kaliya in lacagta magta lala bixiyo, maadaama ay howshu ahayd howl Qaran. Maamulka Puntland ayaa dhagaha ka ootey in ay ka qeyb qaataan xalinta gogosha taala magaalada Dhahar.
Maxaa la gudboon reer Dhahareed:
Hadii ay beesha Dhahareed ay ka munaaqashoodeen isla markaana ay is tuseen in ay haboontahay magta in la bixiyo, sidaana ay u arkeen xalka kaliya loo heli karo khilaafaadka imika taagan. Soomaalidu waxay tiraahdaa “Tuug waliba qabiil ayuu ka dhashey”, maahmaahdan oo cadeyneysa in dadka ku dhintey dhuxul joojinta ay qabaa’ilkoodu mar walba ay u xisaabsanyihiin gar iyo gardarana u arkaan in dadkii laga laayey ay magtooda helaan, ayaa waxaa gudiga dhuxul joojinta ay is tuseen in ay laga maarmaan tahay waqtigan in la bixiyo magta, laakiin beel walba laga sixiixo wixii hada ka dambeeya inaaney lahayn wax mag ah hadii ay cid uga dhimato howl galka dhuxul joojinta.
Waxaa kaloo xusid mudan in Wasaarada Arrimaha Gudaha ay ku casuuntey Nairobi wax ay ugu yeertey magalooyinka Puntland: Garowe, Bosaaso, Qardho iyo Galka'yo, kuwaasoo la kulmey Hay'ado caalami ah si loo kobciyo tayada maamul hoosaadka degmooyinkan iyo waxqabadkood. Taasi waxay cadeyneysaa in Wasaaradu ay howsheedii weli ka soo bixi la'dahey oo ay hal dhinac keliya u adeegeyso. Dadka reer Dhahareed waxaa la gudboon in ay qabtaan shirweyn ka dhexeeya beelaha Harti, isla markaana ay ku casumaan isla kuwa raba in magta la siiyo. Waxaa haboon in ay soo hordhigaan waajibaadka ka saaran in dhulka la difaaco iyo dhirta. Sidoo kalena ay yiraahdaan maadaama aydan ka qayb qaadan howlgalka, in ay magta wax ka bixiyaan.
Sidoo kale waxaa haboon in ay dowlada u gudbiyaan codsi kama dambeysa ah, sidii ay dhulka wax uga qaban lahayd, hadii ay diidaana ay kala noqdaan kalsoonida. Wada hadalka ay la yeelanayaan dowlad goboleedka Puntland waa in usoo bandhigaan saxaafada oo taariikhda qorta.
Dhahar Editorial
Reference
1) Dhahar radio. (Dec 25, 2009). Heshiis dhexmarey beesha Taleex iyo Beesha Dhahar. Retrieved Dec 26, 2009. From:http://www.dhahar.com/article.php?articleid=8678
2) Garoowe Online. (Oct 21, 2009). Dowlad goboleedka Puntland oo go’aan ka gaartey dagaaladii Igdheys: Retrieved Dec 26, 2009. From:http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Dowladda_Puntland_oo_go_aamo_ka_gaartey_dirirtii_Igdheys.shtm |
|
FAALLO: DULUCDA AMNIDARADA GALKACYO MAXAA U SABAB AH? |
|
|
|
|
Sunday, 27 December 2009 16:24 |
 Hordhac Dhamaan dadka xog ogaalka ah ee ku sugan gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Galkacyo iyo inta danaysa arimaha amni iyo wada noolaanshaha guud ee wadanka Soomaaliya, waxay ka dharag san yihiin mashaqooyinka maanta ka dhacaya magaalada Galkacyo oo ah magaalo kala qaybisa labo qabiil amase labo Maamul, haddii aan guud marno arimaha Galkacyo waxay ahaayeen kuwo cakiran in muddo ah laga soo bilaabo maalintii ay biloowdeen dagaalladii lagu riday taliskii Gen. Maxamed Siyaad Bare hadba waxay soo marayeen heerrar kala duwan. Dagaalkii ugu ba'anaa wuxuu ka dhacay 1991 xiligaas oo ay soo weerartay jamhaddii la oran jiray USC oo uu hogaaminayay Gen. Maxamed Faarax Caydiid jamhaddaas oo u dagaalamaysay qaab qabiil kadibna gacanta ku dhigtay magaalada Gakacyo, waxayna haysatay muddo ku siman 45 cisho kagadaal waxaa dib uga saaray dadka gobolada Puntland oo markaas ahaa jamhado is biirsaday kadibna gacanta ku dhigay magaaladda Galkacyo iyo deegaano ka durugsan intaba, iska caabintaasi waxay soo dada jisay heshiis dhaxalgal noqday oo dhexmaray jamhadihii xiligaas ku dagaalamayay magaalada Galkacyo iyaga oo qarwaaqsaday in aysan kala awood badnayn haddii ay jirtay markaas cid awood isbidaysay. Heshiiskii 1993 Heshiiskii xiligaas dhacay waxaa kala sixiixday labo hogaamiye ee xiligaas kala matalayay qabiiladii meesha ku diriray, wuxuuna noqday mid guud ahaan lagu diirsaday gaar ahaana waxaa sitoos ah loogu nastay 3dii sano ee igu horaysay, wixii 1996 ka danbeeyay waxaa biloowday xurguf ku salaysan wax kala jiidasho, dagaalo yar yar iyo is dooxataysi, arimahaas yar yar oo dhacayay waxay ku salaysnaayeen arimo siyaasadeed oo ay dabada ka riixayaan siyaasiyiinta labada dhinac qaar ka mid ah, waxaana xusid mudan in ay ka madax banaanaayeen dadka shacabka ah oo markasta ku taamayay in ay nabad ku wada noolaadaan, taasna waxaa daliil u ah markii ay xiisaddu meel sare gaarto in oday dhaqmeedyadu xiisadda dajiyaan oo xaalka sidii lagu yiqiinay ku soo ceshaan, dadkuna ku qanacsanaa doorka oday dhaqmeedyada. Hadaba maxaa kalifay liiq liiqashada heshiiska muddada lagu caano maalay haddana bur burka qarka u saaran, sababtu waxay tahay habkii loo wajihi jiray shaqaaqooyinka ka dhaca magaalada Galkacyo ayaa waxaa ku yimid isbadal wayn, sidaan horay u sheegayba waxaa dhibaatooyinka xalin jiray oday dhaqameedyo, odoyaasha dhaqanka ayaa maalinba maalinta ka dambaysa waxay u muuqdeen kuwo faryaro bidix ka sii baxaya, waxaana sababay markii maamulka Puntland la asaasay qaabkii wax loo xalin jiray wuxuu noqday mid u dhexeeya Dowladda Puntland iyo oday dhaqameeyo ka soo jeeda Koonfurta Galkacyo, muddo kadib waxaa la asaasay maamulka Galmudug waxaana bilaabatay in loo xaajoodo sidii labo maamul oo kala ah Maamulka Puntland iyo Maamulka Galmudug. Maamulka Puntland ee Mudug Maamulka Puntland ee magaalada Galkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug wuxuu ahaa maamul aan isbadal badan lahayn oo ku dhisan (jug jug mahaagii joog) markastana indhahaagu waxay qabanayaa nin madax ka ah gobolka oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo wax is daba marin shaqadana laga eryay wax yar kagadaalna dib loo soo magacaabay amaanna lagu qufayo, taasina waxay yaab iyo amakaag ku noqotay dadka gobolka oo ugu danbayntii soo istaagay quus iyo qoonsi, iyada oo dadka shacabka ay markasta hadal hayaan amase dhahaan kuwaan wax cuniddooda waxay uga dareen wax qabad la'aanta, shacabkuna had iyo jeer isku qanciyaan erayga caan baxay guud ahaan Puntland ee ah (iska dhaafa waqtigiisa ha dhamaystee), oraahdaas oo ka turjumaysa samirka iyo dulqaad shacabka reer Puntland. Waxaa xusid mudan dulqaadkii shacabka gobolka Mudug in illaahay khayr ugu badalay kadib markii ay heleen maamul hufan ilaa xad una dhaqaaqay waxqabadka shacabka gaar ahaan Duqa magaalada Galkacyo Md. Cabdirixmaan Maxamuud Xaaji Xassan oo joojiyay dakhligii sida xisaab la'aanta ah loo maamuli jiray iyo laaluushkii la bixin jiray iyada oo lagu ilaashanayo Kursiga, dadka dhagarta wada waxaa horseed u ah xubno kamid ah maamulkii hore ee degmada Galkacyo iyo shakhsiyaad siyaasiyiin ah oo ka tirsanaan jiray xukuumaddii Madaxweyne Maxamuud Muuse Hirsi Cade oo hamigoodu yahay siday u fashilin lahaayeen maamulkan cusub ee loo wada riyaaqay. Waxayna markasta la dabataagan yihiin basaasnimo iyo kharash ay ku bixinayaan bur burintiisa, damacooduna ku salaysan yahay in ay iyagu badalaan markii uu meesha ka baxo, sidoo kale waxay aaminsan yihiin haddii ay maamulka gobolka Mudug fashiliyaan in kan Sare ee Dowladda Puntland na uu fashilmayo, dabcan jahli iyo maan gaabnimo meesha kama marna mar haddii aanay garoowsanayn intii ay meesha ka talinayeen in loo samrayay wiliba iyaga oo laga wada dharagsan yahay in aan waxqabad muuqda looga fadhiyin, sidaas darteed kol haddii aanay taageero shacab haysan markasta waxay hiil iyo garab bidaan suufiyiinta magaalada Galkacyo oo ay isku dayaan in ay ka dhaadhiciyaan in uu Duqa magaaladu Al-itixaad yahay. Hadaba yaa ku sifoobay gabaygaan soo socda? Xaajadu markay gobo'da iyo , gawda culus joogto Keligii nin gaashaantay wuu, gola ka fuulaaye. Gendi iyo dhukaan buu qabaa, cudurro guumeede Gogol wuu ku shaashoonayaa, loo gudboonyahaye Sida goray fallaagoobey buu, Gooni joogyahaye.Gudboonaantu way daalisaa, ruuxa meel gurane Gurracnaanta qiil lagu saxoo, loo gudbaa jira'e Nin uun baa guddoonsha'e xil waa, laysu gororshaaye Galladduna waxay saaran tahay , wax isu geygeyneXaajaba gan baa loo unkaa, talaba waa goore Ummadyahay tiraa kaa gedmane , wax isu geygeyso. Maamulka Galmudug ee Galkacyo Maamulka Galmudug waxaan shaki ku jirin madaxdiisa iyo siyaasiyiintiisu in aanay raali ka ahayn fadqalalada Galkacyo ka socta, waayo waxaa ka hadlay rag aad looga yaqaano Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Gen. Abdi Xassan Cawaale (Qaybdiid), Dr Cumar Salaad Cilmi iyo Dr. Cabdicasiis sheekh Yuusuf oo intuba cadeeyay mowqifkooda ku aadan dagaal ka dhaca magaalada Galkacyo iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta, taasina waxay tusaale u tahay in aanay waxgaradka iyo siyaasiyiinta Galmudug raali ka ahayn colaad laga huriyo magaalada Galkacyo, sidoo kale waxay sheegeen in ay nasiib daro yihiin dagaaladaan iyo colaadaha laga hurinayo Mudug muddo labaatan sano kadib ah halkii looga baahnaa in dadka walaalaha ah la isku soo dhaweeyo oo nabad laga dhigo guud ahaan gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Galkacyo. Balse xaqiiqadu waxay tahay in ay ku dhex jiraan dad si guracan wax ugu muuqdeen waana dad tiro yar markii loo eego inta samaanta jecel, intaas yarina waxay ku dhex gabanayaan xaalad abuuridda ka socota magaalada oo ay qayb wayn ka qaadanayaan dad ka soo jeeda Waqooyiga magaalada Galkacyo, waxayna u muuqdaan in ay yihiin dad xumaan isku biirsaday amase ku heshiiyay in ay dadka walaalaha ah dhibaato ka dhex huriyaan si ay danahooda gaarka ah ee guracan u gaaraan , dadkaas oo markii dhiig daato ka macaasha, waxaan la dafiri karin in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan heshiin karaan oo wada noolaan karaan. Gunaanad Waxaan ku soo gaba gabaynayaa in aan laga tagin caqliga saliim ah oo loo gu ntado in dadka walaalaha ah aan balo la dhex dhigin waayo horaa loo yiri nin balaayo hurshaa mar un buu ku baxaa, gaar ahaan labada maamul iyo waxgaradka labada dhinac in ay u istaagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen xurguftaan soo noq noqtay, dhamaanna dadka magaalada Galkacyo in la tuso in ay walaalo yihiin waxkastana nabadda laga hormariyo waayo haddii aan nabad jirin nolol ma jirto nin caano dhamayana ma jiro haddii amni daro dhacdo, waxaan oron lahaa dadka reer Galkacyo xaqiiqda u laabta oo dib u eega noloshiinii hore iyo colaadihii sokeeye iyo maanta nolosha aad haysataan, dhaqaalaha iyo waxbarashada ciyaalkiinu haystaan, haddii ay dhacdo in dad waxmagarato ah ay afka ciida u daraan ogaada waxaad noqonaysaa (ka shib dhaha umiya Allooy naftii kii ladnaa gadaye). Miisaanku doc buu jiraa Docdii halistuu jiraa!!! Intaan dawan laysu tumin Intay belo deyran tahay Intay weli duur-xul tahay Duul-duulka ku kooban tahay Hadday tahay maalin daran Ka sii daran baa jirtee Dib iyo noqoshaan rabaa Dan iyo nolol baan rabaa Dawiyo nabad baan rabaa Xil daahirah baan rabaa Naftayda inaan u diro Badbaado qof doonayow Kashaada dareen ku beer Dareenka samaa ku beer Indhaha dib u soo Muslimi ILaahay Dartiis ku eeg Daliilka hortaada yaal. Sharmaake Abdijaliil Aden
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
|
Somali Americans combine Somali poetic wisdom with pop melodies |
|
|
|
|
Tuesday, 22 December 2009 09:06 |
Mr. Abbas Hirad is a new artist whose life blooms with eclectic background. He was born Jessop Hospital in Sheffield, England in 1984, and was raised in the city of Burao, Togdheer. He is currenly living in the city of New York, NY. At the age of 15 while studying in Khartoum, he participated in an international cultural event with prominent singers from various countries where he performed along with the Sudanese national orchestra. The Khartoum event became his chief drive and motivation to explore his singing talent further, and seems to have gradually achieved it with tangible success. When he came to NYC, it was his late father Abdalla Hirad who taught him how to play the acoustic/electric guitar. Though locked in a challenging career path as a current student of Civil Engineering at CCNY College in New York, he surprised everyone with his now available online music catalog which register him as a singer with all the qualifying features of a universal talent. His official debut video song "Dardaaran" has attracted loads of listeners from diverse localities. With a supporting cast and a gorgeous young Somali actress Lulu Abdi, "Dardaaran" begins with an introductory lute that clones in perfection its chorus. Dardaaran rings a call of a passionate wisdom and cautions against those who outwardly manifest as true friends but behave with ulterior malevolent design. It appears to be a conventional Somali wisdom that there exists an illusive adversary against a blissful outlook of matrimony. This theme of literary warning repeats in many lyrical Somali songs. "Dardaaran" moreover brings its listeners to bear a direct experience of Tube'e, the voice king of Somalia in his prime time, and Shay Mire Da'ar, both of whom are now very well-liked and popular among the masses. Mr Hirad's talent like other flourishing stars-cum expats of Somalia has been held back by the daily tragic stories of back home. Yet he remains very resilient, confident, and with the help of a young and talented song-writer, tries his best to demonstrate a vibrant energy and spirit to keep the Somali musical art alive and in line with the quality of a world-class orchestra aided by modern technology and a collaborative teamwork.
Mr Hirad and other rising stars indeed collaborate with a young and talented producer, Mr Salah Nur Salah "Donyaale", who still finds ample time to promote talented underground singers despite multiple demands of family obligation, an auditing professional job, and a just finished MBA program. Mr Hirad also joined forces with Barkhad Abdi, another young film director and an artful producer of the contents of video songs. Barkhad composes with facility captivating video scenes that instill its viewers with a sense of dignity, hope and independence for his beloved country and its national character. I first came across the "Dardaaran" as the Youtube version of it was released and published via a number of websites. In the video, there's a time the lead character is at a cafe, studying his lecture notes. He finishes up his reading and departs, but he leaves behind his cell at the desk, so he comes back to recover it. Meanwhile, his sweetheart repeatedly calls only to be ignored by the circumstance. And she becomes sick with desire, which slightly feeds into a petty argument that unfortunately gives those who surround her the opportune time to corrupt their relationship.
The Telephone Trauma is a relevant case as sociologist, John Adams Lee, coined it in his empirical research on the structure of a relationship. Some of us are stable, reserved and storgy, others follow their taste so much that they settle for less and disregard apparent personal flaws whereas others are manipulative, social and flexible. Abbas comes across not only as a national singer but conveyer of great wisdom. His very first album will be available in the stores early next year. Mohamed Elmi
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
|
CEERIGAABO IYO TAARIIKHDEEDA |
|
|
|
|
Tuesday, 01 December 2009 16:25 |
|

Ceerigaabo iyo Taariikhdeenna Ceerigaabo waxay ka mid tahay deegaanka ugu quruxda badan wadankeenna oo Buurta ugu dheer wadankeennu ku taallo,buurahaa joogooda sare waxay sababeen in inta badan ay daruuro dul joogaan oo inta badan roobban tahay,waxa aad ugu badan dhulka cagaarka ah ee doogga iyo caleemuhu qariyeen,waxa deegaankaasi leeyahay biyo ka soo shubmaya meelo joogsare ah(water fall,Shalaalaad),iyo biyo durdurro ah oo qulqulayo oo soconayaa ilaa kiloomitiro kala fog. Ceerigaabo waa deegaanka ugu qabow dalkeenna waxana carradeeda oo aad u wanaagsan sababtay in laga helo dhir aan ka bixi Karin deegaannada kale. Buurta Soomaaliya ugu dheer ee Surad ayay hoosteeda magaaladu dhacdaa ooy ku taallaa,Buurta surad qayb ka mid ah ayaa la yidhaahdaa Daalo,haddaad daalo u baxdo waxaad la kulmaysaa cajaa'ib fara badan,dalxiis iyo daawasho ayaad cajaa'ibta iyo Aayadaha Illaahay ula noolaanaysa muddada aad ku sugan tahay,Waxa jirta haddii maro aad ka tuurto buurta daalo oo hoos u tuurto iyadoo hawo hoosta ka soo neefisay ayay maradii kugu soo noqonaysaa ood dib gacantaada ugu qabsanaysaa,Qaybta Daalo ee buurta waxa ugu sii dheer laba figood oo lakala yidhaaho Sheeb iyo Shimbibiris waxana labada dheer Sheeb oo qaadata ugu saraynta koobkeeda. Markaad buurta ku dul joogto waxaa si fiican kuugu muuqanaya deegaanada ku xeeran ee dhinacyada ka kala xiga,dhinac Magaalada Ceerigaabaa kaaga muuqanaysa,dhinaca kalena Xiis iyo Maydh baa kaaga muuqanaysa,Halka baddii cidhifka kaaga hayso oo haddaad indhaha sii dhaafisona laydhkii Magaalada Cadan ee Yamantu kuu muuqanayo. Buurta Daalo oo qurux Illaahay subxaana watacaalee ku manaystay waxay kugu abuuray khushuuc iyo feker aad ku fekerto awoodda Illaahay iyo siduu Aduunkan u abuuray,ood Illaahay u mahad celinaysaa ado leh Rabiyow waxad u abuurtay kawnkan xaq umaad abuurin baadil,adigaa koreeya.   Ceerigaabo iyo Taariikhdeenna Ceerigaabo waxay ka mid tahay deegaanka ugu quruxda badan wadankeenna oo Buurta ugu dheer wadankeennu ku taallo,buurahaa joogooda sare waxay sababeen in inta badan ay daruuro dul joogaan oo inta badan roobban tahay,waxa aad ugu badan dhulka cagaarka ah ee doogga iyo caleemuhu qariyeen,waxa deegaankaasi leeyahay biyo ka soo shubmaya meelo joogsare ah(water fall,Shalaalaad),iyo biyo durdurro ah oo qulqulayo oo soconayaa ilaa kiloomitiro kala fog. Ceerigaabo waa deegaanka ugu qabow dalkeenna waxana carradeeda oo aad u wanaagsan sababtay in laga helo dhir aan ka bixi Karin deegaannada kale. Buurta Soomaaliya ugu dheer ee Surad ayay hoosteeda magaaladu dhacdaa ooy ku taallaa,Buurta surad qayb ka mid ah ayaa la yidhaahdaa Daalo,haddaad daalo u baxdo waxaad la kulmaysaa cajaa'ib fara badan,dalxiis iyo daawasho ayaad cajaa'ibta iyo Aayadaha Illaahay ula noolaanaysa muddada aad ku sugan tahay,Waxa jirta haddii maro aad ka tuurto buurta daalo oo hoos u tuurto iyadoo hawo hoosta ka soo neefisay ayay maradii kugu soo noqonaysaa ood dib gacantaada ugu qabsanaysaa,Qaybta Daalo ee buurta waxa ugu sii dheer laba figood oo lakala yidhaaho Sheeb iyo Shimbibiris waxana labada dheer Sheeb oo qaadata ugu saraynta koobkeeda. Markaad buurta ku dul joogto waxaa si fiican kuugu muuqanaya deegaanada ku xeeran ee dhinacyada ka kala xiga,dhinac Magaalada Ceerigaabaa kaaga muuqanaysa,dhinaca kalena Xiis iyo Maydh baa kaaga muuqanaysa,Halka baddii cidhifka kaaga hayso oo haddaad indhaha sii dhaafisona laydhkii Magaalada Cadan ee Yamantu kuu muuqanayo. Buurta Daalo oo qurux Illaahay subxaana watacaalee ku manaystay waxay kugu abuuray khushuuc iyo feker aad ku fekerto awoodda Illaahay iyo siduu Aduunkan u abuuray,ood Illaahay u mahad celinaysaa ado leh Rabiyow waxad u abuurtay kawnkan xaq umaad abuurin baadil,adigaa koreeya.   Muuqaaladdan sare waxaad ka dareemaysaa bilicda iyo quruxda illaahay ku mannaystay deegaankan oo dhul wada cagaar ah oo biyaha shalaalaadka ah ama durduraya ay si fiican kuugu muuqanayaan,Aragtidaas ood adigoo dhex jooga daawanaysid waxay leeyihiin macne gaara iyo dareen sarreeya oo naftu ku nasanayso. Haddaba quruxdaa dabiiciga ah ee illaahay subxaana watacaalaa'e siiyey deegaankan waxa u dheer qisooyin iyo taariikho oo ah in bulshada Soomaalyeed Cimrigeeda iyo Taariikhdeedu u noqonayaan deegaankan Ceerigaabo. Ceerigaabo waxay leeday xuuduudka badda cas eey la wadaagto Dalka Yamanta,haddii aad buurta Daalo ku taagan tahay waxa si fiican kuugu muuqanaya Laydhka Magaalada Cadan ee Dalka Yaman. Haddaba Taariikhdeenna iyo jiritaankeenna ama degista Carriga Soomaaliya wuxu ka bilaabmay Deegaanka Ceerigaabo ooy Awoowayaashii dadka Soomaaliyeed dhalay yimaadeen iyagoo ka soo gudbey xeeb badeedda badda cas oo ka yimi dalka Yaman,waxana taa kuu caddaynaya intooda badan ama dhamaanba waxay ku wada aasan yihiin Odayaashii ama Awoowayaashii laga soo tafiirmay deegaanka Ceerigaabo,taasi waxay ka shaki saaraysaa cilmi baadhe kasta ama dadka taariikhda daneeya in dadka soomaalidu iyagoo Islaama soo degeen dhulkan ooy ka yimaadeen wadanada carbeed waqti lagu qiyaaso inuu yahay Qarnigii 2aad ee Hijrada ama Qarnigii 6aad ee Miilaadiga(BC). Waxaynu taariikhda ku wada haynaa in Hijradii ugu horeysey Muslimiintu ku yimaadeen dhulka Xabashida markaas oo boqorkii waqtigaa Xabashida haystey Najaashi uu halkaa ku islaamay sidoo kale dad badan oo wadankaa degganaa iyo deegaannadii la jaarka ahaa ooy ka mid mandiqada ama deegaanka hadda Soomaalidu degto oo waqtigaa Oromo deganaan jirtey,Oromadaas inteedii badnay Islaamkay qaadatay,ka dib markay yimaadeen dhulkaa Oromadu degganayd niman culimo ah oo carbeed oo diinta fidinteeda u soconayey ayaa intay ka soo gudbeen Yamanta yimid Xeebaha Xiis iyo Maydh oo xuduud badeed la leh Yamanta,dabadeed deegaanka Ceerigaabo oo Xiis iyo Maydh duleedkeeda ah ayay yimaadeen,halkaas ayay Oromadii Muslinka ahayd ee deegaankaa degganayd ka guursadeen,oo illaahay caruur iyo durriyad badan ka siiyey,waxa dhul riix lagu sameeyey Oromadii,waxa ilaa iyo iminka magaalooyinka qaar ay sii leeyihiin magacyadii Oromada oo qaar deegaanka Ceerigaabo ku yaallaan waxa kale oo la ogaaday in waqtiyadaa hore eenay aad u sii durkin aynu taariikhaha qaar wadaagney oo cilaaqadeennu xoogganayd ooy ku tusaysayso in cadaw keliya aynu wada lahayn oo ahaa Gaaladii xabashida,waxa tusaale kuu ah in Hogaamiye dagaal yahan ah oo Soomaalidu ku dhaadato taariikhdana ugu jiro sidoo kale Oromadu ku dhaadato taariikhdana uu ugu jiro oo magaca iysifadaynu siinnoba siiyaan taasoo caddaynaysa inaynaan waqtigaa aad u kala soocnayn waa Axmed Gurey ooy sideenna u yaqaannaan Axmed Gurey oo sheegayaan inuu gaalada xabashida la dagaalami jirey oo geesi ahaa. Afka Soomaaligu wuxu ka kooban yahay ama ugu badan Afcarabi iyo Af Oromo,Afcarabiga oo Afkii Aabbaha ahaa ha badnaadee oo dadka qaar baa ku qiyaasa 50% in Afsoomaaligu carabi yahay,qaarna waaba ka badiyaa,Afaf kale way jiraan oo Afsoomaaliga laga helayaa laakiin sababo kale ayay arrintaasi ku timi sida Ingiriiska oo Afkiisu waqtigii uu ina isticmaarsanayey ayuu ina soo geliyey kelmedo aad loo adeegsado waxana askartiisu u badnayd Hindi oo isagu isticmaarsan jirey waqtigaa markaa Ingiriisigii sidii Askartii Hindida ahayd ugu dhawaaqayeen baan ugu dhawaaqnaa oo t-da waxaynu sida hindida u bedelnaa dh,sida light,shirt,plate,hotel…..iwm,oon nidhaahnaa laaydh,shaadh,bilaaydh,hudheel,Afafka kale ee Hiniga iyo Talyaaniga iyo Farannsiisku sidaas uma badna. Taariikhdeenna iyo Cimrigeennu kamay horreeyn Islaamka waxaynu nahay bulsho cusub oo diinta Islaamka mooyee diin kale aan arag oo Illaahay subxaana watacaala'e ayaa inoo gargaaray oo sharaf iyo cisi aynu ku faanno ina siiyey,marka Ummadda Soomaaliya aad maqasho waxa maskaxdaada ku soo degdegaya Islaam,waayo waa dad wada Islaam ah oo illaahay sharfay oo kala cimri dhigay Islaamka.  Ceerigaabo Taariikhdeennii waa dhulkii Awoowayaasha Taariikhda dheeree wiligeed dhignaydee Dhaxalreebka aydee aan marna dhamaaneyn Inta aan la dhimanee uu dhaqanyay aadmigu Dhulkan quruxdu ay dhamays tahay Dhammi ama inta u dhow Duqaydii i dhalay baa Qabrigood ka dhisanyoo Ku dhaqdoo ku noolaa Ku dhistoo ku dhaadnaa Ku dhintoo ku aasnaa Dhulku hodonka uu yahay Taariikh baa u dheer adag. Waxa lagama maarmaan ah in Ummaddi Taariikhdeeda laabta ku haysato oo aanay ka baylihin,waa waxa ay ku xaqiijin karto sooyaalkeeda iyo jiritaankeeda,ma hilmaami karno qiimeheenna iyo waxyaalaha Eebbe gallad inoo siiyey oo innagu manaystay,bal eeg oo u fiirso qof Soomaaliyeed haddii lagu yidhaahdo Gaal sidu isu beddelo oo u doorsoomo tin iyo cidhib,han weynida iyo dhiiranida iyo kalsoonida qofka Soomaaliyeed waxay ka imanaysaa Taariikhdiisa asalka ah een soo marin gaalnimo iyo madmadaw midna,Ummad sida Bulshada Doomaalida Islaanimo saafiya lagu ogyahay la heli maayo,waxan nahay Ummad Islaamka la da' ah oo wada Islaam ah inaan isku xukunno oo ku dhaqanno Islaamkanna waa waajib waana wax noo fudud waayo cid ann xeerinayno oo leennahay waa dad laga fara badan yahay oo diin kale haystaa ma jiraan sida wadannada qaarkood haysata,dhaqankeennu ma khilaafsana diinta marka sida xeerarka iyo qanuunka looga shiidaal qaadan lahaa shareecada Islaamka ayuun baa la rabaa waynu ku dhaqannaaye ku dhawaaqeedoon baan rabnaa. Taariikhdeennu waa taa dahabka ah ee qaaliga ah een cidina innala wadaagin innaguna quujaynayn waa hibo illaah oo cidduu doonuu siiyaa subxaana watacaalaa.Alxamdu lillaah illaah baa mahadleh. Saeed Ibrahin Hussein As/w/w |
|
MAQAAL DIINI AH OO KA WARAMAYA "ADUUNKA AMA KOWNKA" |
|
|
|
|
Tuesday, 01 December 2009 16:10 |
 Adduunka ama Kownka Adduunka ama Kownku waa mid ka mid ah Makhluuqaadka ama waxyaalaha Alle subxaana wataacaalaa abuuray. Adduunku waa Daar ama Hooy leh waqti xaddidan oo Allihii abuuray ugu talagalay ujeeddo iyo sababo go'an,Aduunku waa kelmed carabi ah oo macneheedu yahay tii dhoweyd yacni ma aha meel lagu waarayo,Aduunkan Alle wuxu ku diyaariyey muddo gaaban oo ah 6 maalmood iyadoo wax daal iyo dhibi aanay jirin: ??? ????? : ( ???? ????? ??????? ?????? ??? ?????? ?? ??? ???? ??? ????? ?? ????( Aayadda macneheedu waa Allaa yidhi xaqiiqadii waxanu ku abuurnay samooyinka iyo dhulka lix maalmood iyado aanay wax daali nala kulmin oo na taaban. Alle isagaa korreeya'e wax kasta markuu abuuray ayuu ku hadeeyey oo baray sida iyo dariiqada ay u noolaanayaan ama u jirayaan iyo hawlahay gudanayaan: ????? ???????? ??????? ??????? ????? ?????? ???????? ????? ????? (??) Alle subxaana watacaalee wuxu cirka ama samooyinka taagey iyadoo aan wax tiirar ah aanay haynin waa awoodda illaahaye: ???? ???? ??? ???????? ???? ??? ?????? ?? ????? ??? ????? ???? ????? ?????? ?? ???? ???? ???? ???? ????? ???? ?????? ????? ????? ???? ??????.... ???? ?? ???? ????? Aayadda macneheedu waxa weeye Alle waa kii kor yeelay samooyinka tiir la'aan,dabadeedna carshiga ku ekaaday oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa,midkasti ajal go'an buu ku socdaa,Alle isagaa arrimaha kala debberaya oo Aayadaha fasilaya oo kala dhigdhigaya waxa la arkaa inaad yaqiinsataan kulanka rabbigiine(yacni inaad la kulmi doontaan Alle) Alle subxaana watacaalee wuxu dhulka ku rakibay buuro miisaamaya oo ay dariiqyo iyo waddooyin ka baxaan cirkuna yahay saqaf oo kale oo ka sarreeya Allena sidaa u ilaalinayo oon soo dhacayn: ?????? ?? ????? ????? ?? ???? ??? ?????? ???? ????? ????? ????? ?????? ?????? ?????? ???? ??????...???? ?? ???????? Aayad macneheedu:Waxanu dhulka ku samaynay buuro si ay u sugaan oo u miisaamaan waxanuna u yeellay meelo bannaan iyo waddooyin waxa la arkaa inay ku hanuunaan oo hadoobaan oonay lumin waxanuna ka dhignay samada saqaf ilaashan oo xafidan. Dhismahaa Adduunyada Dheehoo bal daymoo Dhinac kasta ka bogo'oo Dhaygag iyo la yaabiyo Dhamaad aanad gaadheyn Dhismahaa adduunyadu Dhayal iyo ma uu aha Dheeldheel ciyaareed Dhidib li'i cirkaa jira Dhulka gogasha laga dhigay Lagu dhaabay buuraha Dhinacyadana badihiyo Webiyadu dhabbaysteen Dheeldheel ciyaariyo Dhayal looma keenine Miyaanadba dhaadayn oo Meesha soo dhigan In maalintay dhanaan tahay Cadceeduna ay dhowdahay Dhibtu ay kadkadan tahay Dhitadu inay abaal tahay Waxad idinku dhigateen Dhab ahaan u helaysaan Dhigaalkiyo cibaadada Dhibici aanay dhuldhacayn Dhamayskeeda aad heli Dhab u raac hanuunkoo Hooy Cabsida dhaqangelin Alle subxaana watacaalaa wuxu Malaa'igta u sheegay inuu Abuuri doono oo u samayn doono dhulka khaliifad ama cid maamusha oo hogaanka u qabata deed Malaa'igtii waxay yidhaahdeen ma waxad u samaynaysaa cid fasaadisa oo dhiig ku daadisa,annaguna waannu kuu tasbiixsanaynnaa oo ku weyneynaynnaa.Alle wuxu ku yidhi Malaa'igtii waxan ogahay waxaydinaan ogayn,dabadeed waxa uu Illaahay Aadan baray magacyadoo dhan,ka dib ayuu Alle waydiiyey Malaa'igta magacyadii waxay yidhaahdeen Allow adaa nasahane ma naqaanno waxaad na bartay mooyaane adiga ayaa cilmi badan oo xakiim ah,markaas ayaa Alle Aadan ku yidhi u sheeg magacyada,markuu u sheegay Aadan magacyadii,ayaa Alle yidhi miyaanan idinku odhan waxan ogahay waxa qaybka ah ee qarsoon ee samooyinka iyo arladaba iyo waxad muujinaysaan iyo waxad qarinaysaanba: ...???? ?? ???? ?????? markaas ayaa Illaahay ka dalbay Malaa'igta inay u sujuudaan Aadan Malaa'igtii oo dhami way u sujuudday Ibliis mooyaane wuu isweyniisiiyey oo is kibriyey oo kuwa gaaloobay noqday,waxa Alle waydiiyey maxaa kaa manciyey oo kuu diiday inaad u sujuuddo Aadan haddaan ku amray,wuxu yidhi Ibliis anigaa ka khayr badan oo waxad iga abuurtay Naar isagana waxad ka abuurtay Dhoobo.halkaas baa Ibliis lagu eryey oo la nacladay,markaas ayuu isaguna Alle ka dalbayaa inuu daayo oo aanu dilin ilaa iyo Qiyaamaha,Allena waa u yeelayaa ilaa waqti Alle ogyahay baa loo ogolaaday,halkaas ayuu ballan ku galay in Bini'aadamkii dartii jannada looga saaray ee dartii loo nacladay inuu dariiq kasta u fadhiisto oo lumiyo oo u qurxiyo denbiga iyo kufriga: ??? ???? ??????? ?????? ??? ????? ???????? ?? ??????? ?? ??? ?????? ??? ????? ??? ??????? ??? ??????? ??? ??? ?????? ??????... ???? ?? ??????? Aayadda:wuxu yidhi sababta ay iigu noqdeen eryidayda darteed haddaanan u fadhiisan jidkaaga iyo dariiqaaga toosan oo waxan kaga iman doonaa xagga hore iyo xagga danbe dhanka midigta iyo dhanka bidixdaba mana heli doontid in intooda badani kuu shukri naqdo. Alle subxaana watacaalaa wuxu shaydaanka ku yidhi dheerow adiga iyo ciddii ku raacdaba Jahanama ayaan ka buuxin doonaa. Aadan iyo Xaawo Jannada ayaa Illaahay dejiyey waxana lagu yidhi cuna wax kastoo jannada yaalla bes ha u dhowaanina geedkaas oo qudha: ????? ????? ???? ??? ????? ????? ???? ???? ???? ??? ????? ??? ????? ??? ?????? ?????? ?? ????????....???? ?? ???? ?????? Waxana Illaahay uga digay oo digniin ka siiyey Shaydaanka oo yidhi iska ilaaliya cadaw buu idin yahaye yuu jannada idinka saarin oo yaydinaan deed dhibaato mudane ?? ??? ?? ??? ??? ?? ?????? ??? ???????? ?? ????? ????? ...???? ?? ???? ?? Waxa Shaydaanka oo ballan qaaday inuu Insaanka lumin doono bilaabay inuu Aadan iyo Xaawo khalkhal iyo dareengelin ku sameeyo,wuxu ku yidhi:ma idin tusaa geedka haddaad cuntaan aad waaraysaan weligiin oo barwaaqo iyo mulki aan dhamaad lahayn helaysaan!,markuu ku qanciyey ee waswaas ku ridey ayay dhadhamiyeen geedkii;markaas ayaa cawrooyinkoodii isu muuqdeen,dabadeed si degdeg ah ayay caleemihii Jannada Cawrooyinkoodii ugu astureen,Aadan rabbigiis wuu caasiyey oo amarkii la siiyey buu jebiyey oo denbi galay. ????? ???? ??????? ??? ?? ??? ?? ???? ??? ???? ????? ???? ?? ???? ? ????? ???? ???? ???? ???????? ????? ?????? ?????? ?? ??? ????? ???? ??? ??? ????...?? ???? ?? Illaahay ayaa ku odhanaya Aadan iyo Xaawo miyaanan Geedkaa idinka reebin oo idin odhan Shaydaanku cadaw dhab ah ayuu idiin yahay: ???????? ????? ??? ??????? ?? ???? ?????? ???? ???? ?? ??????? ???? ??? ????.... ???? ?? ???? ?? Waxay Aadan iyo Xaawo yidhaahdeen Rabbiyow naftayada waanu dulminnay haddii aanad noo denbi dhaafin khasaare ayaanu ku dhacaynaa oo kuwo khasaaray baanu noqonaynaa: ???? ???? ????? ?????? ??? ?? ???? ??? ??????? ?????? ?? ????????.... ???? ?? ???? ?? Alle subxaana watacaalee wuu u denbi dhaafay waa naxariis badane'e kolkaas baa Aadan iyo Xaawo Jannadii inta laga soo saaray la dejiyey Dhulka oo la yidhi waxa badhba badhka kale u ahaan doonaa cadaw oo waxad ku sugnaan doontaan muddo go'an,dhulkan waa laydinka abuuray waadna ku dhiman doontaan waana laydinka soo saari doonaa. ??? ?????? ????? ???? ??? ???? ?? ????? ????? ????? ??? ??? ??? ???? ????? ????? ?????? ????? ??????.. ???? ?? ???? ??????? Halkaas ayay ka bilaabantay cadaawadda iyo dagaalka ay ku wada jiraan Insaanka iyo Shaydaanku in badanna Illahay waa inoo caddeeyey inaynu ka digtoonaanno Shaydaanka oo iska ilaalino si aanu inoo fidmayn siduu Aabbayaasheen Jannada uga soo saaray,waxana Alle inoo sheegay in Shaydaanku ina arkayo innaguse aynaan arkayn: ????? ???? ?? ????????? ??????? ??? ???? ?????? ?? ????? ???? ????? ??????? ??????? ???????? ??? ????? ?? ?????? ?? ??? ?? ?????? ??? ????? ???????? ?????? ????? ?? ?????? ) . ???? ??????? Waxaa Aayado badani ina amreen inaynu Shaydaanka si dhab ah cadaw uga dhiganno oo ka taxadirno si aanu inoo dagin oo inoo weydaarin karkaarka cadaabkana ina gelin: ?? ??????? ??? ??? ??????? ???? ???? ????? ???? ??????? ?? ????? ??????...???? ?? ???? ???? Shaydaanku waa cadawgiinna ka yeesha oo ka dhigta cadaw,wuxu idiinku yeedhayaa xisbigiisa si aad Asxaabta Saciira(cadaabta) gelaya uga mid noqotaan. Waxa Illaahay ka dhigay Adduunka meel ama goob shaqo oo qofba wuxu kasbado uu u helayo abaalgud ama Janno ama Naar: ???? ?????? ???? ????? ???? ??????? ??? ??? ??? ??? ???? ??? ??? ???? ??? ?? ?????? ? ?????? ????? ?????? ??????? ????? ????? ????? ?? ???? ?????? ) ?????? Illaahay wuxuu soo dejinayaa Aadan iyo Xaawo iyo Ibliis Adduunyada degga dhamaantiin kii la yimaadda hanuunkayga waa kii raaca amarkayga iyo wadadayda wax cabsi iyo wax murugo ahna ma arkayo,kuwa gaalooba ee beeneeya Aayadaha Illaahay,kuwaasi waa Asxaabta Naarta oo way ku waari doonaan. Ma Ogtahay adoonyohow Aduunkanaad arkaysaa Ujeedduu u Yaalloo Allihii abuuraa U asteeyey sidatane Amar Eebbe bixiyaa Ibliis dhega adaygoo Eryid lagu fogeeyee Ayaantaasaay Aadmiga Ibliis is eedsadeenoo Inuu ambiyo goostoo Ilaa aminta aakhiro Waa arrin sugnaadoo Addoonkii Aflaxaybaa Ka itaal samaadee Inta kale Adeegsaye Inta ay adeecaan Buu awr u rarayaa Markay eersadaan berri Isna wuu inkriyaa Waa arrin la yaablee Awoodlow illaahay Aadamaha dhamaantood Aragtidood wuu midayn kari Oo erey qudha ka dhigi kari Amar Eebbe weeyoo Imtixaanno adag baa Axad kasta hor yaallee Anbiyadii la soo diray Isku erey bay ahaayeen Illaah keliyi inuu jiro Oo Eebbe laga baqo Bay wada iftiiminaayeen Iimaanso waxa jira Amar Eebbe weeyee Amin go'ane ajali sugan Aadmi idil iilka wuu geli Uumiyuhu dhamaantii Wuu aroori doonaa Eebbihii Abuuraa Xisaabtii astaynoo Ninkastaba Abaalmarin Afkaarta iyo Aragtidu Itaalkiyo Aqoonuhu Ururradiyo Asxaabuhu Ikhtilaafka Aragtidu Amakaagid ma laha'oo Ashqaraar ma keentee Allahii Abuuraa U iftiinshey idilkood Halkay eersanaayaan Kii iftiinka raaciyiyo Kii Ambasho doortaa Abaalkooda way heli Ayaantaa dambaysee Ha ilduufin weligaa. Aadduunku waa meesha laynaga abuuray ee dhoobadii Aadan laga abuuray taalley,sidoo kale markaynu dhimanno isagaa dib laynoogu celinayaa,ka dib Qiyaamaha dib ayaa laynooga soo saarayaa oo qofkasta xisaabtiisuu la kulmayaa,thou man is dust unto dust thou shall return: ??????? ????????????? ???????? ??????????? ????????? ???????????? ??????? ???????(??). Isagaanu(Dhulka)idinka abuurnay,isagaannuna idinku celin doonnaa(qabriga) isagaannuna idinka soo saari doonnaa(Qiyaamaha) Waxa Adduunkani yahay goob lagu jiro imtixaan oo natiijadiisu soo baxayso markuu dhamaado waa Qiyaamaha'e,waxana lagu jirayaa dagaal Shaydaanka lagula jiro oo soconaysa una baahan feejignaan iyo diyaar garaw joogto ah,oo marna aan arrinka la dhayalsan waayo Shaydaanku wuu ballan qaaday inuu lumiyo bini'aadanka waana cadow cad oo Alle inoo sheegay oo yidhi ka dhigta cadow oo yaanu idin luminin oo idiin qurxinin Adduunka oo idiinka dhigin goob lagu gaadho degganaansho iyo waarid,Aduunku waa wax kooban Aakhirose waa meel lagu waarayo oo qofba wuxuu shaqaystay helayo. Illaahay Jannaynu ka baryaynaa iyo wanaag If iyo Aakhiro Aamiin Aamiin Saeed Ibrahim Hussein As/w/w |
|
Ninkii sheegay ma dhaafto |
|
|
|
|
Tuesday, 17 November 2009 09:17 |
 Mahad oo dhan waxay u sugnaatey Alle subxaanuxu watacalaa ku dayashana waxaa mudan nabigeena muxamed csw, intaasi ka dib waxaan jeclahay inaan ummada reer Puntland uga tacsiyeeyo geeridii naxdinta laheyd ee loo geystey marxuum shiikh maxamed Cabdi Awaare & xildhibaan ibraahim cilmi gaab waxaan si gaar ah ugu dirayaa tacsidan ehelada caruurta xaasaska iyo qaraabada marxuumiintan labada marxuum waxay ku baxeen gacan ka xaq daran iyagoo ahaa labo nin oo da’a weyn bulshadana u hayey shaqo ay hubinti tahay in ay ku jirto danta iyo xasiloonida Puntaland. anigu waxaan ka mid ahay dad reer Puntland waxaan ka soo jeedaa gobolka bari gaar ahaan magaalada boosaaso waxaan ahay dadka soomaaliyeed ee ku nool dhulalka qurbaha, waxaan aad ula socdaa waxa dalkeena ka dhacaya maalin iyo habeen isha ayaan jeclahay inaan ku hayo dalkeygii waxa ka socda niyaduna iima ogolaan inaan ka aamuso falalkii naxdinta lahaa ee ugu dambeeyey ee dhacay gaar ahaan dilkii qorsheysnaa ee mudooyinkii u dambeeyey ka dhacayey Puntland waxaan ahay dadka aadka ula socda baraha internetyada waxaana igu kalifay qoraalkan anigoo qoonsadey arimo fara badan oo ay ugu horeyso dilkii shiikh axamed cabdi awaare naxariistii alle ha siiyee iyo tuhunka laga qabo dadka ka dambeeya.. Inkastoo aysan aheyn xisaab la’aan oo aduun iyo aakhiro qof kasta wuxuu geysto lagu xisaabin doono hadana waxaan jeclahay inaan bulshada reer Puntland la qaybsado nin shaki badan iga galay kaalinta iyo doorka uu ku yeelan karo dilkaasi ninkaasi waxaa lagu magacaabaa Maxamed Saalax waa nin Soomaali ah oo ka soo jeeda Puntland qaxooti ku ah wadanka Australia wuxuu madax ka yahay web site lagu magacaabo biyokulule aqoontase aan u leeyahay waxay tahay in uu yahay tagsi wade dalkaasi ku nool mase aqaan meesha ay iska galaan saxaafada iyo shaqada Maxamed uu hayo. hadii aan dhab u xuso shakiga arintan waxay tahay muslim iyo gaalo lama sheegin in qof dhintey oo waliba Shiikh ah caydiisa laga dhigto shaqo Maxamed Saalax wuxuu ku qoray webistekiisa biyokulule war uu aad ugu aflgaadeeyey marxuumka dhintey waxaan shaki ka sii qaba in afar maalin ka hor ayuu ku soo qorey caydaasi oo ilaa iyo hada websiteka ku jirta waxaan is iri ma isagaa ka dambeeyey dilka mise dadka dilkaasi foosha xun geystey ayuu siiyey talo iyo tafaasiil uu eersadey marxuumka dhintey halkan ka fiiri http://www.biyokulule.com/view_content.php?articleid=2310 wax xun maaha in qofka masuulka ah wax laga sheego waayo bulshada uu xilka u hayo ayaa laga helayaa kuwa la mid ah maxamed Saalax oo wanaaga iyo samaha ilaah ka indho saabay balse waxaa amakaag ah in wali website biyokulule ay ku jirto caydii iyo aflagaadadii beenta iyo ilaah ka dheeraanshaha aheyd ee uu qoray ninkaasi tagsiilaha ah, anigoo markii hore la yaabnaa waxa uu qorey maxamed saalax ayaa afar maalin ka dib la dilay Shiikh maxamed Cabdi aware niyada ayaan iska iri ninkaasi armuu shirqoolka ka dambeyey waayo xitaa markii dilku dhacay ayaan u sii fiirsadey xitaa website kale oo ay isku afkaaryihiin oo dacaayadaasi oo kale lagu qoray markii gudoomiyaha la dilay waxaa lagu qoray geerida ama dilka marxuum maxamed cabdi awaare balse webka biyokulule ee maxamed qoro iska daa in uu qoro dilka wuxuu wali ku sii hayaa caydii iyo xumaantaadii been abuurka aheyd ee uu ka qoray marxuumkaasi ciida ka hooseeya marka miyaanan u muuqan in Maxamed Saalax uu ka mid yahay kuwa loo baahan yahay in la baaro kaalinta ay ku leeyihiin dilkaasi, waxaan ugu baaqayaa maamulka puntland iyo qof kasta oo arintaasi baaritaankeeda ku jira inaan lagu ekaan bosaso ama Puntland ee baaritaanku uu gaaro Australia waayo hadii intaasi oo cadeymo ah la hayo iyo in kale oo aan anigu ogeyn wadankaasi sharci ayaa ka jira Maxamed Saalaxna waxaa la horkeeni karaa cadaalada waayo sida muuqata dilkasi ama wax ayuu ka ogyahay amase isagaaba ka dambeeya oo soo abaabulay.
ma ihi runtii qabiilada ay ka kala dhinteen labada marxuum waxaanse aad u aqaan shiikh maxamed cabdi awaare anigoo yar oo iskool dhigta sanadkii 1971 ayaan ogaa shiikh maxamed oo kaaliye ka ah maxkamada boosaaso ninka warkan soo qorayna wuxuu leeyahay waardiye ayuu ka ahaa maxkmada 1989 sow taasi ma ahan wax ilaah looga fogaanayo waayo hadii aad been sheegto waa ilaah ka dheeraasho mideeda kale inkastoo marxuum shiikh maxamed maanta moontahay hadana been waxaan aheyn in uu sumcad iyo sharaf kulahaa dadka reer boosaaso dhexdooda sida aan u hubo wuxuu hayey wax badan taariikh ah bogcado la isku qabsadey kala saaristooda ganacsato badan oo runtii khilaaf dhex marey kala saaristooda iyo kuwa badan oo heshiisyo galaya hubintooda iyo marqaatigooda marka miyaan oran karin halkaasi waxaa inooga banaanatay dabeyl haa ayaan oranaa karaa. ugu dambeyntii waxaan wixii khalad ah waydiisanayaa cafis ilaah waxaan jeclahay inaan u mahdnoqo websiteyada reer puntland iyo kuwa ee somali ee wax ka qoray dilkaasi marxuumiintaasi loo geystey. Ilaahow xaqa u hiili oo cadalada horkeen kuwaasi dilalkaasi foosha xun geystey. Waad mahadsantihiin Ahmed Mohamed
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Oslo Norway |
|
Soomaalida iyo Ramadaanka Makkah Shiikh Maxamed Idiris |
|
|
|
|
Saturday, 19 September 2009 16:32 |
Mekkah:-Caawa(Xaley) 29/9/1430 (18/9/2009) ayaa Masjidka Kacbada lagu soo khatimay Qur’aanka Kariimka ah oo lasoo wadey 29 habeen oo bisha barakaysan ee Ramadan ah. Habeen kasta sida caadada ah waxaa Masjidka Xaramka ah ee Kacbada lagu tukadaa 20 Rakcadood Taraawiixda iyo hal Jus oo Qur’aan ah.
Markii Tobanka hore dhamaado ayaa Juska wax yar habeen walba lagu daraa si habeen 29aad (caawa oo kale) loo khatimo. 10 habeen oo dambe waxaa la tukadaa Tahajjud laga bilaabo 1 am. Marka 20 cisho oo hore qofka cishaha Xaramka ku tukada wuxuu tukanayaa 4 cisha ah + 2 sunna ah + 20 taraawiix ah + 3 witri ah = 29 Rakcadood. Haduu sunnayaal kale ku darsadana kasii badan, sida sunnaha dawaafka oo kale. 10 habeen ee dambe waxaa intaa raacaya 10 Rakcadood oo Tahajjud ah, wexeyna habeen walba noqoneysaa 39 Rakcadood inuu ruuxa Xaramka jooga ee wada dhamaystaa uu tukado.
Masjidka Xaramka Makka, 1 salaad wexey u dhigantaa 100,000 salaadood oo meel kale lagu tukadey. Waa ajar aad u weyn oo aan xisaab lahayn qofkuu Rabbi u aqbalo. Si kale haddii loo xisaabiyo, hal salaad oo ilaahay kuu aqbalaa wexey ajar u dhigantaa salaad aad meel kale ku tukatey in ka badan 54 sanadood. Waxaa intaa weheliya fadliga xaramka oo ay ka mid tahay: · Salaadda = 100,000 salaadood · Dawaafka Kacbada oo aad markasta heli karto · Zamzamka oo aad ka durduurato oo waxkasta oo loo cabo ah · Jamaacada adduunka ugu badan 1 milyan ilaa 2 milyan ooh al imam leh · Qibladii Muslimiinta (Kacbada) oo aad u jeeddo markaad tukaneyso · Janaaza aad salaad walba ku tukato (Ajarkeedu waa buurta uxud oo kale) · Muslimiinta adduunka meel kasta ku nool oo aad wax ka aragto · Cimrada oo waqti kasta aad gudankarto (Dawaaf + Safa iyo Marwa + timaha xiirid ama gaabin ragga – dumarkana in yar tinta caaradeeda la gooyo, cumradiina intaas ayey ku dhamaatay. · Meelaha ducada lagu ajiibo oo ku badan: Maqaam Ibrahiim,Multazim, Xajarul Aswad, Xijri Ismaaciil, Safa iyo Marwa, Dawaaf,Zamzamka,iyo Masjidkoo dhan. Sanadkan waxaa Salaadda Taraawiixda tujinayey Sh. Abdalla Al Juhani, Sh. Maahir Al Muceeqili oo taraawiixda ahaa, Sh. Cabdiraxmaan Sudais, Sh. Sucuud Al Shuraim oo Tahajjudka ahaa. Caawa ayuu Sh. Sudais 10 rakcadood ee dambe taraawixda tujiyey, waayo Ducada Khatimka Qur’aanka isagaa loo daayey sida caadadaa, 20 sano ee u dambeesey, wuxuuna ka dhaxlay Imaamkii hore ee Xaramka ee lahaan jirey ducada khatimka qur’aanka Sh. Cabdalla Al Khulaifi, Allaha u Naxariistee, oo ahaa nin ducada aad ugu fiican oo khushuuc badan, 2dii sanoo u dambeysey noloshiisa ayaa lagu wareejiyey Sh. Sudais oo Beddel fiican u galay. SOOMAALIDA IYO CUMRADA RAMADAAN Waayadii hore Soomaalidu Cimrada Ramadaanka kuma badnayn. Waxaan garanayaa 80yadii Soomaalida soo cimraysataa wey yarayd. Dadka soo cimraysta oo dhanna sidoodaba wey yaraayeen, oo xaramku ma buuxsami jirin. Waxaan xusuustaa 1981dii mar aan 10kii dambe xaramka joogney, dabaqa labaad ayaa fariisin noo ahaa. Ballaarina Boqor Fahadna markaa weli lama fulin. Sidaas oo ay tahay, dadka jooga dabaqa labaad wexey ahaayeen waqtigaa Teel Teel. Tiirkan haddaad fadhido, dadka kuugu soo dhow wexey fadhiyaan tiirka kale. Habeenadaas ayaa ugu horreysey oo Sh. Cali Jaabir Allaha u Naxariistee inuu ka tujiyo Xaramka Makkah. Habeenkaa 1aad ee uu dadka tujiyey wuxuu ku istaagey aayadda: (??? ??? ????? ????? ?? ???? ??? ??????? ??? ???? ???????) ???? ???? waan xusuustaa ilaa hadda, dadku iyagoo la murqaansan wiilkan codkiisa ayey hal mar goobtii Imaamku taagnaa dho’ kusoo yiraahdeen. Waxaan ka mid ahaa dadkii habeenkaas taagnaa ee indhaha lasoo raacay. Ka dibna dhawr sano isaga iyo Sh. Sudais oo kadib yimi, wexey kusoo saaxiibeen tujinta, kadibna Sh. Cali Jaabir waa laga joojiyey Xaramka wax loogu duur xulayba, wuuna xanuunsaday, markuu caafimaadayna wuxuu ka tujin jirey Masjid Jidda ku yaal oo la yiraahdo (Masjid Buqshaan). Waxaa isla Sanadkaas isna Masjidka Makka ka bilaabay taraawiixda Sh. Cali Al Xudayfi, oo dhawr sano ka dib loo magacaabay Imaam Masjidka Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam ee Madiina, ilaa Haddana ka ah. Laakiin waxaa Mahad Ilaahay ah, in maanta Xaramka Makka markaad gasho aad arkeyso Soomaali aad u fara badan, oo weliba dhalin yaro u badan, marin kasta oo xaramkana kaaga hor imaanaya, rag iyo dumar, weliba dadka dibadda, Halka waayadii hore 70yadii iyo 80ydii ay iman jireen inta badan dad da’ weyn oo keliya. Xaramka Haddaad gasho waxaad arkaysaa Soomaali aad u fara badan oo dhalin yaro weliba u badan, kana kala timi daafaha adduunka, Maraykan, Kanada, Europe oo dhan, Afrika gaar ahaan Kenya oo si aada sanadahan dambe looga soo cimraysto. Balse shacbaankii waxaaba joogey dhawr rac oo dhalinyaro ingiriiska iyo Scandinavianka ka yimi, oo gruupa ah, kiiba 100 ku dhowyahay. Arrintani waa mid farxad leh, wexeyna daliil muuqda u tahay, sida baraarugga Islaamku u taabtay bulshada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto, cimrada keliyana maaha ee xajkana sidaas si kasii weyn ayey Soomaalidu sanadahan dambe u soo xajisaa. Wexey kaloo daliil u tahay, baraarugga Islaamka kasokow dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed oo soo kobcaya, waayo kharashka cumrada iyo xajku sanadahan dambe kor ayuu u socdey. Waxaad arkeysaa dad kala duwan tujaar, arday, profasooro, aqoon yahan kala duwan, culimo, siyaasiyiin, shaqaysato badan oo xirfada kala duwan leh, oo xaramka ramadaanka ku ictikaafaya. Waxaa Soomaalida joogtey xaramka ka muuqatey murugo ay ka qabaan dalkii hooyo xaaladdiisa, iyadoo aaney ka marnayn mararka qaarkood Masjidka gudihiisa ama banaanadiisa inaad ku aragto somaali ka doodeysa arrimaha dalkoodi ka taagan, iyadoo ay muuqato sidey u kala taageersan yihiin qaybaha is haya. Dadka qaarkiisna wexey aad isaga ilaaliyaan intey joogaan xaramka iney hawlahaas soo hadal qaadaan, ama xitaa cid kale la sheekaystaan oo wexey jecelyihiin maalmahaan yare e fadliga badan iney si fiican u khalaaweeyaan, Allohoodna baryaan oo dembi dhaaf weydiistaan. Duca Badan ayaa Makka looga duceeyey Soomaaliya, gaar ahaan inta diinta xaqqa ah u gargaareysa Ilaahay inuu u gargaaro, guul siiyo, taladooda mideeyo, Cadawga Islaamka iyo Muslimiinta iyo wixii garab siiya ama hiil u noqdana Ilaahay inuu hoojiyo, jebiyo, halaago, dhagartoodana Ilaahay Muslimiinta ka badbaadiyo oo laabtooda waran ku dhaca ka dhigo. Marka laysku soo duuduubo, xaramka Soomaalidu sidey ugu soo badaneyso sanadahan dambe, siiba dhalinyarada iyo aqoon yahanka iyo baayac mushtarka, wexey qofka muslimkaa gelineysaa yididiilo in Ummadaani soo socoto inshallaahu, waa fiicanina usoo bidhaami doono ilaahay idankii, sababta dagaalka kala duwani ugu socdana ay ka mid tahay dareenkaas la dareemayo iney tahay Ummad diini kasoo iftiimeyso.
Makkah Al Mukarramah Sh.Maxamed Idris
|
|
Puntland: From a Utopian Vision to a Clan Enclave |
|
|
|
|
Friday, 18 September 2009 19:04 |
|
After a long cherished hunt of ordered society, stability and a common defense pact, Puntland sub-state was formed. It all began in a familiar setting (Garoowe) when Harti elders and leadership alongside local Darod clans had pledged allegiance to a new regional alliance. On January, 1994, former members of SSDF and USP attended the first Constitutional conference and it dragged on for years (1). It was a marked period in post-civil war Somali history, which birthed this idea that defends the nation's sovereignty, upholds the rule of law, and assists in restoring the Republic. Support for this new regional alliance grew immediately, mapping a state that stretches west to Ceerigaabo and south to Gaalkacyo.
However, its autonomous history ab ovo, Puntland had transformed from a utopian vision to a clan enclave driven by SSDF power ambitions. It's this dismal, downward spiral of the state's utopia since its inception that had created an irksome knack turning yesterday's genius of Puntland into a despotic and nepotistic officials. Also, given their passive involvement, the people of Maakhir(Sanaag and Bari) had shaped the evolution of today's Puntland. They are also haunted by poignant enquiries of unresolved political and economic issues harking back to the days of the collapsed totalitarian regime. For Puntland's state evolution, there are still outstansing issues. What is causing the lack of fair representation for the Makhiris in both of the legislative body and the cabinet? What power sharing method does the state employ to distribute its limited resources? Why the state did not appoint Haylaan's regional council? Such sensible sentiments and many others in the minds of the Diaspora have arisen after a decade of Puntland's alienation policy. Abdullahi Yusuf's era, however, had produced administrative policies reflecting the birth stage of the state. It dealt well with the most primary security concern posed by the neighboring "Somaliland". A veteran with a military expertise, he drafted policies that strengthened the military and the police by paying salaries and dignifying the profession. Despite few attempts, Abdullahi failed to incorporate Sanaag, Haylaan, and Western Bari fully into the administration thus setting the stage for Cadde Muuse, the former president, to inherit only an attempt. Adde with no ambitions to reform had only added more problems to the already disabled state. During his era, the economy was on the brink of collapse with record inflationary prices of food and other routinely consumed goods. This was due to a lack of visible financial infrastructure compounded by the illegal practice of printing counterfeit Somali currency. Adde and his cronies' counterfeiting business affected the Makhir regions. These internal problems along with his shameless practice of handpicking his clan to the highest posts had led the Makhiris to birth questions on the legitimacy of Puntland. The administration responded by adopting again an alienation policy in which no Sanaag, Haylaan, and Western Bari affairs had been discussed or brought on to the table. With that policy in full force, Adde had yet made another bad move. On March 2006, officers of Range Resources, Ltd escorted by Puntland militia arrived in Majiyahan (western Bari) to collect sample minerals without the communities' consent. It quickly turned into a deadly skirmish, forcing Puntland and their business partners out of the entire region. This episode serves as an important bullet point in Puntland's short political history. From this period, many other clans were inspired to challenge the administration adding on to the list of challenges for the incompetent administration. During Cadde's office term, many NGO's and environmental advocates accused his administration of engaging in the large scale destruction of the Sool Plateau's accasia tree for the lucrative charcoal business at the port of Bosaaso. Mass cutting of trees had resulted in the loss and depletion of grazing land necessary to maintain the survival of livestock--a main source of income for the pastoral communities in Sanaag Region. The administration's involvement, silence or lack of addressing the consequences of deforestation had truly devastated one of Somalia's driest areas. In denouncing the disastrous charcoal trade, the Makhiri nomadic communities formed an Environmental Protection Corps (EPC) that patrolled Makhiri regions, including the outskirts of Bosaso(3). These troops funded by the native Makhiris had confronted Puntland troops and detained dozens of hired individuals of ethnic Oromo background, thus re-enforcing further their pernicious involvement (2). The release of Somali and Oromo prisoners were negotiated on a clan-based mechanism and other conditions. After an enormous campaign by the region's leading media outlet, (Dhahar Radio) and tireless effort of EPC, much success was achieved that has contributed to a slowdown of charcoal production. The Majiyahan incident, moreover, along with the administrations alienation policy had birthed the idea of "Makhir state", a regional administration declared in Sanaag, Haylaan, and Western Bari. These regions make up around 1/3 of Puntland with a population that exceeds 650,000. One can easily see how a principal actor in the formation of "Puntland" would withdraw their confidence and loyalty to the de-facto state. Just after the formation of "Makhir State", Puntland was due to hold an election. Consequently, with a newly presented opportunity, the Makhir people once again vowed to reform a system long corrupted. General Abdulahi Ahmed Jaamac (Ilka Jiir), with the support of the Diaspora have pledged to re-introduce a "new Puntland" to the Makhiris, "a Puntland for all of its stakeholders". His arrival on the scene followed the dissolution of the Makhir administration, as he convinced the Makhiris to give Puntland one more chance. Although both of the previous administrations had failed to fully incorporate Makhiri regions into Puntland, the Makhiris at home and abroad are still waiting for the new President (Faroole) and his Interior Minister (Ilka Jiir) to deliver their promises. Puntland's success depends greatly on the commitment of its leadership. If leaders are neither prone to compromise nor execute their functions with transperancy and accountability, regional tensions are bound to re-emerge. Moreover, in some cases the resulting tensions will turn into conflicts as in the case for Majiyahan. The states' new leadership must become aware of the fact that a fair system spawns security, stability, and development of every region, and Puntland cannot hope to make progress towards development or democracy without creating conditions and institutions necessary for a lasting solution to internal issues and just political representation. By AbdiQudus Nur Salah (Donyale) Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan Email:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
--------- REFERENCES: 1. Gerard Prunier. SNU, Uppsala. SOMALILAND: INTERPRETING DOCUMENTS FROM CONFERENCES January 27, 1994. [http://www.dhahar.com/articles/usp.html] 2. Maqal iyo Muuqaal. MAXAABIIS Dhahar Online . Sept 07, 2007 [ http://www.dhahar.com/article.php?articleid=2517] 3. Maqal iyo muuqaal. Kacdoonka dhuxul joojinta iyo saameynta ay ku yeelatey Soomaaliya...[ http://www.dhahar.com/article.php?articleid=5567 ] |
|
Soomaalidu isma dhiibayso!|Sh. M. Idris |
|
|
|
|
Friday, 04 September 2009 17:16 |
|
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato. Taariikhdu waa cibro iyo cashara waaweyn, waa kaydka waanada iyo waaya aragnimada. Dhacdooyinka maanta dhacayaa berri wexey noqdaan taariikh. Taariikhdu cidna ma duudsido, qof walbana wexey diiwaanka u gelisaa wuxuu galo iyo wuxuu gudo, booska uu istaago iyo kaalinta uu qaato Ummaddiisa ama diintiisa ama dalkiisa. Taariikhdu ha qorto ..Gumaystuhuna ha ogaado, Soomaaliya dad iyo dal, inkastoo maanta baalku qoyanyahay, Qaran jabna ku dhacay, haddana isma dhiibeyso Ilaahay idankiis. Isma dhiibeyso, Gumaysina ogolaanmeyso, duud xammaalna Soomaalidu weligeed noqon meyso. Minka Gabdhaha Soomaaliyeed ee Muslimaadkaa ma gurin…. mana guri doono Ilaahay idankiis, wuxuuna maalin walba foolanayaa Geesiyaal la mida kuwii ay horay u dhaleen, Sida Maxamed Cabdille Xasan iyo Sh. Bashiir iyo raggii la midka ahaa. Taariikhdu ha qorto dadka gumeysiga u sacab tuma,. iyo kuwa dalkooda iyo dadkooda iyo sharaftooda in lagu xadgudbo diida. Diiwaanka taariikhda adduunku weligiis waxaan sharaf darro iyo magac xumo ahayn uma qorin kuwa gumaystaha dadkooda iyo dalkooda ku soo hoggaansha, ama gumaystaha u adeega, ama marada huwiya. Lama sheegin Taariikhda dhaw iyo tan fog, midna, nin dadkiisa iyo dalkiisa cadaw shisheeye kusoo hoggaanshey, dugsadey oo ka doonay inuu kursi ku fariisiyo, oo Ummaddaas dhexdeeda sharaf ku yeeshay, ama magac diineed iyo mid adduunyo ku helay. Dadka Gumaystaha dhulkooda kusoo horseeda weligood waxaa u dambeeya, dulli iyo sharaf dhac, iyo magac xumo, Sharciga Islaamkana agtiisa wexey ka yihiin kuwa dad ugu liita hadaaney Ilaahay u towbad keenin. Sayyid Muxamad Cabdille Xasan Allaha u naxariistee, Soomaali kastaa yar iyo weyn wuxuu u yaqaan nin gumeystihii dalka inuu qabsado doonayey la diriray, af iyo gacanna isugu daray. Soomaalida keliya maaha, balse adduunka oo dhan ayaa taariikhda u aqoonsan inuu ahaa halyey, geesiya, oo diintiisa iyo dalkiisa gumaystaha ka difaacanayey. Sidaas darteed ayuu Taariikhda Soomaalida uga jiraa maqaamkaas wanaagsan, gabayadiisuna u yihiin taariikhda Soomaalida kuwa ugu wacan. Waxaa laga yaabaa rag badani iney Sayid Maxamed gabaga uga aqoon badnaayeen, laakiin waxaa gabayada Ina Cabdille Xasan magaca weyn iyo maqaamka siiyey waa qadiyadda ay xambaarsanaayeen, iyo mabda’a diineed ee uu difaacayey. Halka dadkii gumaystaha la safnaa maalintaas, ee horkacayey ay taariikhda baalasha xun uga yaalliin, Soomaaliyina aaney cidnaba ka garanayn sidey taariikhda ugu qiima beeleen. Sayidku wuxuu taariikhda ku kaydsaday kelimada aan weligood la ilaawi Karin, markii lasaaro miisaanka sharciga iyo sharafta iyo gobanimadana noqonaya, dahabka asalkaa oo kale ama ka qiima badan. Waa ninka yiri kana dhabeeyey – Ilaahay janadii haka waraabiyee – tix aan ka hayo: Diintayda anigaan ku gadan dabaqi naareede, Anaa diidey degel aan la galo daallin ii colahe, Dalka ma lihid anigaa ku iri doora weynaha e, Anaa diidey deeqdiisa ay naari daba taalle, Dahabkii u waday waanigii daadiyee qubaye, Dagaalkiisa anigaw xishoo daalib ku ahaaye, Durdurada Firdawsaad anaa doortayoo rabaye, Anaan labada daarood tan hore dereja moodayne Soomaalidii u shaqayneysey gumaystaha ee lasoo safatayna wuxuu ku yiri, tuducyo aan ka hayo: Waa wada damiin an kasayn debinka hoos yaalle, Waa niman daboolmoo qalbiga daabac kaga yaalle, Dib wixii u dhici waa waxaan dooc ka garanayne, Waa wixi dabbaal degey anoo gaal isoo dilaye, Waa wixi durbaansanahayaan ii dub nixi hayne Dawa kama heshaan Frenji aad daawa dhigataane, Marka hore dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye, Marka xiga dalkuu idinku oran duunyo dhaafsada e, Marka xiga dushuu idinka raran sida dameeraaye, Marka xigana daabaaqadda waa idin dareensiine, Sidaa darted Soomaali kastaa wuxuu caanaha hooyadiis la nuugey necaybka Gumaysiga, gaar ahaan midka ugu soo dhow ee wax badan isku deyey ee Xabashida. Siyaasi kasta oo miciin bida inuu Soomaali xabashi kusoo hoggaansho oo jaga ku helo, waxaa u dambeeya dulli. Dadka gumaystaha horbooda, ama dawladuu u dhiso uga shaqeeya, taariikhda waxaa loo geliyaa magacya xun, ummaddaasna agteeda wax sharafa kama mutaystaan. Kuwa u dhinta ama u halgama iney Gumaystaha dalkooda kusoo duula ka hortagaan oo aan isu dhiibinna wexey taariikhdu u qortaa Geesiyaasha wadankaas. Arrinkaas taariikhda ahi waa mid ay isku waafaqsanyihiin dhammaan Bani aadamka adduunka ku nool gaal iyo muslim. Wadamada adduunka maanta ka dhisan intooda badan wexey leeyihiin taariikh qortay kuwii gumaystaha dalkooda kusoo hoggaanshey ama u adeegey iyo kuwii diidey iney is dhiibaan oo ka hortegey gumaystaha. Weliba ummadaha hadda dadka ka hortaagan iney dhulkooda gumaystaha u diidan, ee ku dhaleecaynaya iney diidaan gumaysiga iyo adoonsiga, wexey ogyihiin inaaney iyaguba -horayna u yeelin -haddana ayan ogolayn in dalkooda gumayste ku soo duulo oo qabsado, dadkiisana rarto ama adoonsado, ama xukuumada midiidina oo isaga u shaqeeya u dhiso. Gumaystuhu taariikhda sida ku qoran, waaba kala xishood badan yahay. Mid baa xoogaa u hambeeya dadka uu ka adeegsado dalalka uu qabsado, si uu in yar wajiga ugu dhawro, maaha qadarin uu dadka u adeega qadarinayo, laakiin si ay hawsha uu u dhiibto u meel mariyaan. Gumaystayaasha qaarkoodna waxba uma hambeeyaan kuwa u adeega, dhulkeyna ku jiidaan, Markey ka dhamaystaanna iyagey ugu hor tufaan. Sida mara calala oo ay neceen ayey qashinka ku tuuraan. Soomaali badan oo sida marada uskaktay loo tuuray ayaa badan qaarkoodna weli dhabarku sii muuqdo, kuwa kalena wadadii ayey kusii socdaan, mana dheera – hadaaney Ilaahay u noqon oo Ummaddooda ka xishoon – in mar aan dheerayn sidii mara uskaktay la tuuri doono. Charles De Gaulle, wuxuu ahaa General Faransiisa. Markii Ciidamada Naaziga ee Jarmalku Faransiiska Qabsaday, oo Dawladdii Faransiisku is dhiibtey, ayuu cararay, wuuna diidey inuu is dhiibo, wuxuuna ingiriiska oo gacan siiyey ka asaasay Muqaawamadii dibadda. De Gaulle markaa ka hor lama aqoon, laakiin wuxuu noqday xorayntii ka dib madaxweynaha Fransiiska, waana ragga dalkaas ugu magac dheer. Kelimadii uu ka jeediyey idaacadda BBC 18 June 1940 Markii Jarmalku France Qabsaday waxaa ka mid ahaa: (( Miyaa Kelimadii u dambaysey la yiri?Miyaa Rajo gidiigeed dhamaatay? Miyaa jabku mid aan la dhaafi Karin noqday? Maya..I rumaysta, wax France ka lumay ma jiraan. Dagaalkani kuma eka meelaha nasiibka daran ee dalkeenna. Dagaalkani waa mid adduunka oo dhan ah. Waxaan ugu yeedhayaa dhammaan saraakiisha iyo askarta France ee Ingiriiska jooga ama xaggaas ku haray, haddeey dabkooda haystaan iyo haddaaney haysanba, iney ila soo xidhiidhaan. Wax kasta oo dhaca, dhimbisha muqaawamada France waa inaaney damin, mana dameyso.)). Taariikhda Muqaawamadii France. Inkastoo General Charles de Gaulle aan markaas cidi aqoon, haddana hadalkaas taariikhda ah oo uu kasii daayey idaacadda BBC markuu ingiriiska u fakaday oo diidey inuu isu dhiibo Ciidamadii Jarmalka Hitler ee qabsaday France oo dhan, wuxuu noqday bilawgii ay ka amba qaadday Muqaawamadii France ay la gashay Jarmalka kagana xoraysay dalkeeda Gumaysigii Naaziyiintii Hitler. Dad badan ayaa u go’ay, qaar badanna kaamam ayaa lagu xiray, si ay France u hesho xorriyadeeda. Dadkii Muqaawamada difaaca dalka ka qaybqaatay waxaa loo aqoonsaday geesiyaal wadanku leeyahay. Dadkii Jarmalka dalka kusoo duuley la shaqaystay oo u shaqeeyeyna waxaa loo aqoon sadey dabadhilif aan sharaf iyo wanaag midna ku lahayn dalka France. Taaiikhdana labadaas diiwaan ayey kala galeen. Jeneraalki Charles de Gaulle waa ninka ay France u aqoonsantahay Halyeygeeda koowaad. Sir Winston Churchill wuxuu ahaa Raiisul wasaaraha Ingiriiska Dagaalkii Labaad adduunka. Markii Jarmalku Magaalada London ee Caasimadda Ingiriiska weerarka ba’an kusoo qaaday, khud badihii shacabka Ingiriiska halkudhegga u noqotay waxaa ka mid ahayd khudbaddii uu jeediyey 4 June 1940, wuxuuna yidhi: (( Inkastoo qayb badan oo yurub ka mida iyo dalal badan oo da’ weyn oo caan ahi gacanta u galeen xukunka Naaziga, haddana mana is dhiibeyno, mana jabeyno. Ilaa Meesha ugu dambaysa ayaan soconeynaa, France ayaan dagaalka ka geleynaa, Waxaan ku dagaalameynaa badaha yar yar iyo kuwa waaweyn, Waxaan ku dagaalameynaa cirka, anagoo xoog iyo kalsooniyi noo kordheyso, Waxaan difaaceynaa Jaziiradayada, wax kasta oo ay nagu kalifto, Waxaan ku dagaalamaynaa xeebaha, Waxaan ku dagaalameynaa dhulka bannaan, Waxaan ku dagaalameynaa beeraha iyo jidadka, Waxaan ku dagaalameynaa buuraha, Weligeen isma dhiibeynno, Hadiiba ay dhacdo – inkastoo aanan marnaba malaynayn- in Jaziiraddan qayba kamida ama kulligeedba la qabsado, ciidamadayada adduunka iyo badaha gadashooda jooga, ayaa halganka wadaya, ilaa – haddii Rabbi yiraahdo- adduunka cusubi uu xoreeyo adduunkii hore)) Soomaali kasta oo damiirkiisu noolyahay, dadnimana wax uga hareen, wuxuu ogyahay xerada Soomaalida inta lagu jiro si kastaa laysu khilaafaa, oo xukunka loogu tartamaa ama loogu loolamaa, ama siyaasadda loogu beretamaa, laakiin nin damiir lihi marna kuma fekero inuu dalkiisa iyo dadkiisa kusoo hoggaamiyo cadaw shisheeye oo taariikh soo jireen ahi dhex taallo. Marna Soomaali damiir yari ku haray isuma quuro inuu dalkiisa gumaystaha u ogolaado inuu siduu doono ka yeelo, waqtiguu doono galo, wuxuu doono dilo, wuxuu rabana dhaco, siduu rabana ugu xad gudbo. Soomaali kasta oo damiirkiisu duxayaa, wuxuu ogyahay in dalkiisa iyo dadkiisu sharaf mudan yihiin. Wuxuu ogyahay inaaney cidina xaq u lahayn iney waqtigey doontana soo gasho sidey doontana ka yeesho. Wuxuu ogyahay in dalkiisa iyo ciidiisu xurma leedahay aan lagu xad gudbi Karin. Wuxuu ogyahay khilaafka isaga iyo Soomaaliga kale u dhexeeyaa inuu ka duwan yahay kan shisheeye ee dal iyo dadba doonaya inuu gumaysto. Somaalidu Ilaahay idankiis isma dhiibeyso, dhib kastoo ku dhaca iyo rafaad kastoo haystana gumaysi weligeed yeelimeyso, dalkeeda iyo ciideedana in maalin walba sidii ladoono loogu xadgudbo weligeed ogolaan meyso, nin walbana taariikhdu waa qoreysaa meesha uu ka istaago, Adduunkuna maanta keliya maaha..Taaariikh ayaa qormeysa, ee adigu meeshaad doonto ka istaag. Sh. Muxammad Idris Axmed
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
|
Hantiilayaasha Caydha Ah Sh Maxamed Idiris !! |
|
|
|
|
Tuesday, 11 August 2009 16:50 |
|
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato,ma maqasheen, mase aragteen Hantiilayaasha Caydha ah ee gaajada u dhintay? Haddaydaan hora u maqal waa: Soomaalida dadka la yiraahdo!!!!, Adduunka Socodkiisu waa cibro iyo casharo waaweyn. Soomaaliduna horay ayey u tiri: "Nimaan Dhul Marin Dhaaya Ma leh".
Adduunka intaan socdaalka ku ahay waxaan wax badan u fiirsadaa, dadku siduu u dhaqmo, u shaqaysto, isu maamulo. Dalalka aan marayo waxaan ka eegaa Dawladnimada, kala dambaynta, wadani nimada, shaqada iyo hawl karnimada, nicmooyinka Rabbi bani aadamka u qaybshey sidey arlada Ilaahay ugala soo baxaan, u adeegsadaan. Dabadeedna waxaan dib u jalleecaa, dadkii iyo dalkii aan ka imi, waxaa ii muuqda sawiro calool xanuun leh, laakiin naxariista Ilaahay kama quusto, waxaan nafta ku maaweeliyaa rajada ah, in Soomaali cusubi iman doonto, facyaal cusubi soo socdaan, kuwa kalena is bedelayaan, waaguna soo bidhaamayo Ilaahay idankiis. Laakiin waxaan is weydiiyaa, maxaa u sababa Musiibooyinka inna haysta? Xaggee nalooga yimi? Waxaan isugu jawaabey: Ilaahay cidna ma dulmiyo, ee innagaa nafteenna dulminay. Sidaa darted waxaan akhristayaasha u soo gudbinayaa, dareenkayga Soomalinimo, oo ku xardhan xisaab iyo (Arqaam), u baahan feker badan iyo u fiirsasha dheer, anoo mar walba naftayda ku cel celinaya: Ilaahay nama dulmin, ee Annagaa Nafteenna dulminnay. Hordhac Rabbi Subxaanahu watacaalaa, Bani aadamka idaylkiis wuu karaameeyey, caqli iyo garaad ayuu ku mannaystay, Arladan waasicaa iyo cirka innagu hadoodilan waxa ka hooseeya oo dhan wuxuu u sakhiray Ilma Aadam. Wuxuu u sakhiray wax cir iyo dhul yaal. Wuxuu u sakhiray Qorraxda, Dayaxa, Xiddigaha, Dabaylaha iyo Hawada, Daruuraha biyaha macaan kusoo hoorsha. Wuxuu u sakhiray, badaha iyo waxa kayd dhex jiifa, Buuraha iyo waxa khayr ku duugan, Ciidda iyo waxa hanti iyo farsamo dhex yaal, Webiyada oo dhulka dhex mara, Xoolaha oo Geel iyo Ari iyo Lo' isugu jira, Shimbaraha duula iyo Shinida Malabka Samaysa, waa mamlakooyin cajaa ib badan oo Ilaahay u sakhiray Ilma aadam. Beeraha iyo Geedaha iyo Miraha kala noocaa, kuwa la cuno iyo kuwa la daawado qurux darted, iyo kuwa la shito udug iyo manfaco kaleba. Wuxuu gacanta u geliyey oo hayyin uga dhigay xayawaan badan oo aaney loodin kareen, Fardo, Baqal iyo Dameero, iyo kuwa badan oo kale, si ay u rartaan oo ugu guuraan, Samada biyaha kasoo hoora wuxuu ugu soo saaray beero, Zaytuun, Timir, Cinab iyo mira kasta oo ay cunaan. Waxaas oo khayraad iyo Nicmooyin ah, Ilma aadam ayuu Rabbi ku mannaystay, Arlada iyo deeqdana waa u qaybshey, Wuxuuna inoo sheegay deeqdiisa adduunkan inaaney cidna mamnuuc ka ahayn Muslim iyo Gaal.Waxa keliya uu amray Ilma aadam waa iney Keligiis Caabudaan oo aaney cibaadada cid la wadaajin. Ilma Aadam Mu'min iyo Gaalba wey leeyihiin. Qaar iimaankii iyo khayrkiisii aakhiro loogu yaboohay, tii adduunkana wey ku darsadeen. Qaar Adduunka Keliya ayey ku qanceen oo xoogga isugu geeyeen. Qaar labadaba waa seegeen. Khayraadka iyo Nicmooyinka aan soo sheegnay ee la siiyey Ilma aadam, qaarkood wixii muuqdana waa cuneen oo cabbeen oo ku raaxaysteen, wixii qarsoonaana waa lasoo bexeen, garweyn iyo badiil inta u qaateen, oo dhididka sayreen, ayey Nicmooyinkii iyo khayraadkii Ilaahay dhinac walba kasoo rogeen, oo sallaxdeen, oo hagaagsadeen, oo si wanaagsan u maamusheen, markaasey dhergeen, oo inta iyagii ka badatay, ayey Ilma aadamkii kale ku sadaqaysteen ama ku addoonsadeen! Luqada warbaahinta waxaa loogu baxshay "Deeq bixiya yaal". Intii Caajiska ahayd iyagey dhawrayaan!! Qaarna Nicmooyinkii iyo Khayraadkii Rabbi siiyey, baarka sare intii uga muuqatey maahane wax kale iskumaba lurin, shaqana ma gelin, dhididna ma sayrin, maamulna ma samaysan, nidaamna ma baran, si wax loola soo baxana iskumaba deyin, dabadeedna geedka hoostiisa ayey seexdeen, kuwaa hore ee shaqaystay ee dhididey ayey (gacanta u hoorsadaan) wixii loo soo tuuro ayey ku qamaamaan, dabadeedna waa sheekayaan, oo baashaalaan, ciyaar iyo heesna waa tuntaan. Ogow, wexey ka dhergeen waa shaqa nin kale!! Haddii wax u soo haraan, intooda ugu fir fircoon ee ugu dig digta badan ayaa hoorsata iyagoon waxba hambayn!!Sidaas darted ayaa waxaa agtooda ku badatay waxa Ilma aadam u baxsheen (Corruption) ama (Musuq Maasuq) haddii la sii fasirana noqoneysa (Khiyaamo iyo shaqa la'aan xaaraan ku cun) illeyn meeshu meel la dhidido oo la shaqaysto maahane! Qaar kalena Khayraadkii iyo Nicmooyinkii Ilaahay waa ku Kufriyeen, maamulkii iyo kala dambayntii muran ayey ku bedesheen, nidaamkii iyo amaanadii khiyaamo iyo fawdo ayey ka doorteen, nabaddii iyo wax wadaagiina dagaal iyo khilaaf ayey ka door bideen, shaqadii iyo dhididkiina (cayr hawl yaraan ku qaado) oo gacanta (deeq bixi yayaasha) u hoorso, ayey ka raaceen, Natiijadiina wexey noqotay, iyagoo Nicmadu hoostooda ceegaagto iney macaluul u baqtiyaan, iyagoo khayrku guryohooda ka buuxo iney (kuwa cayrtaa) gacmaha u hoorsadaan, iyagoo mood iyo noolba buuxa iney bannaanada gaajo ugu baqtiyaan, haadkuna ka dhergo. Ilaahay Cidna ma dulmiyo.. Aakhiro nin walba iyo camalkiis.. iimaan dhaba iyo camal wanaagsan qofkaan la imaanna aakhiro wax heli mayo.. Laakiin hadal wuxuu hadda ka taagan yahay adduunkan laysku maan dhaafsan yahay ee lagu dirirayo. Soomaalidu miyaaney horay u oran: Ninkii seexdaa saciis dibi dhalay! Intaasu waa arar iyo gogol xaar.. aan u imaado Qormadan arrintaan rabey inaan tooshka ku jeediyo, si cadna u iftiinsho.. Puntland ama Jubbaland ayaa ka Hanti badan Switzerland & Holland! Nacam kama Hadleyno Dalkii la oran jirey (Jamhuuriyadda Soomaaliya). Taasi waa mid aan waxa khayr iyo nicmo Ilaahay ku mannaystay aan laga sheekayn Karin. Laakiin waxaan usoo qaadanayaa Gobolada ama qaybaha aan tilmaamay, Tusaale ahaan, in mid walbaa iskiis u haysto khayraad iyo Nicmooyin ka badan, waxa ay haystaan Dawladaha Maanta adduunka ugu hodonsan ama ugu hanti badan, laakiin waa hadduu ka shaqaysto oo si nabad iyo ammaano iyo aqooni ku jirto u maamusho. Taasoo u baahan oo keliya: Niyad iyo iimaan iyo shaqo cilmi ku dhisan. Dalka Switzerland wuxuu ku fadhiyaa dhul baaxaddiisu tahay 41,284 sq.km. Waxaana ku nool dad dhan (7,519,000). Netherland (Holland) wuxuu ku fadhiyaa Dhul dhan 33,883 sq.km. Waxaana ku nool (16 malyan). (Density)ga dadka ama tirade halkii km inta ku hagaagta, Switzerland waa 191 halkii sq.km, meesha Holland uu noqonayo – 493 qof halkii sq. km. Halka Puntland ay ku fadhido dhul baaxaddiisu tahay 212,510 sq.km. Labadaas wadan ee yuruba ayey Puntland xagga baaxadda saddex laab dhodhoweyneysaa. Gobolka Bari Keliya ayaa wuxuu ku fadhiyaa 70,000 sq.km oo labada wadan oo laysku daray ku dhow ama la eg. Waa tirakoobkii 1980. Waxaa lagu qiyaasay Puntland dadka ku nool 2,400,000 haddiiba ay dhab noqoto, waxaa halkii sq.km ku aadaya 11.3 qof. Halka Soomaaliya oo dhan marka la eego 13.1/ sq.km ay tahay. Jubbada Hoose (Kismaayo) ayaa keligeed mid walba 2daa wadan ee yuruba kana baaxad weyn kana khayraad iyo hanti badan. Jubbada Hoose wexey ku fadhidaa Dhul baaxaddiisu tahay 61,000 sq.km (Waa Holland labadeed ku dhowaad). 1980 qiyaastiisi Dadka Kismaayo Deggan 272,400 Jubbada dhexena 147,800. Puntland waxaa gacanta ugu jira xeeb iyo bad dherer la eg 1600 km. waa kala badh xeebta Soomaaliya oo dhan oo ah xeebta Afrika ugu dheer 3025 km. Dhulkana waa saddex meelood hal meel 1/3 Soomaaliya oo dhan. Halka Xeebta ay haysato Holland dhererkeedu yahay 451 km oo keliya. Switzerlandina aaney wax xeeb ahba lahayn. Halka Kismaayo ay Leedahay Xeeb ka dheer, Webi Jubba oo Sannadkii soo Saara biyo gaara 6 Billion (metric ton) Sanadkii, Xoolo iyo duur jog iyo beero nooc walba leh. Shaqada hadaba u imow.. Holland oo Sidaa u baaxad yar , waa wadanka 3aad adduunka xagga dhoofinta waxa la beero. Wexey ku xigtaa USA iyo France. Waxaa wax beerka kasoo gala sanadkii $ 55 billion, wexeyna ka badataa cunadeeda dabadeedna la dhoofiyaa. Balse la yaab, 2/3 (saddex meelood labo) dhirta la beero iyo ubaxa adduunka waxaa dhoofisa Holland Keligeed. 1/4 (rubuc) yaanyada adduunka oo dhan waxaa dhoofisa Holland, waa dhulka Jubbada Hoose ay marna xagga u dhaafaan kuwa didaya oo qorya la ordaya, marna xagga u dhaafaan iyagoo miyir daboolan, una jeedin nicmada iyo geedaha iyo khayrka.. Soomaaliya 1990 waxaa la beeray oo keliya 165,000 oo hectaar, oo ah 10% dhul beereedkeeda (Dr. Mohamed Abdi Noor – khayraadka Soomalia). Holland qoyska 5 Neef oo Lo' ah lehi waa qoys maal qabeen ah.. Somaliya, qoyska 200 oo neef lehi, isna ma yaqaan suu uga faa iidaysto, maamul barana ma helin, wuu iska daba joogaa, waa jarmaadiyaa oo dheelmiyaa, fiidkiina iyada iyo isagoo daallan ayey meel ku daataan, isna wax kama cuno, iyana ma dhiiqdo!! waa caydh macaluul u dhimanaya, wuxuuna kaalma ($50) ka sugayaa mid qaxootiya oo Holland jooga, ama Hay'ad ayuu wax ka sugayaa. Halka ay Somaaliya haysato in ka badan 37 malyuun oo xoola ah. 2007 waxaa lagu qiyaasay 13.1 milyan oo idaa, 12.7 milyan oo adhi ah, 7 milyan oo geela (Waa adduunka #1 wadanka ugu geel badan) 5.35 milyan oo Lo' ah. Holland iyo Switzerland iyo midna intaa iyo wax u dhow toona ma haysto, laakiin dadkuna waa shaqeeyaan habeen iyo maalin, wixii la helana si fiican ayaa loo maamushaa. Sidaa darted Dakhliga Qofku Switzerland ( GDP per capita): waa $ 56,000 sanadkii, Netherlandina waa $ 46,000 , halka qofka Soomaaligaana uu yahay dakgligiisu sanadkii qiyaas $ 136 keliya.. Waa Hantiile Gaaja u bakhtinaya, sababtuna waa Jahli, iyo Amaana xumo, iimaan la'aan iyo musuq maasuq. Si kale haddaanu u dhigno, Gobolka Jubbada Hoose, oo baaxaddiisu tahay, 61,000 sq.km. ama ku dhow 70,000 sq.km (qiyaasta qaarkeed) oo ka weyn Holland iyo Switzerland ayaa Soomaalida oo dhan ku filan. Waayo, Holland oo 33,000 km.sq waxaa ku nool 16 milyan oo dadkeeda ah, ilaa 20 milyan. Halka Dhul beereedka Somalia uu quudin karo 145,000,000 oo ruux. Dadkeenuna aaney ka badnayn 10 ilaa 15 milyan haddii Somali Galbeed iyo NFD lagu daro. Dhibku xaggee ka socdaa marka ? Maxaa dadka sidaas hodonka u ah, cayr ka dhigay? Maxaa khayraadka intaas la eg ay u arki la'yihiin? Maxaa sababaya, iney Muqdisha xaafadeheeda Baasuuke nafta laysaga Qaado, EU iyo Africa laga dawersado, adduunka lagu yiraahdo Cayr ayaanu nahay ee na caawiya? Mala Fahmi karaa, Puntland iyo Somaliland iney maalin walba (Idaacadaha) madaxdoodu isugu goodiyaan, oo yidhaahdaan (Afka lama qabtee): Dhulka naga maqan dagaal in lagu ceshado hurimaayo, iyo Taako haddaad iisoo dhowaato dhiig badan ayaa daadanaya, meesha labaduba ay dhulkii ay gacanta ku hayeen ay maara u la'yihiin, dadkiisiina macaluul u dhimanayo, jid iyo biyo iyo cisbitaal iyo iskuulna aanu lahayn!! Miyaaney cuquuba ahayn Maamulada ay Al shabaab ugu dambeeyeen ee Jubbada Hoose ka talinayey, in agtooda dadku gaaja ugu dhintaan, iyadoo nicmada Rabbi sidaa u ceegaagto? Iney bidix iyo midig marba dhinac u ordaan, hal marna aaney isku deyayn iney khayraadka Rabbi hoos dhigay lasoo baxaan, iyana dhergaan, dhadkuna dhergo, noolaadaan dadkuna noolaado. Balse Afrikada Bari oo dhammi iyaga cunta usoo doonato. Iyadaanba markaa cidiba maamul ku qabsateen. Waxaa xaqiiqa ah waxa laysku dilayo iney gaajadu qayb weyn ka tahay, xukunkuna saan sheegnay waa wado dad badani u arkaan in gaajada looga bixi karo.. Laakiin haddeey dadku dhergaan, oo shaqaystaan, inta siyaasadda danaysaa wexey noqotaa inta ugu yar.. Waxaana kuugu daliila Bulshooyinka adduunka shaqaysta ee nolosha fiican haystaa, siyaasadda kumaba mashquulaan, xitaa wasiirada makala yaqaanaan.Waayo Jagadu waa meel dadka looga adeego dhab ahaan ee maaha meel loo tacab tago. Nacam, waa cuquuba Rabbaaniya.. Ilaahay cidna ma dulmiyo. Innagaa nafteenna dulminay.. Ilaahay wuxuu inna dejiyey haddaan Soomaali nahay, oo inagu beeray Arladiisa meelaha ugu fiican. Khayraadkiisa iyo Nicmooyinkiisa uu Arlada dhigayna, wuxuu qayb noo siiyey, inta ugu badan oo ugu fiican. Laakiin wexey innagu seegtay Dulmi dhexdeenna, Xasad, Fawdo , casabiyad, Muran iyo Khilaaf iyo Musuqmaasuq aan layska qaban aqoon. Sababta ugu weyn ee na haysata marka lasoo kobo, waa ka fogaan shaha Kitaabkii Ilaahay iyo Sunnadii Nebigeenna Calayhi Salaatu wasalaam. Afka ayeynu uga dhownahay, camalkana waa ka fognahay. Waxaana kuugu daliila, Wadaadadeeni diinta ugu dhowaa maanta waxa ay falayaan, ama faraha kula jiraan, iyo Ummaddooda qarracanka ay ku hayaan. Dadkii Qaar waa dhintay, qaar waa dhaawacmay, qaar waa qaxay, qaar baduhuu ku haftay, qaarna ciil iyo urugo ayuu la hagooganyahay. Meelehey gacanta ku hayeen Sanad ka badan, ayaan, koob shaaha cidi ka cabin, xabbad kiniiniyana laga helin, wado lagu shaqaystana aaney cid barin, misana wexey sii raadinayaan oo dhiig u daadinayaan dhul kaloo ay xukumaan. Nin baa yiri: Adeer Timirtii horaba dab loo waa. Kuwaad horay u xukunteenba wax lagama dheefine, ma culays kalaad rabtaan. Waa cudurka ugu weyn ee na haysta, kaasoo ay ka dhalatay, cudurro xad dhaafa, oo meesha aynu naal na dhigay maanta, waxaana ka mida: Amaana xumo, Aqoon darro iyo iimaan la'aan: Waa cudurka ugu xun ee ka dhashay ka fogaanta diinta, kaasoo adduun iyo aakhiro lagu seegay. Soomaaliya oo khayrkaas haysata wexey la bugtaa oo la macaluuleysaa, musuq maasuq, lunsashada xoolaha ummadda iyo dalka. Kuwii maamul qabta, ama wadaada ha ahaadaan, ama qab qablayaal ha ahaadaan, Ummaddu (beysteen) ka arki meyso, (Calaf ay jidiinka marisana) kama heleyso. Cid la xisaabtanta iyo cidey u aaba yeelaan oo xisaab tusaanna ma jirto. Ma ogtahay adduunka hay'adda baarta Musuqmaasuq la'aanta (Transparency) sanadkii 2007, Soomaliya wexey liiska uga jirtaa halka ugu dambeysa. Buundada ugu sarraysa e Ha'yaddu wax ku qiimayso waa 10. Somaliya wexey heshay 2 keliya Lambarka 179. Meesha ugu sarreysana # 1 waxaa ku looltamayey Finland, Denmark, iyo New Zealand oo mid walbaa helay 9.4. Sow ceeb iyo ciqaab maaha in Dawladaha Islaamka ugu waaweyn ay (Musuq maasuq) la ciir ciirayaan? Sidee Ilaahay guul u siiyaa! Sucuudi # 79, 3.4, Masar # 105, 2.9, iyo wax lamida, innagana warkeenaba daa, Halka Singapore oo 700 sq.km ka yar (dhul ahaan) ay # 2 kula tartameyso Sweden 9.3. Haddii Asbaabtii halaagga aan ku jirno sideen dhibka uga bexeynaa? Sidee ducadeenna loo ajiibaa? Markii la yiraahdo, Dawlad ayaa la dhisayaa! Siyaasad baa la gelayaa! Jagooyin ayaa la qaybinayaa! Waxaa markiiba ku yaaca, waxa tuug iyo mafia carrada jooga, kuwa wexey (liqaan) waayey oo afkooda wax u doonaya (iyo in yar oo xilkasa oo is leh wax hagaaji). Inta ugu badan, Kuwii Amaanada lahaa oo dhami dib ayey u gurtaan. Kii shaqada yiqiin oo dhammi gadaal ayuu istaagaa.. Wuxuu sugayaa in loo yeero, sidii diinta iyo dhaqankuba ahaa. Cid wax kala saarta iyo qaab wax loo kala hufaana ma jiro. Waa halla jabo marka. Mid kasta oo meel loo dhiibaa, in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyaane, wuxuu toshaa (jawaanna waaweyn) oo uu ka gurto hanti wixii gacantiisa soo mara, iyo wuxuu aruursan karo waqtiga yar ee uu joogo, Waxaana tolkiis iyo isaguba isugu sheekeyaan: War waa fursad yare ka faaiidayso, oo wax tabco.. Oday Soomaliya oo mudug ka yimi ayaa waxaa la yidhi xajkii ayaa la aadayaa, ixraamka marka la xirtana dharkoo dhan waa la bixinayaa. Markuu ixraamkii xirtay ayuu toorreydiisiina xirtay. Markaasaa la yiri: Toorreeyda (Billaawaha) adeer iska dhig lama ogola. Markasuu yidhi: Meesha ma waan rag isugu imaanayn!!Sow dagaal ma dhici karo! Ilaahay amarkiis wexey kusoo aaday ba la yiri sanadkii 1987 markii shiicada Iiraan ay mindiyaha lasoo galeen xaramka oo dagaalka xumi dhacay. Odaygii ayaa yiri: Intee baan idin lahaa meesha rag baa isugu imaanaya!! Oday kale oo burca ka yimina (Reer Muduga iyo Reer Burco raali ha ahaadaan xifaaltankaa qabta e) markuu kacbada soo galay oo dawaafka bilaabay isaga iyo odayaal saaxiibadiis ah, ayaa waxaa jiidhay Turki iyo Nigerian, sidii silsiladdii isugu xidhan, markaasuu inta dhawaaqay, oo qoladii la socotey jilibkoodi hoose sheegay ayuu yidhi: War reer Hebelooow, Ragga aan Iska Celinno maanta, Sanadka Dambe ayeynu soo Xajin Doonaaye!! Haatan kii meel qabsadaa wuxuu leeyahay, sida badan, war gooshka dambaan hagaagi doonaaye, horta aan wax tabcanno..Isna Damiir celiya ma leh, dadkuna yurr iskama dhahaan, dabadeedna dal iyo dadba wuu galaaftaa. Dad baa wexey leeyihiin waxaad is bar bar dhigeysaa waxaan lays bar bar dhigi Karin. Xaggeey joogtaa Switzerland ama Holland Dalal yuruba oo horumaray oo adduun liqay, oo dadkoodu wax bartay, (literacy)gu yahay 100% meesha soomaaliya 24% keliya wax akhrin karaan waxna qori karaan. Is bar bar dhigid cadaalada maaha. Dhinac waa sax. Oo wax yaabahaas iyo ka badanba waa jiraan. Laakiin waxaan oga gol leeyahay inaan xamaasaddeena wadani nimo kiciyo, inaan dad nima deena boorka ka jafno, inaan Caqliga Ilaahay nasiiyey isticmaalno, inaan ficiltan u galno sideynu Ummadeena iyo Dalkeena meesha uga qaadi lahayn. Ineynu gacanta Caydh ka ahaanno waxaa ka daran ineynu maskaxda caydh ka ahaanno, oo u malaynno horumarka iyo hodon nimadu wax samada kasoo dhaca iney tahay, oo aan dhidid iyo fikir iyo rag bilaaba oo horseeda lahayn. Nacam Horumarkaa riyada ah, si gaaban oo aan la filayn ayaa lagu gaari karaa, haddii daacadnimo iyo dadaal lala yimaado, Rabbina la tala saarto. Is bedelku wuxuu ku iman karaa Sanad iyo labo iyo saddex. Cumar Bin Cabdul Casiis, 2 sano ayuu Dawladdii Islaamka oo dhan is bedel ku sameeyey, heer sadaqa wax qaata la waayo. Cabdiraxmaan Bin Mucaawiyah Sannad wax ka yar ayuu Ummad xadaara leh ku bilaabay inuu ku taago Andalus. Muxammad Bin Cabdilwahaab iyo Muxamad Bin Sucuud Dirciya Tuula la yidhaahdo ayey ka bilaabeen, markii ay Tusaale noqotay ayey Jaziiradda Carabta oo dhan qabsadeen. Is bedelka Ummaduhu dhinacya kala duwan ayuu ka yimaadaa.. Xagga Xoogga waa ka yimaadaa.. Xagga Waxbarashada waa ka yimaadaa. Xagga Nidaamka iyo Ammaanka waa ka yimaadaa.. Xagga Adeegga iyo Hufnaanta lagu soo raaco waa ka yimaadaa. Xagga dhaqaalaha waa ka yimaadaa.. Is bedelka iyo horumarka iyo xoogga Ummadi yeelataa hal dhinac oo qudha kama yimaado oo ah (Xukunka) ama (Siyaasadda). Qorma gaara ayaanna arinkaa kaga faalloon doonaa inshallaah.. Haddii la helo dad daacad ah, aqoonna leh, amaano iyo caddaalad wax ku maamula, Ujeedadoodu tahay dadkooda iyo dalkoodu inuu wax noqdo, durbadiiba waa la dareemi karaa. Dadkuna waa dhergi lahaa. Arrintu maaha mid sixir iyo facyaal badan u baahan, ee waa amaano iyo aqoon iyo maamul. Nebi yusuf Calayhi salaam 15 sano (plan) ah qorshe ayuu ku caddeeyey fasiraaddii riyadii boqorka, wuxuuna tibaaxay in looga gudbi karo maamul Amaano iyo Aqoon leh, labadana wuu sheegtay (??? ?????? ??? ????? ????? ??? ???? ????) Sidaas ayuuna maser dhibkii kaga gudbiyey Ilaahay fadligiis. Waa ineynu helnaa Amaano aan wax lagu lunsan, iyo Aqoon wax lagu maamulo oo Ummad lagu Hoggaansho. Haddii aan labadaas la helin, mindha gaajada iyo dhibka waqti dhow lagama boxo. Ilaahow Caqliga iyo Iimaanka hanaga qaadin…Aamiin.. |
|
AYEEYOOYIN TAHRIIBA IYO ODAYAAL TUKUBAAYA. |
|
|
|
|
Sunday, 02 August 2009 15:50 |
|
Waxaan ka soo dheegey sheekooyin dhab ah Tabaalaha aduun badan, Todobaatan cajaa´ib iyo toobad xumaatay, Talo seegtay
waayeel, iyo Toobiyaha Tahriibta loo wada hanweyn yahay beryahan danbe waa
mid aan la iskula yaabin kuna koobnayn dhalinta oo qudha balse maanqaaday oo
ay u wada feydan yihiin, Aabo, Hooyo, gabadh geyeenoo guri ku haboonayd iyo kay guudka u dabysey, iyo weliba Ayeeyo iyo Awoowayaal tukubada haystoo gurdanka
soo raacay,
Garasho waa tii xumaankaa reebtee marna ma ay noqon mid la is weydiiyey, Docdan
loo wada yaacay
*ma jidkii siraadbaa mise waa jab iyo halis?
Qofkana waxaa haboon inuu ku wax qaato waxa qayrkii ku dhaca, waase dhibaato aad
u weyn haddii caqligaagu ku koobnaado inta ishaadu qabato, oo aad tiraado illaa aan
dhiisha gunteeda soo taabto dhegahaygu wax maqli maayaan, taa oo macneheedu yahay,
u burburi haligaadna ugu badheedh noloshaada calaf samada jira oo aan cidi ogeyn
helidiisa iyo waayidiisa toona adoo u baabi´iyey
*hantidaadii iyo hadhiimaddii Ubadkaaga*, Waa halkay maah maahda Soomaaliyeed
ka lahayd *Midho Guntiga kuugu jira kuwa geed saaran loo ma daadsho*,
Hadaba anigoo in muda ah ururinayey dhibaatooyinka tahriibta lana kulmay Bulsha
weyn Soomaaliyeed oo aad u tira badan oo soo wada maray dariiqaa tahriibta, iyadoon
dhibtiisa lagaga bogan karin sheeko, iyadoo mid walboo ka mida dadkaa ama badan
kooduba soo xaraasheen waxay heli karaayeen, badankoodna aanay nafiba la soo dhaafin
Saxaarii, Jeelashii ama Baddaba, iyagoo u dhimanaayey siyaabo kala duwan,
Hadaba anoo maanta la kulmay Awoowe aad u da weyn Soona gaadhey Yurub, ayaa waxaa
Mucjiso igu noqotay oo aan naftayda weydiinayaa,
!!! Geela duqdiissi durdurisey aarankiisii maxaad u malayn!!!,
Markuu iiga sheekeeyey Socdaalkiisii dhibta iyo halaaga ahaa ee uu soo maray iyo
qoomamada naftiisa daashatey markastuu xusuuto Noloshiisii Soomaaliya iyo tuu maanta
mutay iyo weliba usagoo waayey hankii iyo hanqaltaaguu u qabey Yurub,
Hadaba howl Aduun badanoo *Waayeel kafantiisii kasxumo dhaafisayna waad aragtaaye*, Qoomamamadiyo ciilkii aan ka qoray dhaaxajirkan dhaadhacaya waxaan u dhigay sidan >
I.... Dayrtii wacnayd iyo Deyrkii Bullo,
II... Dilaalkii hantidayda iyo Dirirtii xigaalkeey,
III.. Degidii Laashka iyo Duco aan aqbalayn,
IV. Debedmeerka Yurub iyo hal Dardaarana,
I.... Nin is qoolay qoomamo ma waayoo hirba hir buu kuu dhiibaaye, Awoowahan
tahriibta ah oo aan la kulmay iigana waramay tan iyo Doobi ay Bullo siisay, hanti
uu dayacay, dooni uu isku laalay, iyo Yuruboo ku doqnowdey, oo jeclaystay inaanan
Magac dhabin, Ana waxaan ugu yeedhay
< << Dabyl Nuug >>>>>>> ,
Wuxuu hadalkiisii ka bilaabay, hadaan dib u jaleeco deyrkii wacnaa iyo derejadii
noloshayda markaan Soomaaliya joogey waa mid murugo igu abuurta markaan xusuusto
daryeelkii habartayda, iyo siday ubadkaygu ii koolkoolin jireen, Kuwa aan dhalay iyo
kuwa aan awoowayaal u ahayba ,
Duq taliyoo laga danbeeyana waan ahaa, Duunyana waan dhinac joogey,
dibjirna maan ahayne Derintii bullo iyo dababtii aqalkayga Duhur baan ka dhaqaaqay,
Nin Shaydaan Durbaan u tumay iga dhe,
Belo waatii adoo nabad u yaal ruqaanso ku tiraadee ilaahay nimcaduu isiiyey ku cibaadayso
garan waayey,
II... Shaydaan nimuu hogaaminayaan maaro loo heline, Anoo nabad u aal ayaa waxaa igu
dhalatay *dhoof oo wax soo dhoqo*, dharaaro badana ha maqnaane laba sadex sano wax
soo xaaxaabso iyo xaqa Yurub laga helo , Anigoo in badan u guuxayey geedi socodkaa, ugu
danbayntii waxaan talo ku gunaanadey, Gaadhiga iibi waxaad guntiga ku haysana u geeyoo
jicsin ka dhigo, hadaan dilaal dirayna degdeg baa layga iibsadey gaadhigaygii, anoon cidna la socodsiin, isla labo cisho ka dibna gaadhaan gunta soo jaray anoon lay ogeyn,
waxaa dhacday in gaadhigaygaan gaday laysku qabsaday oo nimankaan ka ii biyey loo tiriyey
inay i dileen gaadhiguna dhac yahay, waxaana meeshii ka dhacay gacan ka hadal rasaaseed oo
dhaawac geystey, warkii oo duulayaa isoo gaadhey, markaan la hadlay oo u sheegay inaan
gaadhiga iibiyey waxba iguma khilaafine aroortii ayay kusoo waa beriisteen hudheelkaan
deganaa laba wiil oo aan dhalay iyo adeerkood, wayna isoo kexeeyeen sidii nin afduuba,
walaalkayna wuxuu ku taliyey in lay xidh xidho maadaama uu aaminsanaa inaanan dhamayn
caqlina igu soo dhowaan, Gurigaygii magaalo qol ka midaa laygu xidhay, Dadna soo badey,
walaalahayna waxay ku tashadeen in lacagtiina layga qaado iyagoon ogeyn inaanba sii hor
marsadoo xawaalad sii dhigtay, ana talo waxaan ku goostay inaan Baas mariyo, illaahse suu
nookala badbaadiyaan ugu mahad celin,
waxaan xidhnaadaba Bullo oo ahayd xaaskayga ayaa iga furtay meeshii laygu xidhay , dhana
maan eegine iyadoo qaylinaysoo le *war illaahay ka baq oo shaydaanka iska naar* ayaan
doclaabkaygii shanshada qabsaday, Nasiib wanaag anoon gaadhin halkaan islahaa waad ka
heli ayaa ilaahay wuxuu illa kulmiyey gaadhi dhaqaaqa oo u socda halkii layga soo qabtay oo
aan Ethiopia uga sii gudbi lahaa, maba labayn talo e horaan ka raacay, Mahadna waxaan u
naqaa markastoon xusuusto Allihii iga badbaadiyey midaan dhalay iyo mid illa dhashayba,
III.. <Dabayl Nuug> wuxuu soo dabaashoo Ethiopia , Sudan, Liibaya, soo raftoba wuxuu yidhi,
Hooyo sadexan oo isa sidatana cidla dhigoo ka caraabay, maxaa iiga dana naftaydaan
tukubaddii u qaadiwaayee maxaan u qaban karaa, markaanu Liibiya soo galay ayay ahayd
anagoo badan ayaanu waxaanu ka il horeyney askar, iyadoon qofna qof eegin ayaa la kala yaacay, aniga iyo hooyadaa uurkale midna sidataa isku soo hadhnay illaa orod ma haweysan
karee waxaanu ku dhuumanay beer noo dhoweyd,
waxaanu halkayagii ku jiro habeen noodun, anoo karhayay oo hintii ilmaa gaajaysan, waagii
markuu beryeyna waxaan kula taliyey inay isii sugto oo aan cid doonayo illaa ma lugayn kartee,
hadaan in mudo ah soconayey waxaan kusoo dhacay laami weyn oo gawaadhidu is dhaafayso
gacantaan taagtey, qaar badani i dhaafe midbaa isu kaytaagey af garanmaayee daaqadaan iska
furay anoo iska horaysiiyey $100 oo aan u taagey, anoo faraa kala hadlaya, anoon dib ugu noqon
hooyadaa habeenada qatan,
<Dabayl Nuug>, Usagoo hadalkiisii wata ayuu raaciyey, hadalkuuma dhamayn karee waxaan kasoo
shiraacday Liibiya anoo badda soo dhanbalay waxaanu socono markaanu qiyaastii kala badh nahay
ayaa baddii nagu kacday waxaanu nafta kula eeranay Markab, laba sadex jeer ayuu mar walba naga
cararay markaan usoo dhowaanaba, mardanbuu noosoo diray laash yar, iyagoon noosoo dhowaan
nana weydiinayey waxaan nahay, markaanu isu sheegnay waxay na siiyeen 60 ltr oo shidaala iyo
life jacketyo iyo toosh weyn oo ay yiraadeen hadaad nafta u yaabtaan shida , iyagoo naga diidey
inay na qaadaan,
markay illaa saacad naga sii maqnaayeen ayaa laashkaanu saarayn si kedisa u muquuray baddii,
aniguna bad daayoo berked baananba haweysan jirin, dhagax degey baan hay, intay sii muquuraysey
geeri kama cabsanoo waan is dhiibee dhibta iigu weyni waxay ahayd, Dhimataye denbigaad gashay
illaahay naartee kugu geyn, waayo? Anaa is haligey, qof is isdileyna abaal marintuu heli waa mid cad,
*Ashahaadadaan boobay aqbalkeedaaba shaki igaga jirey*
waxaa ii xigtey laashkii oo degey iyo anoo sidii dhagaxa isu shubay, Naf baxaysaa waatii rafatee, kor markaan dhowr jeer usoo boodey nafina iga dhow dahay ayaan ku war helay anoo gacmaa
wax la helay Allaylehe mise waa laashkii oo dhinacaan ka saarayni hooseeyo , gacmahaan ku
adkaystay usagoo iga siisiibanaya, Naf aan hedeedii dhamaaneey ha quusan,
Allaan ku dhaartee kuma fekerin nolol danbaa kuu hadhay, illaa hadana garan maayo
(wixii ilaahay ku solonsiinayaan la seegine) sidaan laashka gacmaa ulla helay,
Ninkii nagu wadey laashka dushuu uga baxay usagoo aad moodeysey inuu dadka ka illaashanayo,
Waxaan xusuustay nabsi ma raagee,
saad miskiinaddii uga roortay armuu kana kuu ridaa hadaad dagan tehee, illaahse kama dhigin
wuxuu ku mashquulay toosh uu shidayey oo hadba doc u ifinayay ,
Hadal yaan kugu daaline illaahay wuxuu noo bixiyey markab meesha maraayey oo nala kulmay,
markay na gureena waxaanu weyney 8 qof, dadkana waxaa badbaadiyey lifejacketyaddii
markabkii hore nasiiyey, waxaana nala keenay Jasiiradda Malta Ama *Dhagaxa*,
waa magaca Soomaalidu Ula baxdee*, jeelbaa nalaku xereeyey , fariina waa nalaka qaaday,
Mudo lix bilooda ka dib waxaan noqday ninkii u horeeyoo lasii daayo,
Maalmilhii hore wax indha indheeyey, anoo markiiba dareen xumi i galay anoo filayey in daarcad
iyo dabaqyo lay dejinaayo, balse waxaan iimaasaday Teendho nin iga soo horeeyey layla wadaajey,
Marta may noqon midaan ku qanco, oo Fuudkii gurigayga iyo fadhi isla waayey,
waxaan Go´aansaday inaan nooliga ka urursado oo Yurubna ka sii aado, Duq gaboobey cidi
wax u dirsanmaysoo shabaabkii baa tubane ma shaqaan heli?
Mudo waxaan joogo oo halkaygii ku noolaado nin aanu teendhada wadaagney ayaa i yidhi
shaqaan kuu helee beri diyaar garow, aad baan u farxay habeenkaana ma seexan aroortiina
horaanu iska raacnay, cidaan u shaqayn lahaana waa ii geeyey anagoo ku heshiiney waxaan qaadanayo,
sikastaba ha ahaatee waxaa lay geeyey shaqadaan qaban lahaa oo noqotay inaan illaaliyo
Khanaasiir *Doofaaro* inkastoo jidhkaygu diidey hadana waxaan isku qanciyey waar waxaad
*Dhagaxa* ku dhaafto meesha ka ururso, hayeeshee markaan laba wiig ka shaqaynayey
*Cagayarihii* ayaa waxaa bakhtiyey labo kamida, ninkii iraacsaday markuu ogaadey ayuu
debedda ii tuuray usagoon dhididkaygiina isiin, oo weliba iigu daray cay iyo hanjabaad,
*Doofaar raacidaydiina dulinimo uun baan kala huleeley*.
VI. Sikastaba aan ku helee waxaan isu soo ururiyey xoogaa nooli iigu filan, rafiiq badan oo
Soomliyana waan helay, waxaan soo gaadhey ugu horayn Italia, taan halkaa kusoo arkayna
wax laga sheekayn karo maaha, qofkana usagoo illaahay karaameeyey inuu is kadaa ma fiicna,
nolosha Italiana waxaa dhaanta geerida, waxaana lagu nool yahay guryo ama ha laga dhinto
ama si kaleba ha u madhnaadeene la jabsado, suuliyo urayoo aan biyo lahayn, gogol iyo
laydhna daa hadalkood, weji dhaqa aroortiina caagadaa lagu sii dhaan sadaa fiidkii,
Waxba yaan ku dheeraane duqaygii daandaanka ahaa ayaaba u noqday dadkaan meesha kula
kumay Xaaji soo degey, halkaana waxaan kasii korodhsaday huq iyo hami horle,
<Dabayl Nuug> wuxuu daba dhigay hadalkiisii, hadaan itaaliya kasoo sadcaalayna socodkaygii
kuma guulaysanoo Norwey markaan soo gaadhey waxaa laysheegay inaan !!!Online ahay!!!
(waxaa isticmaala ereygan daka faraa le), ku maan hakane waan ka cararay Norwey anoo
marakana u heenseeyey xagga Sweden, bilaabayna Xirfadaha xoqidda faraha, ilaa haatana
waxaan ku wadaa xoqiddii, Swedena bishiiba laba jeer ayay iga qaadaa faraa, siday iiga
hadhaana waa adag tahay waxaana hada sugi jeel dadka la geeyoo lagaga illaaliyo xoqidda faraha, haddii farahayga la helo waxaan talo ku gaadhey yurub waa badantee midba mid
baan uga gudbi, Anoo hadda la iisheegay meel ay Soomaalidu ula baxday *Godka*,
waana Swizerland, Waayo? farana ma qaado sharcina ma bixiso bariiskana waad ka heli,
waa iska nooloow inta naftu kugu jirto,
Allaylehe waa u heleen magaca nin god galayna geeriyoo,
<Dabayl Nuug> usagoo og inuu naftiisa waxa haysta sababteeda usagu lahaa maantana
meel uu ka noqdo joogin *waa suu Usagu u arkee* haybsanayona god iyo geeri sogor dahan,
ayaa wuxuu hadal ku gunaanadey ,
Waxaan maqli jirey maah maah Soomaaliyeed oo oranaysey * Waayeel wuxuu cunaana waa
dhuuni wuxu yiraadaana waa dar daarane* anoo maanta xaalkaygu yahay
*Nin daad qaaday xunba cuskey*
Waxaan Oranlahaa ku wax qaata qayrkiin,
Illaahow Noogargaar,
Geydha caaneheediyo halkay Gogoshu ii tiiley
Geyi wacan Gu´ iyo roob illaah nagu Gedaan yeelay
Galab qudha ninkii Goohayoo Geesmaraan ahaye
Gacalkiyo xigaalkey waxaan Gudub u weydaartey
Gurdan raaci ila rooray iyo taladi aan Goostay
naf inaan ku Gooyaan jeclaa Gooha Yurub doone
waase lagu Go´doomaa dhulkaan Guusha soo bidaye
Goortaan cagaa soo dhigoon Gurasho eegaayey
Gowlaliyo hurgumo dhiiqdayoo waa Galoof madhane
Gu´ yartiyo haween Gurile iyo uunki wada Guurey
Guclahay wadeen waan arkoo guul ma ay heline Gurgurkiina dhaansada ragbaa Gaday naftiisiiye
Yurubna how Gabraartegina yaan Geeridiin badane...........>.
*Waxa tiriyey, Maxamed Mohamud M Cashare .Coon.
( LASOCO QAYBAHA DANBE EE ISLA SHEEKOOYIN TAHRIIBTA ).
W A B I L A A H I - T O W F I I Q
WlQ Moxamed Moxamud M Cashare .Coon.
Karlstad , Sweden,
+46 7007 7 54
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
|
WALBAHAARKA TAHRIIBTA IYO WANJALAADA YURUB. |
|
|
|
|
Sunday, 02 August 2009 15:44 |
|
Hanad teg Hibo dhooftay bilihii u danbeeyeyna lacagahay soo direen anaaba ka qayilay, Anna waxaan ku talo jiraa oo ii go´an inaan ka dabo shiraacdo, Waa odhaah gebi ahaanba gobolada Soomaaliya aad ka maqlayso dhalin iyo dhaaxaa jirba oo ay caadaysteen u hanqaltaaga tahriibta, Hadaba waxaa isweydiinle, Intee le´eg tahay dhibka ka horeeya gaadhidda Yurub? Iyadoo ay adag tahay inaan si fudud uga jawaabno su´aashaa iyo inta dhibkan baaxadiisu le´eg tahay ayaa waxaa beryahan soo badanaya tahriib iyo dhoof u hanqal taaga ay ka sokayso dhib iyo halaag lagala kulmo dhimasho aan tiro lagu soo koobi karin, haddiiba ay dhacdo ka badbaadka dhimashada saxaaraha jibaadka iyo jidhdilka jeelasha iyo dheel dheeliga siximadaha dhimashada, waxaa iyana taal oon meesha ka maqnayn dhib horle oo ka bilaabata Jasiiradda Malta, Hadaba anoo la kulmay walaalo Soomaaliyeed oo soo maray saxariirkaa iyo halaaga safarkaa dheer ee tahriibta kana soo ururiyey murugaddii iyo miyir doorsoonkay kala soo kulmeen dhibtaas, iyadoo qaarkood dhaxalsiisay inay caqligooda ku waayaan, Arin walbi anba qaadlee, qofka tahriibta ahi markuu kasoo amba-boxo Soomaaliya waxaa hor yaal dhowr geeriyood oo midba mid ka daran tahay, oo u dhigan sidan. 1- Surqabashada Gambeelaha iyo socdaal kowsadey. 2- Saxariirka Saxaaraha iyo Sakaraadka jeelasha. 3- Siximadaha geerida iyo Socdaalka badda. 4- Soodhoweynta Malta iyo Sanad jeela. 1- Hadaba hadaan isweydiino, Maxaa looga jeedaa gambeele ? Gambeelku waa ninka tariibayaasha kaxeeya kana qaata lacag badan kulana heshiiya inuu gaadhsiinayo Caasimadda dalka suudaan ee khartuum kuna soo qaada Basas ku eg xuduudda Sudan iyo Ethiopia halkaana ugu hogaan fura masaakiintaa miciinka u baahan oon geed iyo ceel toona garanayn, waxaa markaa dhacda in tahriibayaashii lug miciin bidaan iyagoo u kala baxa qaar la qabto oo la xidhxidho iyo qaar jihaduba ka lunto iyo qaar inta lacag laga qaado oo loo sheego in Sudan la dhaafinayo oo Liibiya loo gudbinayo oo hadana lagu soo cesho dhanka Ethiopia marlabaad taasina waa nin iyo nasiibkii gaadhida Sudaan 2- saxariirka saxaaraha iyo sakaraadka jeelasha waxaa gaadha qofka ka soo badbaadey socdaalkii u dhexeeyey Ethiopia iyo Sudan, halkaana waxaa kasii bilowda socdaal dheer oo saxaare ah una dhexeeya Sudan iyo Liibiya saxaarahaa oo sida dhabta ah ka daran geeridda badda dhankastoo la ee gaba, Sudan joogideedu intay doontaba ha kugu qaadatee waxa aad wejiga saartaa waa saxaarahaa, dhibna waxaa kuugu filan aragtidiisa koowaad kaasoo marka ugu horaysa eed soo gasho indhaa ay kaasoo boodayso ilma kululi, jihaduna ay kaa lumayso ilbidhiqsiyo gudohood, taas oo ay kuu dheer tahay manaxayaasha ku sida garaacidooda marka gaadhiga lagu rasaynayo dadka, iyadoo Oohinta Dumarka iyo caruurtu ku beer qaadayso nololna aad ku nacayso aragtidooda, adigoon awood u lahayn difaac ha joogee daryeel aad u fidiso, naftuna xiligaa waxay u muuqataa mid khamaar taal, Meeshaana waxaa yaal afar cadow, Cadow bini´aadam aan ku bixinayn, Gaajo iyo haraad, Cidhiidhi iyo is dulcalaysnaan, iyo Cadowga u daran oo ah kan ku sida, hadaadka dhacdo ku dhaaf hadaad jabto isagoon isu kaa duweyn dilna kuugu dari, hadaad bukootana kuu naxariisanayn. geeriduna waa xaqe haddii qofka tiisu timaado meydka halkiisaa lagu dhaafaa usagoon la aasin. gacanta dilaalka Liibiya waxaa gaadha qofkaan geeri mudan intuu u kala socdey Sudan iyo Liibiya kuna dhiman solankii saxaaraha, haday nafi kula soo dhaafto silicii saxaaraa waxaa kuu diyaara dilaale iyo dad iibsade kale oo isla Liibiya ah kaana iibinaya dalkaad qabanaysid iyo safarka badda hadaad wax u weydana wedkaa filo. Midka mida walaalihii soomaaliyeed soona maray tahriibtaa Saxaaraha jeclaystayna in magaciisa aan kusoo gaabino Cawil C, ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa, waxaan isweydiinayay Liibiya timiye lurmakuu hadhay? Luuntii saxaarahase maxaa ii raaci ayaan islahaa anoon marna filanayn dhibtaan soo maray inaan midka daran mudan doono, Cawil C, isagoo hadalkiisii sii wata ayaa wuxuu daba dhigay, weli intaan noolaa kuma fekerin Qof ashahaadanaya ayaa idiinla dhaqmi siday shacabaka Liibiya noola dhaqmeen , welina ma arag wax kaleba ha joogeena qof lagu yidhi masjid gudihii safka hore ka bax oo kan u danbeeya ku tuko waad madowdee !!!, 3- Taa waxaa ka sii daran Anoo is iri kasoo tahriib Liibiya markaan mudo joogey una diyaar garoogabaayey isu keenka iyo ururinta lacagtaan ku soo raaci lahaa tahriibta anoo qayla dhaan u diray qof walboon debedda ku filaayey, habeenkaan kasoo shiraacanay baddana aanu soo galay ayaa waxaa nagu kacday baddii mishiinkii siximaduna halkii ayuu nagaga qoyey waxaanuna sabaynayney 18 cisho, anoo nafi ii geysey inaan kaadidayda cabbo ayaamii horee aan qoyanaa kaadjina karaayey, iyaddoo 29 qof anoo u jeeda naftu weydaaratey, iyo silicay kaga go´aysey, anigoo ay weli maskaxdayda ka guuxaan mid walboo ka midda ereyaddii ugu danbeeyee afkiisa kasoo baxaayey, taasi oo naftayda ku reebtay xusuus dheer oo aanan weligey illaabayn intaan noolahay, waxaa iigu sii naxdin weyneyd oo mar walba i hor timaada, Hooyo sidatey sadex caruura markay dhinteen sadexdii caruurahaa iyaduna u dhaxaysey geeri iyo nolol ayaa waxaa ka mid ahaa ereyaddii afkeeda kasoo baxaayey ``Alla Maxaan Yoonis Ulla tagaa´´ iyadoo ahayd ogaalkay hooyo ninkeedu kula taliyey inay dhoofto, usagoo nasiib daro sadexdii caruurahaaba kusoo daray , isna Soomaalia ku hadhay usagoo u hanqaltaagayey inay markay Yurub tagaan usoo dacwoodaan, Naftuna waxay ka baxday maalin ka dib dhimashadii Ubadkeeda, iyadoo ku halaahaleysey ereyo uur qaada ooy ninkeedii ugu cabanaysey siday la joogto. waxaanu siximadaa ku saarayn 38 qof oo todoba naga midi dumar haayeen shanna caruur waxaanu ku bad baadney 9, todoba raga iyo 2 Dumara. 29kii kale dhamaan halkii bay ku dhinteen. Sagaalkayagii qof waxaan kasoo caariney Liibiya, iyadoo 18kaa cisho ee aanu badda dulheehaabeyney maraakiibtu nadhaafayeen iyagoon wax gargaara noo fidin, Aanba soo caarinee kolkii nala helay gacantii naloo fidiyey waxay noqotay in jeel nala geeyo, adoo malayn kara dhibka iyo halaaga ka muuqda dad 18 cisho bad dul sabaynayey, ayaama ka bacdina waxaa naloo gudbiyey maxkamad anagoo nalaku wado gawaadhi shabaqlayaala laba labana isugu katiinadaysan, xukunkii kama danbaysta ahaa wuxuu noqday sanad iyo shan bilood oo xadhiga, taas oo qaar kayo dhaxalsiisay waali ay ku dhex waashaan jeelkii iyo jidhdilkii joogtada ahaa. Cawil C, waxuu ku daray usagoo hadalkiisii sii wata Soomaalidu waxay tiraa " Meyd kaa lasii sidaa ugu danbeeyey" Ninkaan quusanina isagaa quusa, Waayo? waxaan saa u leeyehey Qofkaygii soo arkay Socdaalkii siximadaha, sakaraadkii saaxiibaday, silicii dhimashada iyo jeelkii samhariira, intaas oo dhan nin ku cibra qaatay maan noqone markaan xoriyadaydii dib u helay waxaan soo heenseeyey socdaalkaygii geerida sogordahan ahaa, Anigoo ka dab qaadanayey " nin qoyani biyo iskama dhowro" taana hadii illaahay iga soo badbaadshey baddii markan waxaa ii xigtey 4- sanad xadhiga iyo soodhoweynta MALTA, iyana waxay ahayd nolol saxariirkeeda le iyo Albaakii u horeeyey ee Yurub laga gelaayey iyadoo igu noqotay mid aan ku magcaabay "kalamaan" waayo? Soomaalidu waxay tiraadaa "Hankaad miyi kala timaadaa magaaluu kaaga hadhaa, Kolkaan laacay soo dhoweyntii malta Farihiina layga qaaday waxaan sii waday socdaalkaygii Yurub raadis Anigoo dib u heenseeyey rakuubkaygii ileyn waa kala maane Markay MALTA ii cuntami weydey, "Ninkii geenyo indha la fuulow God uun bay kula gashaaye" waxaan soo gaadhey wadankaan rabey oo Scandanevianka ka mida, Yurubna Weli raadinteeda1n ku jiraa!!! Dhinaca kale waxaa jirta wadamada u horeeya ee yurub laga galo oo ah dariiqa qofku sii maro amaba wadan yurub ka midda oo qofka u cuntami waaya dhinac dhaqaale iyo midnololeed kay doonto ha ahaatee wuxuu ku fekeraa suu Yurubtaa kale ugu sii gudbi lahaa hasoo maro Malta, Giriiga Boolaan, Yugreyn , Ama talyaanigee, intaasoo wadan qofka waxay kasii reebaan faro ayku cadaynayaan in uu wadankoodu fara ka hayo wadan kalena qaabili karin, waxa ka baxsadaana waa dad yar farahaa, Waxaa wax lala yaabo ah dad soo gaadhey wadamaday Yurub ku taamayeen soona maray dariiqyadaa aynu sheegnay farana kusoo bexeen, wadankay isu dhiibeena markuu fara ka helay u sheegay inuu ku celinaayo wadankay ka yimaadeen ay door bidaan inay baxsadaan oo ku noolaadaan nolol liidata , iyadoo wadamada qaarkoodna hadayba fara ka helaan jeel u dira qofka kuna celiyaan wadankii farihiisa lahaa intay doonaanba ha hayeene, Waxaa iyana layaable in dadka qaarkood iyagoo isku og faro ay is dhiibaan iyagoo le waa kasoo diyaar garownoo waanu soo xoqnay farahayaga, igadoo isticmaalaya xirfado kala duwan, sida Baaleyska, hairmoveta, sheyfta gadhka, kaawiyadda dharka, iyo farsamooyin kaloo badan, taas oo dhaxalsiisa in farahoodu geli waayaan Kambuyuutarka shakina laga qaado laguna cel-celiyo intay doontaba ha qaadatee markay qatoobaan ama naftu u timaado waxay iska daayaan farsamadii xoqidda iyadoo markaa si fudud loo helo farahoodii, qaarna waxay go´aansadaan in ay wadamada Yurub ku dhex wareegeen iyagoo ku waaya mustaqbalkooda noloshooduna halkaa ku baabado, qaarna Caqligoodayku waayaan oo cuqdad bay ku abuurtaa waali dhaxalsiisa, iyadoo aanay wax lala yaabo ahayn haddii qof kaa horyimaado wadamada Yurub qaarkood usagoon ku salaamin inuu calaacalaa soo laad-laad sado usagoo hadal kuugu soo horaysiinaya kasheekee fahayga sow dhag maaha, garasho iyo salaani haba danbaysee, hadaad haa ugu jawaabi weydid ka filo inuu cay iyo cidanaad u shaqaysaa kuugu jawaabo., Ninka Dhoof tahriibeed Dhiilaha ubuuxshow Dhibka yaal Dhudaad mari Dhabu eeg halaagoo Dhababoco hamoodine qayrkaa ka Dheegoo Imisaa Dhaqaaqoo Dhimashadu xaq weeyoo lama Dhabar adaygee Dhaxdadii Asay baday Dhudi hooyaddii iyo Dhalaankiisi Ooyaan Ama Aabba madi dhalay curadkiisi Dhuuntoo inta uu hugii Dhigay goblan maanta Dhaxalsaday. Waxba yaan ku Dheeraan qurbe waa Dhibaatee Aammina Dhulkiinoo haday Dheefi maqantahay Rabbi baan ku Dhaartee Dhegley lagama heensado Dhitaduu illaahay calafkaa ka Dhigayoo Dhulka meelad joogtaba waa midaan ku Dhaafayn. W/Q.- MOHAMED MOHAMUD MOHAMED ASHARE "COON" Email.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
|
|